Madaxweynaha oo ka hadlay heshiiska Somalia la gashay Mareykanka iyo Qatar

Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in heshiisyada horumarineed ee Soomaaliya ay la saxiixatay dowladaha Maraykanka iyo Qatar ay yihiin kuwa ka tarjumaya horumarka ay dowladdu ka samaysay dhanka xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah.

“Heshiisyada horumarineed ee aan la galnay Mareykanka iyo Qatar waxay si xoojinayaan xiriirka haatan naga dhaxeeya dowladahaas, waxa ayna caddayn muuqata u tahay sida uu u sii xoogaysanayo iskaashiga iyo xirriirka aan caalamka la leenahay iyo kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey heshiisyada horumarineed ee dhawaan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Dowladda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID) oo lacag dhan $300 milyan ku bixineysa arrimaha maamul wanaagga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka.

Sidoo kale, Sanduuqa Horumarinta iyo Hay’adda Gargaarka ee Dowladda Qatar ayaa iyagana sameynaya maalgelin ay ku kaceyso lacag dhan $200 milyan oo loo qorsheeyay dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, xarumaha dowladda iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

“Maal-gelinta iyo taageerada horumarineed ee intaa le eg ma ahan mid ku kooban dib-u-dhiska dalka oo kaliya ee waa mid kor u qaadaysa kaabayaasha dhaqaalaheenna, taas oo dhabaha u xaareysa in nolol wanaagsan ay helaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay markhaati u tahay dadaalka aan ku bixineyno in ay Soomaaliya ka hana qaado nabad iyo barwaaqo la isku halleyn karo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Xukuumadda uu hogaamiyo Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre dadaalka ay ku bixinayso dhammaysitrka heshiisyadan isagoona guul weyn ku tilmaamay in muddo hal toddobaad gudihiis ah ay Soomaaliya la saxiixato dowladaha Mareykanka iyo Qatar maalgelinta mashaariic horumarineed oo isku darkoodu ay ku baxaysa lacag dhan 500 oo milyan oo Doolar.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. Hooyo Soomaaliyeed says:

    Maasha’aAllaaH!!! Aad bay u mahadsanyihiin
    Maraykan iyo Qatar inay tix geliyeen Dawlad Wanaaga iyo isku kalsoonaanta M.C
    Farmaajo iyo Khayre.
    Cadowgiin ha jabo!!! Waa Hubaal inu Maanta Jabay! Allaah (SWT) baa idinka Raali ah, Soomaaliweyn baa idinka Raali ah.
    WAA HIIL SOOMAALIWEYN!!!




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo Video:Maxaa Kajira In Xildhibaano Xidhan la Rabo in Xasaanada Laga Qaado Xisbiga Wadani oo Qarxiyey Arrintan
- Feb 21, 2018
Hargaysa (Kalshaale) Xukuumada Muuse Biixi ayaa Lagu eedeeyey in ay Wado in Xildhaano u ...
Daawo Video: Suldaan Cune oo Sheegay in Somaliland La Inqilaabay Fariin Adagna Diray
- Feb 21, 2018
Hargaysa (Kalshaale) Suldaan Cune oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland Sidoo Kalana Ah Nin ...
Daawo Video:Culimada Puntland oo ka Qayliyey Lacagta Xajka Lagu aado Baaqna u Diray Madaxda Somalida
- Feb 21, 2018
Boosaaso (Kalshaale) Culimada Puntland Gaar ahaana Boosaaso ayaa  Ka Qayliyey Lacagta Tirada Badan ee ...
Daawo Video: Xaalad Cakiran oo ka Taagan Burco Iyo Maayarka Burco ee Muraad oo Faahfaahin ka Bixiyey
- Feb 21, 2018
Burco (Kalshaale) Magaalada Burco Waxaaa Maalmahan ka Taagan Shaqaaqooyin is Daba Joog ah Kuwaas ...
Daawo Video: Maxkamada Gobolka Togdheer oo Xukuno ku Riday Dad Khamri ka Ganacsanayey
- Feb 21, 2018
Burco (Kalshaale) Maxkamada Gobolka Togdheer ee Maamulka Somaliland ayaa Maanta Xukun ku Riday Koox ...

Featured Video