MUUQAAL: R/wasaaraha Ingiriiska oo Weerarkii ugu Cuslaa ku qaaday dalka Ruushka iyo Waxa kala Qabsaday

London (Kalshaale) Theresa May ayaa weerarkii ugu adkaa ku qaaday Ruushka iyadoo ku eedaysay Moscow in ay farogelisay doorashooyinkii ayna qaadayso basaasid dhanka Internetka ah.

Iyadoo magaalada London khudbad ka jeedinaysa ayay sheegtay in xukuumadda Vladimir Putin ay isku dayayso in ay “xagal daaciso bulshooyinka xorta ah”.

Waxay sheegtay in uu abuurayo “sheekooyin been abuur ah” si uu u tilmaamo “in reer galbeedku is khilaafsan yihiin”.

Laakiin waxay intaas ku dartay in UK aysan doonaynin in ay “si joogto ah isaga horyimaadaan” Ruushka ayna danahooda difaacan doonaan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA RW. THERERA MAY

Hadalkeedan ayaa ka gadisan midkii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo toddobaadkii hore sheegay in uu aaminsan yahay diidmada Putin ee ku aadan in uusan farogalinin doorashadii madaxweynenimada Maraykanka ee 2016kii.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson ayaa lagu wadaa in uu Ruushka booqdo bisha soo socota.

May ayaa markii ay khudbadda jeedinaysay sheegtay in ay tahay in Ruushku uu noqdo saaxiib qiimo u leh Yurub, taasina ay dhici karto oo kali ah haddii uu sharciga ku dhaqmo jidka uu hadda hayana ka leexdo.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxweyne Geelle oo Kashifay Siday Warbaahinta Madaxa-banaan Shabaab Taageerada u siiso iyo Arin la yaab leh
- Jan 23, 2018
Jabuuti (Kalshaale) Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka al-Shabaabka ...
Daawo: Ciyaaryahan George Weah oo loo Dhaariyay Xilka Madaxweynaha Liberia (Sawirro)
- Jan 23, 2018
Monrovia (Kalshaale) Ciyaaryahankii hore George Weah ayaa maanta loo dhaariyay xilka Madaxweynaha Liberia, kaddib ...
Sawirro: Kheyrre oo Switzerland kaga Qeyb galaya Shir Caalami ah (Daawo)
- Jan 23, 2018
Davos (Kalshaale) Reysul Wasaaraha Xukumada Fedraalka soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Dalka Switzerland ...
Daawo Video:Militariga Turkiga oo la wareegay Tuulooyiin ku yaala Suuriya
- Jan 23, 2018
Afrin (Kalshaale) Ciidamada Turkiga ayaa qabsaday dhowr tuulo oo ku yaalla Wuqooyiga Suuriya, sida ...
Daawo Muuqaal: Ciidamada Kenya oo Bur-buriyey Xaruntii Shirkada Hormuud iyo Siday qaraxa ugu xidheen (Waraysi)
- Jan 22, 2018
Ceelwaaq (Kalshaale) Ciidamada Kenya ay qarax ku burburiyey xarun Isgaadhsiin oo ay Shirkadda Hormuud ...

Featured Video