R/wasaaraha Itoobiya oo hal arrin usoo jeediyay madaxda Africa & wuxuu rabo

Muqdisho (Kalshaale)  Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa daboolka ka qaaday in
Madaxda Qaarada Madow ee Africa laga doonaayo inay ka mirro dhaliyaan axdigii ahaa in Africa la gaarsiin doono awood ku filan.

Hailemariam, oo ka hadlaayay shirka dhaqaalaha Afrika ee 2017 oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegay in ballanqaadka shirkii hore uu ahaa in si mideysan Afrika loo gaarsiin doono awood isku filan oo dhan dhaqaale ah.

Waxa uu Hailemariam tilmaamay in Africa ay awood walba u leedahay inay go’aamiso mustaqbalkeeda waa haddii ay qaab beddelaad ah ku sameyso dhaqaalaheeda si ay uga faa’idaystaan muwaadiniinteeda.

Waxa uu tilmaamay in ahmiyada ugu weyn ee xiligaan ay tahay in la hirgaliyo qaab beddelaad ah oo lagu sameeyo wax soo saarka ilaha dhaqaale oo uu sheegay inuu leeyahay dal walba oo ku yaalla Africa, sida uu haddalka u dhigay.

‘’Inaan ka dhabeyno ballanqaadkii hore waxaa ka harsan isbedel aan ku sameyno qaabka aan u sameyno dhaqaalaha si ay fursad baaxad leh u helaan muwaadiniinteena dhaqaale raadiska  ah’’

Sidoo kale, waxa uu Ra’isul wasaaraha Ethiopia Madaxda Africa ugu baaqay inay hirgaliyaan Hal arrin oo uu ku sheegay isbedel dhaqaale iyo mid wax soo saar ah.

Waxaa la rajeynayaa muddada uu socdo shirka in la isku weydaarsado fikradaha ku saabsan horumarka laga sameeyey dhanka isbedelka dhaqaalaha ee dowladaha Afrikaanka ah.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (8)

  1. Ali Zubeer says:

    Waar warkiisu waxaan u arkaa hadal tiro aanan rumoobayn muddo badan marka il sax lagu akhriyo badanka Africanka.

    Laakiin waxaa xaqiiqa ah Somalida adhax jab ku ah inay Xabashidu noqotay econimic power house waayo tiradooda maanta waa 100 Million.

    Khatarta ay qaranka Soomaaliya ku tahayna cidna kama qarsoona iyada oo maanta ah dowlad land lock xeebaha Soomaaliya kontaroolaya.

    Waxaa looga hortagi karaa

    1- Xoreynta Qarankan laga xoreeyo gaalka madow iyo midka cad iwm

    2- Dhisid Qaran madax bannaan oo ku dhisan caddaalad, kala dambayn, ismaqal, wada shaqayn, horumar iyo rule of shareeca

    3- Dhisid ciidan qaran oo xoog badan

    4. Waxbarasho xooggan leh weji technology dhab ah iwm

    5- Guursi badan leh masuuliyaddeeda. Afar dumar waa inaan laga sokeyn.

    6- Caqliga qurbaha ku dhashay oo waddanka lagu qareemeeyo

    7- Ilaha dhaqaale ee guud iyo gaar oo lagu fasaxo caqliga Soomaaliga saxda ah iyo suuq loo sameeyo

    iwm

    Caqliga Soomaaliyeed ee badankiisu gaalka axmaarada kufsay waa in laga gaadha inta uusan sii bakhtiisiin.

    Bal eega kuwa axmaarada u saqlaynaya maanta ee nolosha ka dhacay fool xumadooda.

    Viva Soomaaliwayn

  2. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Maaxoow, Inaan Madhanahay, Maan iyo muruq,
    Madi ka Noqonwaayey, Maynorati Haku Maamulloo,
    Talada, Miyuu Ii MeersheeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeY,)
    Midaan Mahbaad, Diin Igalla Mudneyn, Miyaaa
    Talada Ii Maamulayeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,)
    Intaan Anigu isku Maqnsaa, Miyey Maxaysto,
    Ii MidooneenNeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,
    Macdan Taydiii, Anoo Milicsanayasa, Layga Mulkiya_Yeee, Mahadho, Maan Murgey, Miyaan
    Mulkiyayeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee,)
    Mahadaan, Maan Mulaaxa, Muruq Ka Nadhnaadey,
    Maynooratigu, Hayska Kay MaamusheenNeeeeeeee,)

  3. shaxda says:

    Kuye Ethiopia ayaa sheegay in ballanqaadka shirkii hore uu ahaa in si mideysan Afrika loo gaarsiin doono awood isku filan oo dhan dhaqaale ah.

    Nacas nacasdhalay yaadku qaldeysaa beerlaxaw sigaas ma inta ku aaminsanbaa

  4. Garqaad says:

    Waa eey eey dhalay wuxuu rabaa in Africa hormar gaarto dhanka dhaqaalaha

    Hadana wuxuu doonayaa wadan deriskiisa ah in uu kala qeybiyo isagoo ka faa.iideysanaayo duruufaha xiliga taagan

    Waa qaa.in hadda kahor wuxuu yiri lama kulmi doono maamul gobaleedyada hadeysan dowlada dhexe aysan ogolaansho ka heysan

    Labo asbuuc kahor waa kii Mudane gaas u dhigaayay roog guduudan

    Itoobiya weligeed raali kama noqoneyso dowlad somaliyeed oo awood leh

    Waan ognahay qorshaha itoobiya waxba yuusan iskaga kaaya dhigin qof jecel hormarka africa

  5. Dabshid says:

    Daanyeer Warkiisa la soo tabiyo waa arin nagu cusub.

    Gumeyste dhulkeena Xoog ku haysto inaan Warkiisa sheeg sheegno waxey gaf ku tahey DADNIMADEENA IYO DIINTEENA.

    -Waa Falastiin ku sheekeysato Warka Natayahuu Wal Yahuud”

  6. Dusha says:

    Hailemariam Desalegn waa hoggaamiye aragti fog oo saxa ka hadlay. Waxa uu ka hadlay waa heshiis Africa gaadhay wakhti hore kuna saabsanaa in qaaraddu resourcekeeda dhaqaale si cilmiyaysan uga faaiidaysato, dadkana laga saaro fakhriga. Heshiiskaas nuxurkiisii Ethiopia si dhab ah bay u qaadatay. Ilaa 15 sano ee ugu dambaysay Ethiopia waxay dhisasay aqoonta dadkeeda iyadoo u diyaarinaysay inay hormuud ka noqdaan fursadaha dhaqaale ee qaaradda Africa ka soo socda, siiba geeska Africa. Hadda waxay arrinta uga hadlaysaa, waxay ogtahay in Ethiopia aqoon ahaan iyo dowlad ahaanba u diyaarsantahay inay arrintan si wacan uga faaiidaystaan. Ninkii seexday baa sici dibi dhalay. Raiisulwasaaruhu waddankiisa iyo dadkiisa dantooda ayuu ka hadlay booskeedii iyo wakhyigeediina waa koogaa. Dadkii iyo aqoontiina waa u diyaar. Tani wakhtigii hadalka maran/eberkaa waa ka gudubtay, waa maxaad u kaydsatay, u tabcatay una diyaarsatay. Haddii kale shimbituba har iyo habayn waa iska bacaac leedahay cidina ma aftaqaan, mana dhagaysato. Maanta adduunka standard iyo aqoon buu isku afgartaa, qofkii standard kaas ka mustawe hooseeyaan, cidina ma dhageeysato. Sida shimbirtaas..kkkkkk….

  7. Dusha says:

    Koogaa=joogaa

  8. Dusha says:

    Intii dalka iyo dadka burburintooda lagu mashquulsanaa ayey Ethiopia ku masquulsanayd inay dadkeeda iyo dalkeeda dhisto. Mirihii bay guranaysaa, aynaguna miraheenii baynu guranaynaa. Horumarka ugu weyn ee abid Ethiopia ku talaabsatay wuxuu dhacay 20 kii sano ee u dambeeysay, kaasoo ay waddanka ku dhistay, dadkana wax ku bartay. U fiirso waa wakhtigii Soomaaliya burburinta, bililiqada, iyo barakicinta lagu masquulsanaa. Qiiro Japan iyo laablakac inaga saarimayso. Khalad kii iyo xisaabxumadii hore oo kale un bay keenaysaa. Waa la kufay, waana la jabay. La jabtay sidii hore uma kabanto. Sidii loo kici karo iyo sidii loo kabmo, dookh iyo laablakac maaha, waa dani ku qabatay. La yaab maleh. Si hoose oo aan Ethiopia heer aqoonta caafimaadka ay marayso aan ka hayo waa sidan: markii uu qof jirani ka yimaado Ethiopia kadibna dhaqaatiirta Maraykanku ay fiiriyaan: medical history in Ethiopia, micnaha wixii ay dhakhaatiirta Ethiopia ka heleen, kadibna baarista la mariyo, 100% dhaqaatiirta Maraykanku waxay ku raacaan wixii ay dhakhaatiirta Ethiopia horay ugu sheegeen qofkaas jirran. Taasoo ku tusinaysa awoodda ay Ethiopia dhakhaatiirteeda ka gaareen aqoonta caafimaadka iyo technoolajiyada casrigaa.




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
MUUQAAL: Xildhibaan Lama Filaan ku dhigay xaflad la isugu yimid C.raxmaan C.shakuur iyo Xubno Farmaajo Diidan !
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Xildhibaan Abdishakuur Cali Mire oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, oo maanta Khudbad ...
Itoobiya oo Israel ka iibsatay Barnaamij ay ku basaasto Shacabka iyo dalal kale
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Warbixin ay soo saareen cilimi-baarayaal waaxda (Citizen Lab) ee ka tirsan Jaamacada ...
Daawo Video: Prof. Cali Khaliif Galaydh “Waxa aan Rabaa Soomaliland loo dhan yahay iyo Muuse inuu Heshiiskii Fuliyo”
- Dec 12, 2017
Hargeisa  (Kalshaale) Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka khaatumo oo Hargeisa ku sugnaa Mudooyinkan ...
Daawo: Wasiir Bayle oo War Farxad leh ka sheegay Guulaha uga soo baxay Shirkii Nairobi iyo Siday wax u dhaceen
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay ...
MUUQAAL+Murugo: Donald Trump oo Soomalida Masaafurinaya iyo Dumar ay Ilmadu ka dhamaatay iyo Waxa dhacay
- Dec 12, 2017
Minnesota (Kalshaale) Qaar ka mid ah qaraabada iyo qoysaska 92 qof oo Soomaali ah ...

Featured Video