Imaaraadka oo shirqool kale u dhigaya Wiilka uu dhalay Cali Cabdalla Saalax

Muqdisho (Kalshaale) Sida ay qoreen warbaahinta Yemen dowlada Imaaraadka Carabta ayaa wada qorsho ay  wiilka Cali Cabdalla Saalax ugu adeegsaneyso duulaanka ka dhanka ah Xuutiyiinta ee ka socda Yemen.

Wararka laga helayo magaalada Abu Dhabi ayaa sheegaya in dowlada Imaaraatka ay dagaalkaasi ku gacan siineyso wiilka uu dhalay Cali Cabdallah Saalax Madaxweynihii hore ee Yemen, sidii uu dib ugu noqon lahaa Yemen.

Dowlada Imaaraadka ayaa dhaqaale xoogan ku bixineysa wiilkan oo kamid ah Saraakiisha ugu sareysa, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay in Xuutiyiinta laga saaro Yemen.

Axmed Cali Cabdallah Saalax oo horey u ahaan jiray Taliyihii Ciidamada Jamhuuriga ee Yemen ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay xabsi guri ku jiray dalkaasi Imaaraatka oo uu ku noolaa.

Axmed Cali, wuxuu ku goodiyey inuu u aargudi doono aabihiisa oo Isniintii lagu dilay dagaalo ka dhacay magaalada Sanca ee caasimada Yemen, isagoo garab ka helaaya dowladaha Xulafada Sacuudiga ee dhibaatada kawada Yemen.

Qorshaha Imaaraadka ayaa ah in wiilka Cali Cabdalla uu kamid noqdo shaqsiyaadka la filayo in ay hogaanka u qabtaan Xisbigii Saalax ee GPC.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WIILKA UU DHALAY

‘’Dhiiga aabaheyd waxa uu halaag hor leh u abuuri doonaa Xuutiyiinta iyo kuwa adoonsanaaya ee la yiraahdo Iran, waxa uu noqon doonaa mid kasii shanqari doona dhagaha Xuutiyiinta’’


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. Abdirashid says:

    Nin rag ah hadu yahay aabihi ha u aaro o waliba ila u meydkisa jiido ninka u sareya xuthiyinta yusan dagalkas ka cajisin xuthi quruna o shiici gal ah inad ku shahiido nafsadada ayay u wanagsan tahay ioahailahay agtisana sharaf bad ku yelaneysa




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxweyne Geelle oo Kashifay Siday Warbaahinta Madaxa-banaan Shabaab Taageerada u siiso iyo Arin la yaab leh
- Jan 23, 2018
Jabuuti (Kalshaale) Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka al-Shabaabka ...
Daawo: Ciyaaryahan George Weah oo loo Dhaariyay Xilka Madaxweynaha Liberia (Sawirro)
- Jan 23, 2018
Monrovia (Kalshaale) Ciyaaryahankii hore George Weah ayaa maanta loo dhaariyay xilka Madaxweynaha Liberia, kaddib ...
Sawirro: Kheyrre oo Switzerland kaga Qeyb galaya Shir Caalami ah (Daawo)
- Jan 23, 2018
Davos (Kalshaale) Reysul Wasaaraha Xukumada Fedraalka soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Dalka Switzerland ...
Daawo Video:Militariga Turkiga oo la wareegay Tuulooyiin ku yaala Suuriya
- Jan 23, 2018
Afrin (Kalshaale) Ciidamada Turkiga ayaa qabsaday dhowr tuulo oo ku yaalla Wuqooyiga Suuriya, sida ...
Daawo Muuqaal: Ciidamada Kenya oo Bur-buriyey Xaruntii Shirkada Hormuud iyo Siday qaraxa ugu xidheen (Waraysi)
- Jan 22, 2018
Ceelwaaq (Kalshaale) Ciidamada Kenya ay qarax ku burburiyey xarun Isgaadhsiin oo ay Shirkadda Hormuud ...

Featured Video