MUUQAAL: Guulaha Safarkii Wafdi Ka socday Dawladda Soomaaliya oo Qatar gaadhay iyo Waxay la Kulmeen (Video)

Doha (Kalshaale) Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Booqasho Rasmiya oo Saddex Maalin Qaadatay ku yimid magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar.

Wafdiga ayaa la kulmay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Qadar Maxamed Xamaadi iyo Madaxda Wasaarada , Waxayna ka wada hadleen Dar-dar gelinta Heshiiskii ay horay labada dal u Saxeexdeen Sanadii 2015 kaasi oo ku saabsan Waxbarashada, Tacliinta Sare iyo Cilmi baadhista, iyadoona hada lagu Lagu kordhiyey Farsamada.

Wafdiga Soomaaliya ayaa soo bandhigay Mashaariic ku saabsan dhinaca Horumarinta, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare kuwaasi oo ay doonayaan in laga caawiyo, Iyadoona oo labada dhinac ay isku Afgarteen.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO GUULAHA SAFARKA 

Dhinaca kale Wafdiga DF-Somalia ayaa Kulan la Qaatay Agaasimaha guud ee Sanduuqa horumarinta ee Qatar Khalifa Jassim Al kuwari, iyo Madaxa Hay’ada Qatar Khayriya Yuusuf Al-kawari , Sidoo kalana waxay Booqasho ku tageen Jaamacadda Xamad Bin Khaliifa.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen Labada Dawladdood laga gaadhay guulo la taaban karo “Waxaanu ka wada hadalnay oo isla garanay Fulinta Heshiisyadii Hore, waxaana u sheegnay in Soomaaliya ku socoto Marxalad Horumarineed, oo aanu ka gudubnay Xaaladii Bini’aadanimo ” ayuu yidhi Wasiirka.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (4)

  1. shaxda says:

    Wasiir walba intuu carab ganacsada isku soo sawiro hayiraahdo xaalka meel fiican ayuu marayaa

    Waxaanla yaabay somalida koleyba dawarsi ayayku jirtaa maydawarsato reer galbeedka

    Kuwaa ayaa xuquuqul insaanka ku fiican

    Carab sowkuwaan aragnay maaha oo xitaa ka xishoon waayay iney asturaan madaxweynayaashii ay iska dileen

    Qadaafi,iyo cali cabdalla saalax siliceyku dhinteen xitaa wuu dhibiwaayay

    Hadday qabtaan xitaa xaafid al asad siddaa uunbey mediyaha utusiyaan intey sixun udilaan

    War carab waxba inoogama xirna waxna umahayso somaliya ee umadaan yaala wareerin

  2. Ali Zubeer says:

    Tallaabo hore loo qaaday.

    Waa inta ay Qadar godlan tahay si cilmiyeysan oo horumar ku dhisan loo maalaa

    Viva Somaaliwayn

  3. Cadaado says:

    Ali Zubeer, waan kusalaamay.
    Mawaxaad Somalida ku dhiiragalin tuugsiga Qadar iyo Turkiga iyo umadaha kale oo dhan? Magan Allay Magan Rasuul.

    War kadaa saaxiib. Tuugsi waa dullinimo. Qofka in uu beer qota, malaayna dabto, oo waxii uu shaqeeysto cunno wax eey ku dhaanto nolosha malahahan, amba shaqsi ahaan kali kali, amaba dal ahaan.

    Somalida hajoojiyaan caqli daanyeernimada aduuhka eey ku dawarsanayaan.
    God bless Somalia.

  4. Ali Zubeer says:

    Bro Cadaado

    Asc

    Waxaan ka hadlay geopolitics natiijada ku ladhan not dawarsi.

    Runti Qadar iyada noo baahan waana dal qani ah. Waxay noogu baahan tahay dhex dhexaadnimada ay Soomaaliya tidhi waynu nahay.

    200 million bay cisho dhowayd u oggolaatay Farmaajo iyo khayre oo aan shuruud ku xidhnayn

    Dalkan horumarkiisu wuxuu u baahan yahay dhaqaalaha yaalla in lala soo baxo

    Wixii magaca Soomaaliya ku yimaadana oo aan is dullayn ku jirin in wax la taaban karo lagu qabto.

    Runtii anigu waxaan aaminsanahay in Carabta khayraadka yaal ay muslimiinta wada leeyihiin laakiin maanta dadka heerkaa ma joogaan.

    Marka haddii Qadar iwm siiyaan Soomaaliya dhaqaale maahan dawarsi iyo is dullayn. Waana in wax lagu qabtaa.

    Halkaa aan ka hadlay waa halkaasi

    Laakiin waxaa waddanka jooga kuwa nijaas ah oo aanan garanayn sida wax looga faaisaysto khayraadka dalka . Waa kuwa maanta kalluun dibadda ka keensanaya iyaga oo xeebtaa iyo baddaa baaxadda wayn leh. Laba daraadle badar ama hadhuudh soo iibsanaya iyagoo gallayda aynu aragnay dalka ka beeran karna

    Viva Soomaaliwayn




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
MUUQAAL: Xildhibaan Lama Filaan ku dhigay xaflad la isugu yimid C.raxmaan C.shakuur iyo Xubno Farmaajo Diidan !
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Xildhibaan Abdishakuur Cali Mire oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, oo maanta Khudbad ...
Itoobiya oo Israel ka iibsatay Barnaamij ay ku basaasto Shacabka iyo dalal kale
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Warbixin ay soo saareen cilimi-baarayaal waaxda (Citizen Lab) ee ka tirsan Jaamacada ...
Daawo Video: Prof. Cali Khaliif Galaydh “Waxa aan Rabaa Soomaliland loo dhan yahay iyo Muuse inuu Heshiiskii Fuliyo”
- Dec 12, 2017
Hargeisa  (Kalshaale) Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka khaatumo oo Hargeisa ku sugnaa Mudooyinkan ...
Daawo: Wasiir Bayle oo War Farxad leh ka sheegay Guulaha uga soo baxay Shirkii Nairobi iyo Siday wax u dhaceen
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay ...
MUUQAAL+Murugo: Donald Trump oo Soomalida Masaafurinaya iyo Dumar ay Ilmadu ka dhamaatay iyo Waxa dhacay
- Dec 12, 2017
Minnesota (Kalshaale) Qaar ka mid ah qaraabada iyo qoysaska 92 qof oo Soomaali ah ...

Featured Video