SAWIRRO: 10 ka mid ah dhaawacyadii Turkiga la geeyey oo Muqdisho imanaya

Muqdisho(Kalshaale)  Iyadoo ay Maanta ku beegan tahay bil kadib Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Soobe, ayaa waxaa lagu guuleystay in la daaweeyo 10 kamid ah 35-tii dhaawac ee loo qaaday dalka Turkiga.

Xaflad saguutin ah oo loo sameeyey tobankaas qof ee kasoo caafimaaday dhaawacyadii kasoo gaaray Qaraxaas ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka caafimaadka dalka Turkiga Dr. Ahmet demircan iyo madaxda safaaradda Soomaaliya
ee Turkiga.

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Turkiga ayaa Waraaqo Caafimaad guddoon siiyey dhaawacyadaas, waxaana loo sheegay inay kasoo kabteen dhaawacyadii soo gaaray, waxaana arrintaas si weyn uga qeyb qaadatay  Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, weliba waxaa waajibkiisa si weyn uga soo baxay Cabdulqaadir Maxamed Xuseen (Barqadle) oo ah Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya Turkiga oo loo xilsaartay ka war qabka xaaladda dhaawacyada dalkaas la geeyey.

Cabdulqaadir Barqadle ayaa sheegay in guud ahaan Xaaladda Caafimaad ee dhaawacyadaas ay soo kabanayaan, wuxuuna xaqiijiyey in 10 kamid ah ay caafimadeen isla markaasna Shalay laga soo qaaday dalka Turkiga iyadoo saacadaha soo socdo la filayo inay kasoo dagaan Magaalada Muqdisho xilli uu isagaba kamid yahay dadka Diyaaradda la saaran ee soo waday.

Wuxuu Sidoo kale sheegay xoghayaha labaad ee Safaaradda Turkiga in si weyn loola tacaalayo seddex kamid ah dhaawacyadaas oo ah kuwa culus, wuxuuna sheegay inay ku jiraan Isbitaal aad u tayo wanaagsan isagoo rajo fiican ka muujiyey inay soo caafimaadi doonaan Inshaa Allah.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa waqti badan gelisay xaaladsa Bukaanada iyada gacan wanaagsan ka heleesay dhalinayarada wax ka barata dalkan iyo jaaliyadda Soomaaliyeed oo muujiyay door wanaagsan oo soomaalinimo
Magacyada Dhaawacyada soo fiicnaaday ee saacadaha soo socdo Muqdisho soo gaarayo:

1. Ismaaciil Ibraahim Maxamed
2. Maxamed Askir Cawaale
3. Cabdisalaan Cismaan Saalax
4. Mahad Cabdi Sheekh
5. Maxamed Cali Wehliye
6. Cabdulqaadir Maxamed Cabdulalahi Ok (Wariyihii Idaacadda VOA)
7. Istar Cali Maxamed
8. Mursal Sheekh Axmed
9. Cali Maxamuud Maxamed
10. Faadumo Xaaji Cali


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (7)

  1. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Ninkii Nacska Ahaa Waxaa Laga Hayaaa maxaa Layga
    Soo Heli Beri ba waan iska Lumieeeeeeeeeee ,
    Qaran ku Qandhada Yaal Hadey Gafuurya Duub kusoo
    Hagayaanneee iyaga Oo isleh farmaajo ku Xumeeya ,
    Biliqo biil nimey Baad beero La Boobo Baraako Booli
    Lagu Haysto , Qaranimo waa U Belloo Bugtiyo Bog Xannuun ka Qaaddeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee ,
    Bamamka Baabinta iyagaa ka Badheee , Qaran Billaan
    Haw Boholyoobinnaaa , intey mooli ku Naax Cadawga
    La Barbar YihiinNeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee ,
    Binida Lacaggeed iyo Baadi Goobayaan Mansaab ,
    Baad Lagu Heloeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeerrrrrr ,
    Caqliga Nimuu Badhax kaga Jirroo Baanta Qarraan ,
    Belaayuu U Arkaaeee , kuma Bolsward, Bilicda Qaranneeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee ,
    Booli iyo Baad beero Labaado Barraako Booli Loo Haysto , Iney ka Baxaan waw Balaayeeeeeeeeeee ,
    Boodhaka Waxay isugu Badhxayaan , Yaan Caddaalada Lagula Beegsanneeeeeeeeeeeeeeee ,
    Barta Bulshada iney Qaranka ka Baabiyaan , Been
    Baroor Qabiil waa habeeg SaddeenNeeeeeee ,

  2. C/Raxmaan says:

    Turki waa walaal noosoo baxay maanlin aan aad iyo ugu baahneyn tabantaabo gacal .

    ” Waayuhu way isdaba socdaan , wareegtaana waa silsilad “

  3. Idoor Liqe says:

    Ilaahay , Turkiga iyo safiirka Somaliya u fadhiya turkiga Ambassador Jaamac oo reer Sool ah baa mahad leh .

  4. Garqaad says:

    Turkigu walaal dhab ah

    Magaranaayo waxaan ugu abaal gudi doono

  5. muna says:

    canyaanyo farmaajo ma ku yaqaan dadkan malin walbo wax ka sheegayso ayu yaqan geel jire adigo kala ma yaqaan kkkkkkk

  6. muna says:

    calaacal ayu ku leyahay

  7. muna says:

    wa gabay gabayow xaalqaado




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
MUUQAAL: Qurbajoog Buuhoodle ka Sameeyay arin Lagu farxo iyo Munaasibad Loo Qabtay oo Hadalo laga Jeediyey
- Dec 13, 2017
Buuhoodle  (Kalshaale) Munaasabadan ayaa ahayd mid ay Qurbajoogta u dhalatay deegaanka Buuhoodle ku waeejinayeen ...
Daawo: Fanaaniin Caan ah oo ka yimid Maraykanka oo Muqdisho soo gaadhay
- Dec 13, 2017
Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo dhoweeyay Fanaaniin Caan ah oo ay ka mid tahay ...
MUUQAAL: Muxuu Daahir Rayaale kula dardaarmay madaxweynaha Somaliland
- Dec 13, 2017
Laascaanod  (Kalshaale) Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta oo Arbaca ah ...
DAAWO: Muuse Biixi oo loo dhaariyey Madaxwaynaha S.land iyo Khudbadii uu ka Jeediyey Madasha maanta (Daawo)
- Dec 13, 2017
Hargeisa (Kalshaale) Muuse Bixi Cabdi Madaxwaynaha Cusub ee dhowaan loo doortay Madaxwaynaha Somaliland ayaa ...
Daawo Muuqaal: Khudbadii Siilaanyo ku sagootiyey xilkii uu wakhti badan hayey
- Dec 13, 2017
Hargeisa (Kalshaale) Khudbad Siilaanyo ku sagootiyey Xilkii uu wakhti badan kusoo Fadhiyey

Featured Video