Dalalka Caalamka oo si aanu filayn ugu Jawaabay TRUMP iyo Xiisada Ba’an ee ka Dhalatay Go’aankii Qudus (Muuqaal)

Muqdisho (Kalshaale) Cadho aad u xooggan ayaa ka dhalatey go’aankii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu habeenkii xalay ku dhawaaqey ee uu sheegay in magaalada barakaysan ee Qudus ay tahay caasimadda dowladda Israel.

War qoraal ah oo ka soo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in ku dhawaaqista u sameeyay Trump ay tahay mid cadaalad daro iyo mas’uuliyad daro.

Dowaldda Turkiga iyo Jaamacada Carabta ayaa ku baaqey shir deg-deg ah oo looga arinsanayo go’aanka DOnalsd Trump uu ku aqoonsadey Qudus in ay tahay caasimadda Israel.

 Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in go’aanka Donald Trump uu yahay dib u socod kaas oo Faransiisku aanu wax taageero ah u hayn, wuxuu ku tilmaamey mid ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah iyo qaraaradii Qaramada Midoobey.

R/wasaaraha Ingiriiska iyo  Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan tallaabada uu qaaday Mareykanka, sidoo kalana ay Caasimadoodu ahaan donto Talaviv.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Najib Razak ayaa ugu baaqay Muslimiinta inay caddeeyaan mowqifkooda ku aadan inay ka soo horjeedaan tallaabada Mareykanka.

Madaxweynaha Dowladda Falastiin Maxmuud Cabbaas ayaa sheegay in ay meesha ka baxdey wixii loogu yeeri jirey geeddi socodka nabadda ee Maraykanku ka dhex wadey falastiin iyo Israel, Cabbaas ayaa sheegay in Qudus ay tahay caasimadda Dowaldda falastiin waxd gorgortan ahna aan laga geli karin.

Maamulka Xamaas ee marinka Qasa ayaa sheegay in go’aanka Trump ku aqoonsadey Qudus in ay tahay caasimadda Israel uu furayo albaabka cadaabta.

 ” Dadka ka faalooda arrimaha Maraykanka ayaa sheegaya in Trump aqoonsado Qudus in ay tahay caasimadda Israel ay tahay mid la xiriirta siyaasadda gudaha ee Maraykanka. “

HALKA KA DAAWO MUUQAALKA SIDA LOOGA FALCEIYEY 

Dibad baxyo looga soo horjeedo Mareykanka iyo Madaxweyne Trump ayaa ka dhacay daanta Galbeed ee Falastiin  halkaas oo lagu gubay sawirka iyo Calanka Mareykanka, Sidoo kale waxay ka dhaceen dalka Jordan iyo Turkiga.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (3)

  1. Jaamac says:

    WAXAAN KU TALIN LAHAA ANIGU SHAKHSIYAN WAAN LA HELAYNINE IN CAALAM islamku in ay yidhaahdaan wax argagixiso ah oo aanu aqoonsan nahay waxa jira isaga’iil wixii reer GALBEED ku argagixiso maanta isku qadiyad
    Haddii ficilkani midaynwaayo ummada islaamka ah wax kaloo modayn KARA garanmaayo
    ILAAHAY HA INOO hiiliyo

  2. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Nin kii Ay ood wadaaga Ahaayeen, Amaan ka waayey,
    Ariin Islaam, Ma ka Arimiin Karraaeeeeeeeeeeeee,)
    Markaad Waranka Amleyda ood wadaagaaga, kula
    Abraareyso, Ka waantowdo, Ariin Islaam, Erey U
    Sheegoooooooooooooooooooooooooooooooo,)
    Kuwa Qudus, Loo Hibeeyey, Hadaan, kuwii hareeraha,
    ka Hoganayeey, Hiil Hoose, Ugu Hibeyn, Qudus,
    Ma HalawdeenNeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,)
    Xamramka, kuwa Hoganaya, Hoos Ayey kala kulmeen
    kuwa, Qudus Hoosta Looga Hibeeyeeeeeeeeeeee,)
    Waxa Nagu Habaan, Ilaamka, Anaaa hogaamiyeee,
    Hoostana, Yuhuuda hawsta, hawsha kala w as ddeee

  3. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Haddaysan XAMAR la gilgilan hiilka QUDUS hallaygu tiriyo Cadawga Dawladda Farmaajo/Khayre & Bulshada Rayyidkaa. MAHARIN HADAL LAYS YIRAAH. WBT




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
Faransiiska oo meel-mariyay Shuruuc adag oo dhanka dadka soogalootiga ah
- Apr 23, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa meelmariyay shuruuc dhanka socdaalka ah oo sii adkaynaya ...
Musharixiinta gudoonka baarlamaanka iyo Wakhtiga ay isdiiwaan gelinayaan
- Apr 23, 2018
Muqdisho (Kalshaale)  Waxaa maanta la filayaa in mid kamid ah sharuudaha laga doonayo inay buuxiyaan ...
MUUQAAL: RW. Khayre oo sheegay in Soomaaliya ay Sanad ku gaadhay meel Caalamku uu ka yaabay oo laga filaynin
- Apr 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha ...
Muuqaal: Wararkii ugu dambeeyay Ilaa 50 Qof oo Qarax ku Dhintay (Daawo)
- Apr 22, 2018
Nairobi (Kalshaale) Nin bam isku soo xiray ayaa Axadi maanta ku dhawaad 50 ku ...
Mo Faarax oo kaalinta 3-aad ka galay tartanka Marathon-ka London (Daawo)
- Apr 22, 2018
London (Kalshaale) Orodyahaynka matala dalka Britain Mo Farah ayaa Marathon-ka London ka dhacaya ka ...

Featured Video