Nin u shaqeeya Shirkadda Hormuud ee Qaraxa Soobe Loo qabtay & Xog cusub oo laga Bixiyey Qofkuu yahay (Akhriso)

Muqdisho (Kalshaale) C.wali Ibraahim Gadh-yare oo ah Saxafi Soomaaliyeed, Islamarkaana Mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Gudaha dalka, Una Tartamay Xilal Siyaasadeed ayaa ka hadlay Wuxuu ka yaqaano mid  kamid ah dadka loo Qabtay Qaraxii Zoope oo Dawladda Soomaaliya Soo bandhigtay Wuxuu ku bilaabay Hadalkiisa.

” Ninkan haddii ay sax tahay warka dowlada kasoo baxay ee ah inuu madax u ahaa “ Qaraxyada Muqdisho “ oo waliba hadda qarixii Zoobe loo qabtay. Waxaa u baahan in xaalkiisa su’aalo badan laga weydiiyo shirkada “ Hormuud” oo uu shaqaale ka ahaa, gaar ayaan xarunta Zoobe ku taal.

Aniga ayaa shaqsi ahaan u aqaan, oo waliba xarunta Zoobe marka aan tago ku arki jiray isaga oo howsha shirkadaasi dhexda uu uga jiro. Shirkadana waa muhiim inay taqaan dadka ay shaqada siineyso iyo xaalkooda shaqsiyadeed. Ma ahan wax qarsoomi kara inuu madaxa qaraxyada uu ka dhex shaqeeyo xarunta Hormuud, ee sidee ula socon weysay xaalkiisa?

Ninkan arday ayaa ciyaalnimadii isla aheyn, balse markii dalka ay ciidanka Itoobiya soo galeen oo aan dibada u qaxnay isaga waa uu ku haray dalka, waxaana markii ugu horeysay oo aan dalka kusoo noqday ku arkay shirkada Hormuud isaga oo “ GARWEYN “ la baxay. Ma garan, balse isagaa i gartay, oo igu dhahay “ Garyare, ma dalka ayaa kusoo noqotay iyo goorma ayaa lagu arkayaa, si aan isku wareysano?!”. Intaasiba ugama jawaabin, oo shaqo aan shirkada uga baahnaa ayaan ku mashquuliyey, maxaa yeelay judhiiba waa ka shakiyey, maxaa yeelay isaga iyo Abdillahi Soomaali oo aan arday isla aheyn waa isku ogaa, Abdillaahi Soomaalina inuu Al-Shabaab noqday waan la socday, Abdiweli Seynis ‘ se shaki inuu ninkaasi la garasho yahay ayaa i galay, haddana Hormuud ayuu u shaqeeyaa ayaa i celisay.

Yeelkeed’se, ninkaasi markii aan arko waa shareysan jiray, mana ku farxi jirin magaciisa iyo muuqiisa, sababtana waa in dalkan la isku dhex jiro oo aan dadka la kala aqoon. Haddana facebook ayuu farriin iiga soo diray, isaga oo raba telkeyga gacanta, mase uga jawaabin, maxaa yeelay xiriirkiisa dhan ma rabin.

Caawa ayaase tuhunkii aan qabay iftiin soo galay, oo markii aan ku arkay bogga wasiirka waxaa dhab ii noqday tuhunkii aan ka qabay ninkaasi. Alle ayaana dhagartiisa iga bixiyey. Waanse ka xumahay inuu arday ila soo ahaa qof bahal isku baddelay oo ummadiisa xasuuqaya. “


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (3)

  1. amaal says:

    Asc df maxay uqarisay ragii gaarka damiinta ka ahaa oo Vila Somaliya kasohagayay @ ñasiib badledahay hadan laiskukaqarxinas

  2. muna says:

    shirkada asago u shaqeeya ayu hadana danahiisa gaarka fulashankara haduu shirkada hormuud u shaqeeyo macnaheedu ma aha inay shirkadu wax qarxiso oo shaqadas u dirsaday

  3. Cadaado says:

    Amaal iyo Muna waan idin salaamay.
    Muna, shirkada iyo dadka Mogadisho oo dhan ayaa la shaqeeya argagixisada alshabaab, sababtoo ah, waa laheeystayaal, mana oga sida eey iskaga xoreeyn karaan kuwa afduubka ku heeysta.

    Rag lazy yaal ah, ma shaqeeystaal ahna, hadde dowladda dhexe waa kasoo buuxsameen, kuwaas oo aanan haba yaraatee waxba kusoo kordhin, in eey wax ka nusqaamiyaan maahanee dagaalkii dadka iyo dalka looga xoreeynayay argagixisada alshabaab.

    dhamaana shirkadaha iyo waliba shaqsiyaaad ayeey lacag ka helaan argagixisda alshabaab, oo ah urur kufaar ah, oo sida maafiyada u abaabulan.

    Bilowgii qarniga 20aad, magaalooyinka Boston, iyo New York, waxaa kajirray mafia abaabulan, oo meherad, iyo ganacsi kasta lacag baad ah kasoo aruursada, qofkii aanan lacagtaa bixin iyo dukaankii aanan bixin, waa la qarxin jirray, dadka iska lehna waa ladilli jirray. Bog ayeey xeeladaas kasoo amaahdeed argagixisda alshabaab. Waxeey kaloo soo amaahdeen dhagar iyo xeelado badan. Waxii ka hortagi lahaa, oo caqli lahaana meesha majoogaan.
    God bless Somalia.




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
Faransiiska oo meel-mariyay Shuruuc adag oo dhanka dadka soogalootiga ah
- Apr 23, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa meelmariyay shuruuc dhanka socdaalka ah oo sii adkaynaya ...
Musharixiinta gudoonka baarlamaanka iyo Wakhtiga ay isdiiwaan gelinayaan
- Apr 23, 2018
Muqdisho (Kalshaale)  Waxaa maanta la filayaa in mid kamid ah sharuudaha laga doonayo inay buuxiyaan ...
MUUQAAL: RW. Khayre oo sheegay in Soomaaliya ay Sanad ku gaadhay meel Caalamku uu ka yaabay oo laga filaynin
- Apr 22, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha ...
Muuqaal: Wararkii ugu dambeeyay Ilaa 50 Qof oo Qarax ku Dhintay (Daawo)
- Apr 22, 2018
Nairobi (Kalshaale) Nin bam isku soo xiray ayaa Axadi maanta ku dhawaad 50 ku ...
Mo Faarax oo kaalinta 3-aad ka galay tartanka Marathon-ka London (Daawo)
- Apr 22, 2018
London (Kalshaale) Orodyahaynka matala dalka Britain Mo Farah ayaa Marathon-ka London ka dhacaya ka ...

Featured Video