DAAWO: DF- Soomaaliya oo Shaacisay Magacyada iyo Sawiradda Ragii Fuliyey Qaraxii Zoope iyo Kuwii Qaybta ka ahaa

Muqdisho (Kalshaale) Dawladda Soomaaliya oo mudooyinkii ugu dambeeyay Baadhitaan iyo Hubin ku waday Shaqsiyaadka oo Qabtay Qaraxii Soobe ayaa soo bandhigtay  dadkii Fuliyey iyo Kuwii qaybta ka ahaa Weerarkaasi uu dhiiga badan ku daatay.

Qaraxii  Zoobe ayaa ahaa midkii ugu dhimasada Badnaa ee ka dhacay Soomaaliya, waxaana ku Nafwaayey dad lagu qiyaasay 400-Qof , iyadoo in badan oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. C.raxmaan Cumar Yariisow ayaa  shaacisay  magacyada iyo Sawirada Shaqsiyaadka loo qabtay falkii Qaraxa 14-ka October  waxayna kala yihiin.  HOOS KA AKHRISO/DAAWO.

1. Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) –

2. Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado

3. Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay.

4. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo.

5. Abdullahi Abdi Warsame

Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey (Cismaan Xaaji).


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (5)

  1. amaal says:

    Asc aniga caad igama Sarna hormuud inay shabab tahay lkn dahabshiil Maxaa loogarebay A yada maalgalisa df waxan kacodsaneyna inay albabada ulaabto labadan shirkadod maamulaysha soorixrirto

  2. Garqaad says:

    Hadhowbeey qabiil noqon donaan

    Somalidu waa nabad doon waana nabad diid waa niman dhulkoodi gubaya wadama aysan lahayna bada isugu gurayan naftooda halagaya ragga umada saa u halaagaya guryo bay kasoo tosayaan laguna ogyahay marka madax wayne iyo raisulwasare waxba ma qaban karaan intaay shacabku saas u qarsanayaan duliga umada dhamaynaaya

    somali wagii ay dawladi ka adkayd waa markay re miyiga wada ahaayen ee aysan hub gacanta u galin balada qaraxda inta hoosta lagu haysto walle madax wayne kan ugu fiican hadi naloo dooro xitaa inaanu nabad helayn!

  3. Shaxda says:

    Garqaad mudane

    Waa rubntaa ayagoo nabadqabo ayay ku noqonayaan gurigii ayka soo tooseen

    Waa run madaxweyne iyo raisulwasare

    Ma guryaha ayay midmid ubaarikaraan?

    Jawaabtu waa maya marka shacabka intey qarqarinayaan dhibkan wuu socon

    Illaahay faraj kheyrqabo hafuro

  4. muna says:

    amaal hormuud shabab shaqo kuma laha ha ku danbabin hormuud wa shirkad dadka masakiinta caawisa markii la xirayna wa lagu qaldamay oo been ayay ahed marka shirkada inay alshaydaan shaqo ku ledahay ila aha

  5. Cadaado says:

    ASC, dhamaantood.
    Kuligood wajiyadooda waxaa ka muuqda in eey ahaayeen balwadiistayaal, nolosha ka dhacay, iyo mooryaantii hore ee shalay, oo mental ilness, madaxa ka waashay.

    Waxaa kaloo run ah, sida aqyaarta kore sheegeen, in daanyeeradaan eey gurya kasoo toosaan, guryana lag qariyo, iyaga oo daanyeeeerada waalidkood, iyo asxaabtooda iyo ehelkooda, eey amaba la shaqeeyaan, oo eey ogyahiin, amaba eey dayaceen waajibka saarnaa.

    More immportantly, tan ugu muhiimsan ayaa waxeey tahay, karti xumada, daanyeernimada, caqli yarrinimada dadka dowladda dhexe kabuuxa, midka ugu hooseeysa iyo midka ugu sareeya, oo ku guuldareeystay, in eey maskaxdooda xunta ah ka keenaan, “solution” xal, kaas oo aan anniga aaminsanyahay in uu yahay mid ciidan, milatari, iyo hal wasaarad kaliya, oo dowlad kusheegta dhexe oo dhan, eey xooga iskugu geeyso, oo ah, wasaaradda gaashaandhiga.

    Inta qaab darradaas oo kale socota, dadka dadka ugu liitana eey doonayaan in eey dadka hogaamiyaan, oo xafiisyada dowladda dhexe eey ka buuxaan, wax nolol iyo nabad oo eey helayaan dadka Somaliyeed, qaasatan Koonfurta Somaliya majirri doonta.

    Mushkilada argagixisda ee Xamar kasocota, waa mid eey kusimmeen qabqablayaashii dagaalka ee Xamar, oo eey ku wareejiyeen. Dad abaabulan ayaana ka shaqeeya in marka hal jid, iyo hal xeelad lagu baabi’iyo dadkaan, mid kale, loogu sii gudbiyo. Iyagana, waa daanyeero oo waa garan la’yahiin, ilaa iyo maantay.
    God bless Somalia.




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo: Robert Mugabe oo markii ugu horaysay meel fagaare ah lagu arkay
- Nov 17, 2017
Nairobi (Kalshaale) Madaxweynaha dalka Zimbabwe Rober Mugabe ayaa markii ugu horeysay meel fagaare ah ...
Daawo: Garaad Jaamac Garaad Ismaciil oo Ka hadlay Rabshadihii iyo Murankii Ka dhashay Doorashada Somaliland
- Nov 17, 2017
Laascaanood (Kalshaale) Waxaa goordhaweyd warbaahinta Kula hadlay Magaalada Lascaanood Garaad Jaamac Garaad ismaaciil oo ...
MUUQAAL: Warbaahinta oo Dacaayad Ka samaysay Biyo uu doontay TRUMP
- Nov 17, 2017
Ila Qosol :Warbaahinta oo dacaayad Ka samaysay Biyihii uu doontay TRUMP
Daawo Video: Ruushka oo soo saaray Diyaarada Tu-160 oo Duqayn ba’an ka Gaysan karta meel aad u fog (Warbixin)
- Nov 17, 2017
Ruushka oo soo saaray Diyaarada Tu-160 oo Duqayn ba'an ka Gaysan karta meel aad ...
Muuqaal: Jaahwareer Siyaasadeed oo Weli ka taagan dalka Zimbabwe (Video)
- Nov 17, 2017
Nairobi (Kalshaale) Dadka reer Zimbabwe ayaa rajo ka qaba in xal deg deg ah ...

Featured Video