Daawo: Robert Mugabe oo markii ugu horaysay meel fagaare ah lagu arkay

Nairobi (Kalshaale) Madaxweynaha dalka Zimbabwe Rober Mugabe ayaa markii ugu horeysay meel fagaare ah lagu arkay tan iyo markii ciidamada afgambiga ku rideen Abacadii aynu ka soo gudubnay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mr Mugabe ayaa ka qeybgalay xaflad qalinjebin ah oo ka dhacday magaalda Harare ee caasimada Zimbabwe.

Ciidamada ayaa talada la wareegay kadib markii uu soo baxay khilaaf ka jira ciddii bedeli lahayd Mugabe waxana lagu amray Mugabe inuusan ka soo bixin gurigiisa.

Mugabe ayaa loo sacaba tumay markii uu soo galay xaruntii ay ka dhacaysay qalinjebinta iyadoo aysan la socon xaaskiisa Grace iyo weliba Wasiirkiisa Waxbarashada Jonathan Moyo oo ay saaxibo dhow ahaayeen.

Ciidamada ayaa xeryahooda ka soo dhaqaadhaqaay kadib markii uu Mr Mugabe eryay Ku xigeenkiisii Emmanuel Mnangagwa toddobaadkii la soo dhaafay.

Mr Mnangagwa ayaa la aaminsanaa inu yahay qofkii bedeli lahaa Madaxweynaha ugu cimriga dheer caalamka ee Mugabe hase yeeshee waxa uu ka dhigey Madaxweyne ku xigeen kaaxkiisa Grace Mugabe oo afartan sano kayar Madaxweyne Mugabe.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (4)

  1. Dabshid says:

    Mugabe waa mujaahid duqoobey u maleyn mahayo inuu cararidoono ama la dilaa,inkastoo uu ku raagey Kursiga waxaa fiicneyd inuu kursiga ka dego ayadoo la jecelyahey sidii Saaxiibkiis Kenneth Kaunda of Mozambique.
    Dictator ayuu isu bedelay African Web ma ogiye Tanaasul maleh.

    ** Alle ayaa ilehe Hiraab ayaa Africa ugu Tanaasul Badan.

  2. Abwaan deeq says:

    Waakaa Caqliga @Hawiye Jaalle Siyaad mujaahid ma ahayn @mugabe na Waa loo sacaba tumayaa war nimanku @Amisom Iyo ajinabi jecelaa OK guska @zimbabwina dalbada

  3. amaal says:

    Asc ninkan Waa dhiigmirato dadkisii wadanka an joogo south Africa ay usobarakaceen gaajo darted iyo shaqolaan wlhi sidey udabaldegayan waad yaabi oy ukuhayan hanadhaafo wadankena ku noqonlahen isbedal baan rabnaa

  4. xaange says:

    Dabshid
    Kenneth Kaunda Zambia ayuu xukumey maahayn muzambique.
    Mogabe waxaa lagu haystaa habarta ku ciyaaraysa wadanka oo odayga dhaxalkiisa usoo dhigatay in meesha laga eryo ee isaga lama diidana inkasta oo uu meesha ku doqoobey oo ay ahayd waa hore inuu isaga tago sida aad sheegtay




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
MUUQAAL: Xildhibaan Lama Filaan ku dhigay xaflad la isugu yimid C.raxmaan C.shakuur iyo Xubno Farmaajo Diidan !
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Xildhibaan Abdishakuur Cali Mire oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, oo maanta Khudbad ...
Itoobiya oo Israel ka iibsatay Barnaamij ay ku basaasto Shacabka iyo dalal kale
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Warbixin ay soo saareen cilimi-baarayaal waaxda (Citizen Lab) ee ka tirsan Jaamacada ...
Daawo Video: Prof. Cali Khaliif Galaydh “Waxa aan Rabaa Soomaliland loo dhan yahay iyo Muuse inuu Heshiiskii Fuliyo”
- Dec 12, 2017
Hargeisa  (Kalshaale) Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka khaatumo oo Hargeisa ku sugnaa Mudooyinkan ...
Daawo: Wasiir Bayle oo War Farxad leh ka sheegay Guulaha uga soo baxay Shirkii Nairobi iyo Siday wax u dhaceen
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay ...
MUUQAAL+Murugo: Donald Trump oo Soomalida Masaafurinaya iyo Dumar ay Ilmadu ka dhamaatay iyo Waxa dhacay
- Dec 12, 2017
Minnesota (Kalshaale) Qaar ka mid ah qaraabada iyo qoysaska 92 qof oo Soomaali ah ...

Featured Video