Ethiopia oo Heshiis Muhiim ahaa uga baxday Jabuuti iyo Sida wax u dhaceen

Hargeisa  (Kalshaale) Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay ka baxday heshiis ay Sanadkii 2015kii kala saxiixdeen dowladda Jabuuti kaas oo qorayay in Itoobiya ay dhisto dhuun shidaalka qaadda oo Dalka Itoobiya geysa noocyada kala duwan ee shidaalka.

Masaafada Dhuunta shidaalka ayaa lagu sheegay in ay gaareyso 550KM, waxaana dowladda Itoobiya sheegeysaa in ay u joojisay dhaqaale xumo darteed.

the Reporter. oo ka soo baxa Dalka Itoobiya ayaa sheegay in uu wareystay sarkaal ka tirsan Dowladda Itoobiya una sheegay in dowladda aysan bixin karin lacag ka badan $1.5 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Sarkaalkaas oo aan maaciisa la shaacin ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay dhameystirtay dhismaha Waddada Tareenka ee Jabuuti iyo Itoobiya,waxaana ay sheegtay in beddelka kaalinka shidaalka ay Tareenka adeegsan doonto.

Dhismaha Waddada Tareenka ayuu sheegay in ay ku baxday $4 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah,kaas oo badeecadaha kala duwan ka soo qaadaya dekadaha dalka Jabuuti geynayana Itoobiya.

Tareenkan ayaa waxaa uu qaadi doonaa shidaalka kala duwan sida diesel, gasoline iyo shidaalka diyaaradaha, waxaana uu xusay in dowladda Itoobiya go’aansatay kordhinta adeegsiga Tareenka.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (6)

  1. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Nin, Wayaane Aaminoow, Aduunbaa U Aayieeeeee,)
    NIMAAY Abeesooyin, Aramii, Uurka Jiifaan, Inaad
    Ehelsataa, Waa kuu Aqoon Xumoeeeeeeeeeeeee,)
    KUWII, Eheladaada, Awlaadooda, Kala Irdheeye,
    Inaad La Arinsataaa, Aayetiin Laawe, Iga DheeeeeeH,)
    Kuwii Aaran Kaaga Ayradaada Uurka Jiifsadey,
    Inaad Aamintaa, Eed Nin Galeey, Arami LamAlalaad_Yeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,)
    Aayatiin Iftiin Arxan Laawe, Miyaad ka Amaaneysatey,
    Axdiba Nimaan Loo Uumiin, Miyaad Aaminteeeeeeee,)
    ABAAYADAAA, Abtigaaa Inaa eebdoo Ayeeyooyinkaa,
    KUWII Aakhiro, ku Aabudhey, Miyaad Aaminaad,
    Ehelsiii, Axdi La Unkatayeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,)
    Nin Walaalkii, Abxaar kala Arinsanayaa, Eeduu gallaay,
    Amakaag, Aramiyo, Aayotiin kala Abraareeyeeeeeee,)

  2. Abdirashid says:

    Alaylahe iyo ayedkey jecliya jabka ismaciil canbaq ka xaxabi dheh xasidnimadi ad somali u mujisay marki ad kheyradki dhulki somalid e ku hos jirey gumeysiga ethopia kheyradkisi ad damacdey inad tigrega kula heshiso kheyradkena

  3. muna says:

    down,itopiya,viv,walalaha,hiilwalal guuleysta cadowgiinu,ha dhaco

  4. Wiil somaliyed says:

    Ethiopia runta salkeeda ayay sooraabatay shidaal dadkii lahaa aysan raali ka ahayn cidi dhuumo uma dhisankarto ina geele wuu is ceebeeyay waana loosheegay wuxuu kuhawoonayo inaysan suuro gal ahayn lkn wuu iska dhago mariyay adeer shidaalkan china wixii karaacay waad ogayd saa waaba jabuutiyaan

  5. Wiil somaliyed says:

    Muna
    Waanku salaamay ismaaciil mawuxuu hiil walaal kuyahay inuu shidaal soomaaliyeed oo dadkii lahaa diidanyihiin Ethiopia kula garabgalo
    Walaaltinimooy xaal qaado tani inay kudhacayso waan ogaa ta uhadhaybaase kasii xun

  6. muna says:

    wiil soomaaliyed,dhulka ka hadlayso ma fahmin




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
Faransiiska oo meel-mariyay Shuruuc adag oo dhanka dadka soogalootiga ah
- Apr 23, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa meelmariyay shuruuc dhanka socdaalka ah oo sii adkaynaya ...
Musharixiinta gudoonka baarlamaanka iyo Wakhtiga ay isdiiwaan gelinayaan
- Apr 23, 2018
Muqdisho (Kalshaale)  Waxaa maanta la filayaa in mid kamid ah sharuudaha laga doonayo inay buuxiyaan ...
MUUQAAL: RW. Khayre oo sheegay in Soomaaliya ay Sanad ku gaadhay meel Caalamku uu ka yaabay oo laga filaynin
- Apr 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha ...
Muuqaal: Wararkii ugu dambeeyay Ilaa 50 Qof oo Qarax ku Dhintay (Daawo)
- Apr 22, 2018
Nairobi (Kalshaale) Nin bam isku soo xiray ayaa Axadi maanta ku dhawaad 50 ku ...
Mo Faarax oo kaalinta 3-aad ka galay tartanka Marathon-ka London (Daawo)
- Apr 22, 2018
London (Kalshaale) Orodyahaynka matala dalka Britain Mo Farah ayaa Marathon-ka London ka dhacaya ka ...

Featured Video