Muuqaal: Dawladdaha Maraykanka iyo Somalia oo gaadhay Heshiis ku kacaya 300-Milyan iyo Taariikh Cusub (Daawo)

Dawladaha Soomaaliya ayaa 30-sano kadib Heshiis Toos ah la gashay  Dawladda Maraykanka, waxaana goob joog ka  ahaa R/wasaaraha Soomaaliya  Mudane Xasan Cali Khayre.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Heshiiska ayaa waxaa Dawladda u saxeexay Wasiirada Maaliyadda iyo Qorshaynta, Waxaana la sheegay inuu heshiiskan ku Kacayo 300-Milyan oo Dollar.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa Xili dhowaan Dawladda Qadar ay Soomaaliya la gashay Heshiis ku Kacaya 200-Milyan.

R/wasaare Khayre oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay Soomaaliya Cagta saartay Jidkii Nolosha, Islamarkaana Aysan Hadal ahayn ee Shacabku hada u arkaan Ficil ahaan, Wuxuuna sheegay inay tahay wax lagu Farxo in Dawladda Maraykanu ay hada gar-waaqsatay inay Soomaaliya Heshiis toos ah la gasho, Taasi oo muujinaysa Kalsoonida lagu qabo Dawladda.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (39)

  1. Jaamac says:

    MAAWEELADA CARUURTA KKKKKKKKKKKKKKKKK

  2. muna says:

    iSxayaysiinta naga dayo cad la imada

  3. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Somali Maxamedey, bal daya 2badaan ruux oo iga horraysay damaqooda, haddii la dhihi lahaa qabiiladiina cawinaada lo ogoladay TOROROGTOODA & faanku wuxuu buuxin Sabuuradda BAAL goormay damaq Somali yeelan?. Kuwo qalbiga ka jirran oon rajjo lahayn iga dheh. ILAAHOW CAAFIMAAD NAWADA SII. WBT

  4. khaatumo haanoolaatoo says:

    MUNA
    dowlada mucaarad baad kutahay garanmaayo waxaad ku diiday weli maygaadhin wakhti la dhaliilo wax qabadkooda dowladihii somaray dalkena inti burburka tanaba loguqaatay kuwi hore wax lacag ahba gacanta loma
    gelinjirine waxa maamuli jiray hayado marka sadex meelood lagadhigo lacagta labameelod qaadanjiray hadeer waxasi way dhamaadeen o waxa lasemeeyey bangi lacagtu toos uguso dhacayso wixi kabaxa iyo wixi kusodhacaba lala soconkaro mahadaana ilaahayba iskaleh iyo wasiirka maaliyada o
    Mr cabdiraxmaan Bayle o ah nin wadaniya daacad ah jecel inuu dadkisa iyo dalkiisaba wax u qabto
    dowladeena cimrigeedu aadbu u yaryahay weli sanad maydhamaysan yeynaan deg degine aynu kadhursugno WBT

  5. Mr BaHaL says:

    3 boqol oo milyan.

    Halkanbay ka dilaacday.

    Dalmida

  6. rooble says:

    muna

    waxaad ka warantaa arooskan kadhacay galmudug ee illaa 200.boqol ee gaadhi lagugalbiyaayo yaawaaye .

    . soo soco

  7. rooble says:

    mr bahal

    waar bal ii waran ugaas
    baryahan xagaad kadhacday

  8. Dusha says:

    200 million qadar, iyo 300 million Maraykan waa dhiirigelin muhiima u ah dawladda Soomaaliya. Waxay kaloo tusinaysaa in caalamku kalsooni u muujinayo dowladdan. Waxaan filayaa aaminaadan dhaqaalaha xoogga leh lagu aaminayo dowladdan, in loo sababayn karo iyagoo loo arkay in aanay musuqmaasuq ahayn, musuqmaasuqaas oo ah mid lagu calaamadin jiray inta badan maamuladii soomaaliya soo maray. La isma xaqiree waa guul ay dhankaa ka soo hooyiyeen. Tani waa tijaabo sida ay u maamulaan ayey ku xiraandoontaa sida mustaqbalka loola sii macaamilaa.

  9. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Mahadsanid Khaatumo hanoolaato, intaan dhihilaha Ka fiican Baad tiri Adeer. WBT

  10. dhunkaal edbiye cidda xun says:

    war dee bello Adeer waxan u arkaa waxan heshiiska laleeyahay in ay tahay shinbarayahow heesa Balkan soo fariista hees wanagsan qaada tan kale somslidu waxay Ku mash maahdaa ninkaad wax u dhiibanaysid kabihiisa ayaa LA eegaa mash maah kalena waxay ahayd maxay Ku nuugtaa ama ka nuugtaa hashuna naaso malahaan nirigtuna faruuryo malahaan waxan ka soo waxaa mash maahan ninkii garanaya sharaxaad uma baahna balse hadan soo koobo Adeer dawlad somaliyeed oo heshiis geli karta xiligan mahayno waayo ayada DAC daraysan marekana sunta nuclerka ayuu rabaa in uu Ku shubo badeena inta ka Hartay iyo berigaba heshiis kale majiro oo wax Ku ool ah lamana gelato qoladaan igu sawir ee raysal wasaaruhu ugu horeeyo meesha na shaqadiisaba mayaqaano wuxuu u shaqaynayaa sidii Ingoska uu ugu shaqayn jiray wasiiradii ayuu shaqadood Ku haysaa kuwona katage kuwona way kadaba tegin

  11. Mr BaHaL says:

    Roble

    sxb sawtaan wanbahaarka la jiifay markii layna dhacay.

    Wanbahaarka doorashada Ayaan qaadayay.

    Dalmida

  12. rooble says:

    axmed somali

    adigu horta miyaanad cidba diidin
    yacni somalia waad tagerta somaliland waad tagerta khatumo waad tagerta
    aringaagu ma waxa weyaan kana fuulaye alaw fihaa wbt soo soco

  13. Dusha says:

    Hadday suurogasho tan aad u muhiimkaa waa 300 million ee Maraykanka. Dhaqaalaha Maraykanku bixiyo waxaa ku lifaaqan xiriir diblommansi. Waxay kaloo keentaa in dowladaha xulafadiisaa ay iyaguna ku daydaan. Tan kale meesha Maraykanku dhaqaalaha ku bixiyo waxaa soo beegsada Kambaniyada Maraykanka oo doonaya inay howsha qabtaan. Ha laga faaiidaysto, haddii Maraykanku u soo jeesto arrimaha Soomaaliya, waa arrin fiican.

  14. rooble says:

    mr bahal

    kkkk . kkkkk . kķkkk. walahi si niyo ah qoslay

    . waa caadi sxb dhacday haatan oo hadal kamajoogo lakiin waxaan kushegayaa 30.sano hadii ay qadanayso anigu waxaan ahay mucaarid waar niyaw annigu rooble ahaan waan diiday qori isudhiibka

    soo soco

  15. Hayaan says:

    Jaamac
    Asc

    Masayr.com

  16. Hayaan says:

    Jaamac
    Rooble
    S/lander
    Laalays
    Aarka Hargaisa:

    Nolosha cusub soo dhoweeya dowlada Soomaaliya ee aad ka mid tihiin soo dhiweeya horumarkeeda waana ka soo baxaysaa dhib kii la degay inshaa alaah.

    Maamul goboleedka North Soomaaliya waa qabtooda loo diyaariyaa Muuse Biixina ha usoo dirsado cidii usoo qaadi lahayd.

    Soo Dhowee nolosha cusub soo dhowee.

  17. Land of Punt says:

    Rooble
    Mr Bahal Gudabiirsay maaha! Kkkkkkkk
    Intaas waan ogahay!
    Dee Huunada haduu yahay xagey usoo marin Somalia ma Gabilay ayey kasoo dul boodin!
    Dee shaqsi Somalidiisa wax waa la qaybsankaraa sida Fowsiyo Xajji Adan, Omaar, in Ina Qallib, iyo Ina Cumar Carte oo kale laakiin beesha meesha alle dejiyey ayey degen tahay!
    Land lock and sandwich Iidoor!
    Kkkkkkk😎

  18. rooble says:

    hayaan

    sxb dawlada somalia waa nacasyo bal eeg lacagtaa dawlada caalamku ugu deqeen ayay nacasnimadooda siibayaan somaliland oo aan u jeedin kkkkk soo soco . maxay ka fa.iidayaan may iska haystaan lacagtooda lakiin miyaan layabayaa hora looyidhi midaama dhagomaleh hadii u malagdhawaqee wbt

  19. rooble says:

    land of bunt

    kkkk . caawa. mr bahal waxaan doonayay in aanu is waraysano lakiin waa iga baxsaday

    ______________________________________________

    mr bahal waxan islahaa aad.tidhahdid
    waar niyaw qolodan hawiye maxay ku siyeen oo aad qolodan daarood aad weerarka ugu.badisaa waxanu waayabe
    mr bahal . soo soco

  20. rooble says:

    land of bunt

    mr bahal qofkii soo muqdaba waxa u leyay ma daaroodba budhku waa saranyay
    waxayaabaha aan xasuusto ee uu bari hire odhanjiray waxa ka mida waar hooy daaroodow hadii aydaan dawlada difaacikarayn noodaaya imikaydun jabhad yar kayaaci doontaane kkkkkk. waar ninkaasu wakhtiyada qaar ayuu kaqoslinayaa . soo soco

  21. rooble says:

    raali ahaada 4sac ama 10 sac ayaan shaqogalayaa hurdo.com

    dhamaan by by nabadeeeeye

  22. Jugle says:

    intii aan dhihi lahaa waxaa qoray ruuxa wata @dusha,
    yes, in lacagahaas badan lagu aamino waxaa keenay kalsoonida lagu qabo dowlada farmaajo, runtii dowladani way dadaalaysaa hanoqoto dhinaca isku dhafka ciidanka, aaminaada, la dagaalanka ugus IWm balse faanoole fari kama qodna oo xamar waa meel uu dabshid 26 sano ku xaaraayey ee xasaabta ku darsada oo dowladu way cusub tahay ee yaan la hor boodin, guul somaliya

  23. Laalays says:

    Dusha,

    15 sano ee ugu danbeeyay meelo badan oo aduunka ah ayaa Soomaaliya loogu sameeyay shirar maal loogu ururinaya. Meelkasta Bilyenis baa loogu balanqaadayay. Hal doolar oo si toosa loo siiyay weli ma arag.

    Lacagtaa xitaa inta la bixiyay ma soo dhaafto, Adis, Kampala iyo Nairobi.

    Hadii tan toos la idiin siinayo oo ay dhabtahay waan idiinku hambalyaynayaa.

    Ku dhista ciidan aad kaga maarantaan Amison.

  24. Jugle says:

    Rooble, tusaale wayn baad noo noqotay yacni mar dambe arki maysid dhulbahante oo wax ka sheegi mj kkkkk waayo habrihii saliida kuu qiyaasay baad Wali hoos fadhidaa ee ileen anaga umbaad na waashaan oo aad nakala qaybisaan kkkkkkkkkkkkkkk hurdo wanaagsan inader

  25. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Dabshid says:

    December 5, 2017 at 11:56 am

    Ahmed Somali
    Adeer salaan sare,
    Ma waxaad leedahey mar haddii Faroole iyo Moorgan GUNO loo qorey,
    Mar haddii la qarameeyay Maleeshiyo beeleedkii,
    Waa in nalooga daro in DEGMOOYINKA XAMAR loo qeybiyo 4.5, oo aan keensano nin aan waligiis Xamar arkin MAADAAMA aan u madaxbanaanahey qeybteenii aan ku helnay 4.5, xataa Habar Iisho ayaan u dhiibaneynaa 4.5
    -Maxaa kaloo aan ku qeybinaa 4.5 ( Canshuurta Xamar, Bacadlaha Xamar, Shaqaalaha Dekedda Xamar, Hoteelada Shacabka Xamar Petrol Stations Xamar, etc.
    ** QABRI QORI SAAR MAAHANE QORI KA QAAD MALEH, ( Dagaalkii Hunguriga Prof. Mr BaHal).
    💙Dabshid adeer, waa sii horreysay nin baa Kismaayo ka Dhistay Sar dhowr dabaqa Markaasu ku qoray ‘DADAAL waad gaariye’. Xusid kadib. ADEER XAMAR abidkeedba way ka horreysay Waddanka intiisa kale oo lama mid ahayn; Kismaayo, Gaalkacyo, Hargeysa walaa Borama. XAMAR waxay leedahay duud wayn ooy Somali oo dhan ku qaado MARKA lama ficiltami karto tuulooyinka B/weyne & Bosaaso ama Burco. Cadaado saaxiib, tuulooyinka kalana INSHÀALLAAH wey imaan Inta ka horreysana AYYADA laga rabaa; nafaqadi, dulqaad & Hoggaaminti. AHAANTA Xamar caawoo dhan baan ku baashaalikara Balse waxaan ku soo gaabsan, JALLE-YAAL Dabshid & Cadaado Haddaad idinku nasiib u yeelateen inaad Xamar Cadde Dhex-mushaaxdaan HA halmaamina inuu gurigi Farxiyo Xamxamle Haawana ayyaduna idin ka sugi inaad soo gelbisaan. WBT

  26. amaal says:

    Waan sodhaweyna heshiska laisma xaqire dowlada wey dadaleysaa intii karankeda @ horay haloosocdo

  27. Dusha says:

    Dabeecadaha dawaladda Maraykanka waxaa ah inaysan ballanqaad Maaliyadeed si fudud u samayn. Waayo fulinta ballanqaadkaas ma sahlana, wuxuu u baahanyahay in kongresska ansaxiyo. Sababta uu mar walba meelaha lagu qaaraamaayo uu mar walba u cagajiidaa, waa taas. Laakiin, haddii dowladda Maraykanku u bareerto inay ballanqaad samayso, waxay u badan tahay inuu fulo. Waayo congress ka iyo shacabka Maraykankuba waxay ilaaliyaan summadda dowladooda. Mana ogola in dowladoodu ballanqaad aanay fulinayn ay gasho.

  28. muna says:

    axmed guulwade de ayagu dowlada waxan ku dhaliilna haynaye iska guul wade adigu hishish aya la saxiixay iyo hebala laha shiray igu sawir waxan ahayn oo muuqda ma hayno taasina ma aha wax micro sameynayo hadan mucaaradnana reesan ayan u haysana duqa muqdisho aya ugu roon waxan dowlada shegta khaatumohanolato adiga xita way kugu socota jwb

  29. khaatumo haanoolaatoo says:

    MUNA

  30. khaatumo haanoolaatoo says:

    MUNA
    inader maxaa igusocda mafahmine bal halka iijilci anigu dowlada ay hogaaminayaan jarmaajo iyo khayre waan taageersanahay ilaahada waxan ku dhaliilo kuma arag way dadaalayaan itaalkoda waxba lahadhimaayaan waxa ku socda weerar dalka gudihiisa iyo debediisa ah ilaahay dalkeena iyo madaxdiisa hayno badbaadiyo WBT

  31. Garqaad says:

    Asc dhanaan
    Heshiiska 3000 milyan ku bexeyso ee somaliya iyo mareykanku kala saxiixdeen muxuu ku saabsan yahay?

    Hadaad qof nool tahay qof walbo wuxuu isku dayayaa in uu wax kugu darsado

    Dowlad la.aan waxaa dhaanto dowlad xun

    Hadaad tahay maamul yar ee beelu leedahay inta wax yar jeebka laguu geliyo ayaa dekadahaga badaada iyo macdantaada lagaa saxiixan

    Hadaad dowlad leedahay haba yaratee sidaan oo kale heshiis ah ayaa lagula gelayaa

    Maalinta HUNGURIGA la sheego waxaan arki jirnay qolyo soo qeyliyo caawa uma jeedo waa ilaahey madiisa hadeey xishoodeen

    Wixii bormar ah waan soo dhaweyneynaa

  32. maxamud says:

    Mareykanku asxaan hanoo sameeyo afrikaankan halabaxo.intaas abaal uga heynaa

  33. Mr BaHaL says:

    Roble

    Waa inoo sidaa.Jeegaantu soconmayso oo toodh Ayaan ku haynaynaa.Muuse duco diidna talaabo qaadi mayo haduu isku dayo in sidii Oday Siiraanyo u dhaqmo.Dibbaan isku abaabulaynaa.

    Land of Punt
    Adiga Reerbay kaaga dhegtay.Waxaad noqotay cajilad hadal laga buuxiyay.
    Qaado Reerkaaga oo circa la tag.Maxaa Xamar kaa yaala ee u baryootamysaa.
    Reerkaaga qaado.Looma baahna Reerkaaga.Hadii aanad isku filaan Karin aamain magaca Somaliyeed ooo Reerka iska dhig.Xaaladaada masgaxeed ma fiicna oo ma degana.

    Dalmida

  34. Mr BaHaL says:

    Dadkaa ayaa Somali kula sheeganaya

    https://youtu.be/INy9Ivpdjgg

    Halkaa haiku cunaane,dayr ha laga dhiso dhinaca ay kaa xigaan.

    Dalmida

  35. khaatumo haanoolaatoo says:

    Bahal
    horta arintan aad sodhigtay aadbaan uga xumahay waana wax laganixo runti
    somaalidi waxay noqotay kuwo kufsada gabdhahay hooyadod qabeen iyo kuwo kufsada gabdhihii dhimirka qabay caruurti baan baxsanayn musiiba ku habsatay dadkeni
    subxaanaaka yaacadiim

  36. Mr BaHaL says:

    Kahaatumo

    sxb waa dawlad la’aanta.Bal u fiirso magaalada London.Habeenka badhtankisa ayaad arkaysaa gabadh iska qaawan oo kalideed socota meelo madoow.Cid taaban kartaa ma jirto oo dawladeeda ayaa ilaalinasa.
    Xooga dawladeeda ayaa la baqayaa.

    Gabadha Somaliyed ee calan qabiil hoos joogtaa amaan ma helayso.

    Dalmida

  37. Cadaado says:

    Maeeeykana ma’anniga ayuu iga caqli yaryahay. Waa been oo wax iska dhaaf 300 million dollar’e, xataa wax siinaya Sodon dollar majiraan.

    Qofna qof kale, amaba dalna in uu dal kale biilo, oo uu ku bixiyo dhaqaale eey dadkkiisa u baahanyahiin ma dhacdo.

    Wadamada eey Somaliya ku dayatay, oo eey kabaratay tuugsiga aduunka, fiiriya. Majiro wadan lasiiyo waxa loo balan qaado, mana jirra wadan baryo iyo tuugsi ku dhismay.

    Sida qofka marka uu lacag heeysto, oo uu isku filanyahay, eey ugu naageeyaan dadka, una ixtiraamaan, ayaa dalkiisa isku filnaada, oo hela hogaamiyayaal wanaagsan, oo wax qabsi iyo horumar sameeya, ayuu aduunkka kalena ixtiraamaa.

    Laakiin, hadii aad tahay dhilo camal, oo aad sameeyso “political prostitution” dhileeysi siyaasadeed, iyo tuugsi, qofka lacag kusiiyo, amaba dalka lacag kusiiyo, ma diidi kartid waxa uu kaa rabo.

    Meeshaas ma fahamsana madaxda dowlada dhexe, iyo madax isku sheegyada qabiilada. Marka aad dadkaada ku hogaamiso wax soo saar, iyo wax abuurid, iyo waxbarasho looga baxo caqli daanyeernimada, markaas kaliya ayeey dhici kartaa in eey soo baxaan dad sharaf leh. Waxaanse ma shaqeeynayaan hadii amniga uusan jirrin. Amniga, oo ah wax eey sugaan ciidan dal leeyahay, hadii uusan jirrin, wax kale oo jirri kara majiro.

    Daanyeernimada waa in la’iska daayaa.
    God bless Somalia.

  38. Ali Zubeer says:

    Waar wax walba hala yidhaa laakiin Mareykanbaa lacag bixinaya waa midaan i marayn.

    Viva Soomaaliwayn




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
MUUQAAL: Xildhibaan Lama Filaan ku dhigay xaflad la isugu yimid C.raxmaan C.shakuur iyo Xubno Farmaajo Diidan !
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Xildhibaan Abdishakuur Cali Mire oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, oo maanta Khudbad ...
Itoobiya oo Israel ka iibsatay Barnaamij ay ku basaasto Shacabka iyo dalal kale
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Warbixin ay soo saareen cilimi-baarayaal waaxda (Citizen Lab) ee ka tirsan Jaamacada ...
Daawo Video: Prof. Cali Khaliif Galaydh “Waxa aan Rabaa Soomaliland loo dhan yahay iyo Muuse inuu Heshiiskii Fuliyo”
- Dec 12, 2017
Hargeisa  (Kalshaale) Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka khaatumo oo Hargeisa ku sugnaa Mudooyinkan ...
Daawo: Wasiir Bayle oo War Farxad leh ka sheegay Guulaha uga soo baxay Shirkii Nairobi iyo Siday wax u dhaceen
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay ...
MUUQAAL+Murugo: Donald Trump oo Soomalida Masaafurinaya iyo Dumar ay Ilmadu ka dhamaatay iyo Waxa dhacay
- Dec 12, 2017
Minnesota (Kalshaale) Qaar ka mid ah qaraabada iyo qoysaska 92 qof oo Soomaali ah ...

Featured Video