Daawo: Hoggaamiyaha Kooxda Xuutiyiinta oo Si yaab leh uga hadlay Dilkii Cali Cabdalle Saalax (Warbixin)

Muqdisho (Kalshaale) Hogaamiyaha Kooxda Xuuthiyiinta shiicada ah Iran ay taageeerto Cabdilmalik Al Xuuthi oo warbaahinta la hadlay saacado kadib dilkii Madaxweyne Saalax ayaa sheegay in Cali Cabdalla Saalax iyo taageerayaashiisa ay galeen khiyaano Qaran ayna la safteen Xulafada Sacuudiga.

Cabdilmalik Al Xuuthi wuxuu ku dooday in dhankooda ay isku dayeen in xal walba arrintan loo helo balse ay dagaal kala horyimaadeen kooxda Saalax ayn taas ku qasabtay iney isdifaacaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dilka Cali Cabdalla Saalax ayaa laga cabsi qabaa inuu waji cusub uu yeelo dagaalka ka socda Yemen maadaama uu kasoo jeedo mid ka mid ah qabaa’ilka ugu hubka badan dalka Yemen isla markaana uu ku lahaa taageero xoog leh.

Waxaa uu intaas ku daray in Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Yemen ay bilaabeen dagaalka, ayna taas horseeday in kooxdiisu iska difaacdo, isla markaana qaarajiso Saalax ii dalkaas soo xukumayey 33 sano.

Dilka Cali Cabdalla Saalax ayaa laga cabsi qabaa inuu waji cusub uu yeelo dagaalka maadaama uu kasoo jeedo mid kamid ah qabaa’ilka ugu hubka badan dalka Yemen isla markaana uu ku lahaa taageero xoogleh.

Saalax ayaa xiliga la dilayey doonayey inuu koonfurta uga baxo magaalada Sanca si uu u gaaro goobta ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka qabiilkiisa oo 20km u jirta magaalada Sanca ka dib markii hoygiisa Sanca la qabsaday.

Xulufada Sacuudiga iyo dowlada caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaan illaa hadda ka hadlin dilka Saalax oo ahaa mid lama filaan ah oo dad badan ay si weyn uga naxeen.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. rooble says:

    waa ceeb in madaxda la.diloo
    midkale hadii u qirtay in ay saalax dileen asagana ha la qaarajiyooo




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
DEG DEG: Rasaas Xoogan oo Gudaha Magaalada Laascaanood laga Maqlayo
- May 25, 2018
Laascaanood (Kalshaale) Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee magaalada laascaanood ...
Daawo Wafdi Balaadhan oo ka socday DF-Soomaaliya oo gaadhay Kismaayo
- May 25, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Wafdi Balaadhan oo isugu Jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka socday Dawladda Soomaaliya ...
Daawo: Muqdisho Sida looga dareemay Dagaalka Tukaraq ee P.land iyo S.land
- May 25, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Iyadoo maalintii shalay uu dagaal Qadhaadh ku dhexmaray Gobolka Sool Ciidamo ka ...
Muuqaal+Faallo: Faysal C. Waraabe oo Noqday ‘Afhayeenka MUUSE BIIXI’ Iyo Wasiirada uu meesha ka saaray (Video)
- May 25, 2018
Hargeisa (Kalshaale) Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda siyaasi mucaarid ah ...
Muuqaal: Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka “Gabaygii Garoowe iyo Md. Farmaajo
- May 25, 2018
Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka "Gabaygii Garoowe iyo Md. ...

Featured Video