Muuqaal Naxdin Leh: Sidee ayuu ahaa Jawiga Isgoyska Soobe Markuu dhacay Qaraxii Musiibada ahaa? CCTV (Daawo)

Muqdisho  (Kalshaale) Maanta oo kale Bil ka hor  14 October waxay aheyd maalin Madoow oo soo martay Shacabka Soomaaliyeed, waa maalintii ay Al-Shabaab dileen in ku dhow 400 oo Soomaali ah una badnaa Ganacsato, Ardayday iyo dad Saarnaa Gawaari ku xayirnaa Isgoyska Soobe halka 250 kale ay dhaawacmeen oo qaarkood ay dhaawacyada u geeriyoodeen.

Haddaba waxaa la helay Muuqaal muujinayo  Isgoyska Soobe sida uu ahaa daqiiqado yar ka hor inta uusan qaraxa dhicin, Waxaana ka dhex muuqan doona  Gawaadhi badan oo ku sugnaa Isgoyska Soobe, waxaana Muuqaalka laga
dhex arkayaa gaariga is qarxiyey oo xoog kusoo gelaya  bartamaha Isgoyska Soobe oo Xilligaas aheyd meel aad u mashquulsan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO WARBIXINTA 

Muuqaalkan ayaa waxaa laga helay Kaamirada Qarsoon ee ku xirneyd Isgoyska Soobe, taasoo systemkeeda uu yaalo Xarunta Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, waxaana suurtagashay inay duubto daqiiqado ka hor inta uusan qaraxa dhicin.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (3)

  1. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Maalka Lagu Gadayey Xallaal Mawada Ahaayeen ,?
    Waxaa igu maqaala Ah kuwii Qaranka Bililiqaystey Ayaa Ganacsiga U Madnaa Suaashu ? 91koowdii Kuwii gob dhexeeala iyaga oo Cagacad kasoo yaacaay
    Qaar baa Balaayiin Haysta Xagey ka Keeneen , waar
    Muqdisho xaqdaro dulum gawrac Dhac kufsi Boob
    intaa iyo in kalloo Baddaan Ayaa Laga Geystey masiibadu waa ku soconeysaa inta intaas oo masiibo
    kuwii Laga Gallaay , Cidi U Jawaabiin , Aayad Qraan Ayaa ilaahay ku Leeyahay umadi hadaanay isbadel La imaan ilaahay ma Qayiroo , intaa oo masiiba kuwii geystey Ayaa weli Sii waddaaa , fari kama Qodnaa faanooleeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee ,
    Jawaabtoodii waxay kusoo urruurtey unukaa Leeh ,
    Xamaar hada caddaado Ama ceelbuur gaalkacyo ama
    Guriceel Ayuu ka yimii kuwaa hadaan jeelka lagu Daaimiin Dawlad xamar ninka ka Sogoow Hanaqaad keeda hay hooriin , Hiir habeen Ayaad Hulaaban tahayeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee

  2. Shaxda says:

    Mucjiso ayay aheyd maalintaa

    Qofkii iimaanleh wuuka naxayaa markuu arko

    Jawiga siduu ahaa iyo daqiiqad abacdi siduu isku balay allow alle

  3. Garqaad says:

    Cabdi xarago

    Mar hore in aad sidaan u hadasho ayey aheyd waad la soo daahday

    Gabaygii waad kufsatay

    Dadnimo xumado marwalbo way soo duxdaa.

    Duubcadii sayidka




NIMCAAN HILAAC IYO BOOSAASO

Riix Sanadguurada Khaatumo

Gabadhii Hargeisa iyo Ajakis

Riix Sanadguurada Khaatumo
DEG DEG: Rasaas Xoogan oo Gudaha Magaalada Laascaanood laga Maqlayo
- May 25, 2018
Laascaanood (Kalshaale) Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee magaalada laascaanood ...
Daawo Wafdi Balaadhan oo ka socday DF-Soomaaliya oo gaadhay Kismaayo
- May 25, 2018
Kismaayo (Kalshaale) Wafdi Balaadhan oo isugu Jira Xildhibaano iyo Wasiiro ka socday Dawladda Soomaaliya ...
Daawo: Muqdisho Sida looga dareemay Dagaalka Tukaraq ee P.land iyo S.land
- May 25, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Iyadoo maalintii shalay uu dagaal Qadhaadh ku dhexmaray Gobolka Sool Ciidamo ka ...
Muuqaal+Faallo: Faysal C. Waraabe oo Noqday ‘Afhayeenka MUUSE BIIXI’ Iyo Wasiirada uu meesha ka saaray (Video)
- May 25, 2018
Hargeisa (Kalshaale) Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda siyaasi mucaarid ah ...
Muuqaal: Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka “Gabaygii Garoowe iyo Md. Farmaajo
- May 25, 2018
Abwaan Shube oo ka ooyey Xaalada Somalia, Colaada iyo Dagaalka "Gabaygii Garoowe iyo Md. ...

Featured Video