Gudoomiye Taabid oo dalbaday Ciidan Madax banaan oo suga Amniga Xamar

Muqdisho (Kalshaale) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa dalbaday Ciidamo madax banaan oo suga Ammaanka Caasimadda.

Guddoomiye Taabid oo khudbad ka jeediyay shirkii Amniga Muqdisho ayaa soo jeediyay dhismaha Ciidamo madax banaan, oo qaada howl gallo wadajir ah, isla markaana leh Hal Talis, si ay sugaan ammaanka Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay ciidamo kala duwan ay ka howl galaan magaalada Muqdisho, isla markaana ay adkaatay inay xaqiijiyaan amniga Muqdisho, taasna ay sababtay in loo baahdo Ciidamo madax banaan oo hoos-taga Gobolka Banaadir oo leh Hal Talis.

“Gobolka Banaadir waxay leedahay tirada ugu badan ee Ciidamo ammaanka, hadana waxay si joogta u wajahaan khataro amni, waana sababta aan ugu qanacsan nahay in aan helno ciidamo madax banaan oo isku xiran, lehna Hal Talis”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

Sidoo kale Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu la kulmay weerarkii ugu xumaa ee argagixiso ee dhacay 14 October, kaasoo lagu dilay in ka badan 500 oo ruux, isagoo xusay inay muhiim tahay in la qaado tallaabooyin lagu xakameynayo amniga, laguna soo celinayo xasiloonida Gobolka.

Bishii May ee sanadkan ayaa Golaha Wasiirada waxay dhiseen Ciidan isku dhaf ah oo loogu magac daray Xasilinta Caasimadda, kaasoo la hoos-geeyay Maamulka Gobolka Banaadir, ciidamadan ayaa isugu jiray Boolis, Milateri, iyo Nabadsugid, waxaana ciidamadan ay ka qeyb qaateen isku dhacyo dhiig fara badan ku daatay oo ka mid ahaa mid dhex maray iyaga iyo Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyo iska hor imaad kale oo ay degmada Dayniile kula galeen Ciidamo Milateri, waxaana wixii ka dambeeyay isku dhacyadaas isa soo tarayay walaac laga muujinayay qaabka ciidamadan u howl galaan.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (12)

  1. Dabshid says:

    5000 oo wiil oo miishaar fiican laga siiyo Canshuurta ay dhiibaan reer Mogadishu ayaa sugikaro Amaanka Xamar,

    Waxaan ka diidney Xassan Shiikh majiro qofaan ka yeelayno.

    – Xassan ayaa dayacey Amaanka Xamar
    -Xassan ayaa diidey Maqaamka Xamar
    -Xassan ayaa 4.5 u qeybiyey Canshuurta Xamar.

    ** Reer Mogadishu Canshuurta Dhiiba, Karfanta Qaata**

  2. Garqaad says:

    Waan soo dhaweynayaa hadalka mudane taabid
    Xamar waa in loo sameyaa ciidamo u qaas ah oo Amaank kagula xisaabtamo

    Waan u baahanahay gudoomiye aan ku qancin maanta xilka uu haayo
    Waan u baahanahay gudoomiye kudhiirado raadinta xuquuqda shacabka xamar ee dayacan

    Waxaa xaqiiq ah ciidamo kala duwan oon hoostegin gudoomiye taabid inta ay xamar joogaan wey adagtahay in la sugo Amaank xamar

    @ dabshid eboow salaan sare
    Ma istiri mudane taabid wuxuu qaadayaa talaabo muhiim ah

  3. Dabshid says:

    Garqaad

    Salaan sare,

    Hadduu hadalka Taabid ka yimid Qalbigiisa waan soo dhaweynaynaa, hadduuse Afka ka yahey horaa naloo sirey oo emotional keena looga faa’ideystey.

    ** Shacabka Mogadisho Kabdhood maahan**

  4. Mr BaHaL says:

    Taabid waa ku saxsan yahay inuu Magaaladiisa u tashado,Tuladiisa u tashado oo aan meel kale looga yeedhin.
    Somaliya waa Federal,nin walba Tuladiisa ha u tashado.

    Raysal wasaaraha Ethopiya ayaa igu yidhi Federalka wuu fiican yahay.

    Dalmida

    • Jugle says:

      Taabit rag buu u shaqeeyaa oo udhiibtay meeshan, haday rabaana way badali ee sidaas ula soco kkkk mida kale adigu waxaad tahay sabiil (cawro) dhex taala ogaden iyo isaaq ee maxaa ku gaadhsiiyey xamar-taas aanu xukuno kkkkkkkkk

  5. Mr BaHaL says:

    Adiga waxaa iskugu kaa biiray,edaabdaro Daarood,Jahli iyo Reer baadiyenimo.

    Naftaada ayaad halis ku tahay.dadka kalena halisbaad ku tahay.Waa in lagaa dheeraadaa.

    Dalmida

  6. Jugle says:

    Mar hadii aanu qoslaaye, iyo kuwii qoodha xumaa, iyo qanyare laad qabadsiinay, oo qarniyaal dabadood, iyaga oon qaran keenin, villadii aanu ka qaadnay, qoraal waan iska daynay, oo qosol baan ku jirnaa kix.kix.kix ee dabshidow qiiro jabaanta iyo qadhmuunka meeshan la dhaaf kkkkkkk

  7. absame boy says:

    dabshid mooryaan. xasan intaas muusan diidine wuu dib dhigayay oo wuxu la sugayay dib usoo noqoashadiisa daarood ka cabsi bay ka ahayd lkn wanku fahanay daaqadana ka tuuray lamana aqbalo karo caasimada ummada in jifo 91 qabsatay loo xalaaleeyo oo tuulo go’doon aha u ekaysiiyaan.

  8. absame boy says:

    jugle maxad tidhi mar hadaan qoslaaye iyo kuwii qoodha xumaaa laaad qabadsiinay 9n villadi ka qaadnay kkkkkkkkkkkkkkk dib dambe ree futomadoobe viilada ugu xaari mahayaan yeysan kuriyoonin inay kusoo noqdaan.

  9. muna says:

    doqon rer futamadobe ayaga vilada iska leh rer futujaale wa laga saari kkkk

  10. Ali Zubeer says:

    Bro Garqaad

    Asc

    Maalin ka kor hadal aad tidhi weeye mowqifka Suldaanka.

    Hadalkaasi waxaa uu ahaa in Somalia ay xukumaan Soomaali oo dhan meesha ay rabaan ha ka soo jeedaane.

    From Lawya cadde to Dhobley waa in Somali oo dhan la kala lahaan oo nin woqooyi ka yimid u taliyaa koonfur, nin koonfur ka yimidna woqooyi u taliyaa.

    Haddii halbeeggaasi uu dhummo waxaa dhici doonta in qaranka la waayo oo khilaafka degaanku karkaarka ka sii waydaarto.

    Anigoo nabadaynta xamar doonahaya haddana Taabit warkiisa ima cajabin.

    Viva Soomaaliwayn




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
MUUQAAL: Xildhibaan Lama Filaan ku dhigay xaflad la isugu yimid C.raxmaan C.shakuur iyo Xubno Farmaajo Diidan !
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Xildhibaan Abdishakuur Cali Mire oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, oo maanta Khudbad ...
Itoobiya oo Israel ka iibsatay Barnaamij ay ku basaasto Shacabka iyo dalal kale
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Warbixin ay soo saareen cilimi-baarayaal waaxda (Citizen Lab) ee ka tirsan Jaamacada ...
Daawo Video: Prof. Cali Khaliif Galaydh “Waxa aan Rabaa Soomaliland loo dhan yahay iyo Muuse inuu Heshiiskii Fuliyo”
- Dec 12, 2017
Hargeisa  (Kalshaale) Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka khaatumo oo Hargeisa ku sugnaa Mudooyinkan ...
Daawo: Wasiir Bayle oo War Farxad leh ka sheegay Guulaha uga soo baxay Shirkii Nairobi iyo Siday wax u dhaceen
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay ...
MUUQAAL+Murugo: Donald Trump oo Soomalida Masaafurinaya iyo Dumar ay Ilmadu ka dhamaatay iyo Waxa dhacay
- Dec 12, 2017
Minnesota (Kalshaale) Qaar ka mid ah qaraabada iyo qoysaska 92 qof oo Soomaali ah ...

Featured Video