Dad aan Garasho iyo Garaad Lahayn: Miyuu Khaldanaa hadalkii Farmaajo ?

Muqdisho (Kalshaale) Waxaan nahay ummad ay garashada iyo garaadku ku yar yihiin kaba sii darane aan dareynsaneyn wadciga uu dalku maraayo iyo dhibaatooyinka naga heysta argagaxisada ALSHABAAB.

Waxay soo qoreen in Madaxweyne Farmaajo uu gefay markuu yiri ”qalinka hala dhigo ee qoriga ha la qaato”, markaasey tusaale u soo qaateen hadal mar hore uu yiri Elman oo kaas ka soo horjeeda.

Madaxweyne Farmaajo talada uu soo jeediyay waa ku saxsan yahay waayoo waxaan illawnay hal-ku-dhegi ahaa ”aaway cir hoostiis lagu caweeyo”.. war ma isweydiiyeen goormaa wax la baran karaa mar haddii dalki oo dhan duullaan lagu yahay oo ummaddi la leynaayo iyadoon loo aaba yeelin..kuwa wax soo qoraaya ma akhriyeen weligood dagaaladi addunka ka dhacay oo kii ugu dambeeyay uu dhammaaday 1945 ma jireen adduunka meelo wax lagu barto
ama jaamicado shaqeeya siiba wadamada Yurub iyo Asiya midkoodna. Wadciga dalku ku sugan yahay waa taa oo kale!!!

Intaasi waa garsho xumadi, xagga garaad yarida waxay soo jeediyeen xagee dadkaas mushaar looga keenaa? Waryaa u sheega in laga soo billaabo 1939 ilaa 1945 oo ah muddadii uu dagaalki labaad socday askari mushaar qaatay ma jirin oo waxaa lagu jiray dhufeysyo, cidina ma xasuusan lacag waana meesha ay Somalidu ugu nugushahay oo laga soo galo.. qof waliba maskaxdeeda waxaa ku daabacan lacag war kalena ma maqalno.Taasina waxaa daliil u ah in hogaamiyeyaashi iyo siyaasiyiinti ay Somalidu u aqoonsaneyd inay yihyiin ZUCAMA lagu iibsaday qiimo aad u yar ayna maanta diyaar u yihiin in dalka xataa wareejiyaan mar haddii iyaga la siiyay fara qabsi. Waxaan isku xaqiijinay inaan nahay sidi weyl lo’aad oo la yiri NINKI WARAABSADAA WATA.

Waxaa laga yaabaa dad inuu yiraahdo hogaamiyeyaasha ha isku wada jamcin waayoo waxaa laga heli karaa qaar ka duwan kuwa maanta muuqda…laakin waxaa wadareeyay oraahda Talyaaniga oo dheheysa LA MAGGIORANZA ASSORBE LA MINORANZA. Waxaan mareynaa marxalad aad u adag oo inta adadag oo wadaninnimo ku beeran tahay oo kaliya ay ka soo bixi karaan QUANDO IL PERCORSO E’ DURO SOLO I DURI RIMANGONO oo micnahedu yahay ”marka meesha la maraayo ay adag tahay dadka inta adadag oo kaliya ayaa ka soo harta”.

Waxaan mareynaa marxalad oo arrimaheyni oo dhan ay isku dhex yaaceen oo ay adag tahay in la kala garto saxa iyo khaladka, yaa mudan in la hormariyo ma danta dadka iyo dalka mase danta qofka shakhsiga ah?   Waxaa la isweydiiyay hogaamiyeyaasha dalka wax ay ka xishoodaan ama ka xaaraan ah ma jiraan? Jawaabta dadweynaha laga sugaa!!!

W/Q: Axmad Calasow


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (20)

  1. HOOYO SOOMALYEED says:

    Waa Dareen Dad iyo DAL Jaceyl ku Dheehanyahay!!! Waa Hiil Soomaaliweyn!!!

  2. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Hal Ninkii Lahaa Dabada Hayo Iney Durduriso ,
    Daadoow Cadaw U Danayntii DheeeeeeeeeH ,
    Dareenku Haddaanu ku Dabriin, Daacada Alee
    Kuma Diirsatiddeee , Dal Kuwii Daayinku Dejiyey ,
    Duminayaan , Waa Dayac Hadugsaddeeeeeeeee ,
    Aduun Nin Deydeyyaaa , Wadanimo Ma Deeqdeee ,
    Deyroow Maandeeq May Durdurisaa , Damac Aduunyo , Duul Daneeyaa Dabarka U Daadinaayeee ,
    Deyr oo Diraacyo Harraad La Daalan, Daratoole ,
    Markey Soo Dul Hogatoo , Kuwii Danbarkeeda Durduurtey , wadaamaha Halkey Deeqsiin Lahaayeen
    Saw Aduunyo ma Dalbaanneeeeeeeeeeeeeeeeeere ,
    Farmaajoow Duriyadaada Duul ka Didayaa , Daacad _Nimadaada , Inaad Daarta Dhaaftey Daneyna Yaanneeeee , Inkastood U Dadaasho Daryeelka Daacadnimo , Iyaga U Burisoo , Qabiil key Darajeeyaanneeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee ,
    Dalkooda Dayacaan Danyarta Diihaalku Dillooddey ,
    Kama Danqadaanneee , Caqliga Dahaadh Duul Lagaga Daabacay , Xornimo Ma Deeqdeee ,
    Doolaar Cadawga Maandeeq Daadinaayey , Daneeyaanneeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee ,
    Muqdisho dinaani Ducuf Duuley Daggeen Ayey ka
    Degi Ladahayeee , Dantoodu waa Cadawga Doolar ka
    Dal Dalleee , Daacadnimada Daadihiin Dirraacnimo ,
    Waa ka Didayaanneee , farmaajoow waan kula Dar _Daarmieee warkeyga maandhoow Dhegaha U Sii Daaa , Inkasta Ood Dadaasho Dulqaadiyo Daacadnimo ugu Deeqdo , Qabiil Kaaga Nin ka Didayaaa , Kuma Darajeeyeee , bal Inay Qalbiga Daamur lagaga Daadshey , Deeqaha Dunidu ku Deeqdo , iyagaa Loo Daayaaeee Aniga oon Doolar Diinaar Deeq U Helliin , Qaranimo uga Dadaal Badanneee , Farmaajoow Kimaanyo Deg Duulkani ,
    Qabiil Bay kaa UrinayaanNeeeeeeeeeeeeeeeeee ,
    Daadihinta Maandeeq Halkaa Ka Daacaddeeeee ,
    Duul Duqii Addeerkaaa Kaa Urinayaa , Daacadnimo ,
    Daadihiin Diracnimo , kuguma DarajeeyaanNeeeeee ,

    kuwa diciifka ah ee odhan Doona reer kayagaa
    Lamaagay , ee uurka Qabiil maal kaga Noqdey ,
    maansadu waxay ku wajahan tahaay , kuwa cadawgu
    Dirsadey ee maamul Goba Looguleedyo yeedho
    Ama La Leeyahay waa xildhibaan Xasaanad Haysta
    Ee Ducufada Ah ee dadkooda Sabaab iney Xasuuqaan
    Isleh farmaajo ku Xummeeyaaaaaaaaaaaaaa ,
    waa cawaan diin iyo dadnimo mina ku Dhaqmiin ,

  3. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Iyo kuwa cawaantaa Durbaanka Ducufka Qabiil Durbaanka ugu Tumaya Ama xawaanka lagu magacaabo Daahir ee Hollaand Kaaska ku Ruuga
    Uu isticmaalo ee yidhaahdo farmaajaa idinku soo
    Duuley , Ayey maansadu ku wajahan Tahaay ,

    W , B , T ,

  4. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Wararka isoo Gaadhaya waxay Laayihiin Kii Gorada U
    LAAD Laadinaayey kuukaayada Bakhtidey ee Jigjiga
    ka Lahaa Soomaaliya kama Tirsannaaa , Inuu ku jirro Guruub Dubai Lagu Uruurinaayo oo maal Loogu
    Deeqay , Oo La Leeyahay Qarankiina Dumiya ,
    ANIGU ugu yeedhay mooryaan Mansab maroorsadaay , Maal ku Mulkiyey Madidiii Maandeeqeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeer ,
    Miinooyikuu Melmelaay , Maaro Loo Waayeee ,
    Mulki maryama maandeeq maymuun diin ka mufliskii ,
    Magganneee Mindhicir yacuntii Mulki maal Yar ugu
    Mersheeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey
    Mahadhadduu marwoonikii maamuuska Mudnaaa ,
    Maan Laawayaal U Maxlaleey , Mufliis Diinneed maan
    Madhaan Nimey mahlakeeyeenneeeeeeeeee ,
    Masiibo Taariikh Madoow macaska , Marwooyin Keenniii , Macala Cunayaal , meher La Aan maalin
    U Dhoofshey , Miidaanka inta meyggaaga Lagu Mar _Marroo Miciyacas in Lagu madhiyaa maankeyga ,
    Miranaayeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee ,
    waa kii Geeyooyinkii Qaaliga Ahaa madaxyacun
    Maalka miliilku moosey maryan mulki dhaafsaddaee
    Meyti

  5. gaafaw says:

    @dabshid cadaado garqaad iyo dhamaan hawiye hawiye madoobe
    adeer afartan sano farmaajo ayaa joogayaa waligiinba kolba meelqrxiya,

  6. amaal says:

    Asc Waxan filaa farmajo xuman kamahan ee hadal mayaqano wuubo jareyna marku hadlaa malin dhawey asagoo ciidan ka leh caqiido malle aykudegalaman @ war ninku kheyraa Ka aftahnsan

  7. Dabshid says:

    Waa runtiis madaxweynaha waliba wuxuu ka tagey, waxaa Soomaalida ku jiro Kabo qaad iyo shisheeye caabude.

    Warka Madaxweynaha iyo warkii Dabshid waa isku mid. Tukeyaasha ayaa nagu badan.

  8. gaafaw says:

    @ @ amaal
    barigii allgalgaduud gabar ayaad ahayd hanada kalshaale nin ayaad isubadashey ,iyo hawiye madoobe daroodphobio

  9. Dabshid says:

    gaafaw

    Awoowgiis la shid oo la gub ma nooleyd, waxaan moodey inaad ku jirtey kuwuu Axmaarku xirey, markuu ka gaarey damahiisii.

    @ Farmaajo waa tolkee Tuke Qaaqle meel ku sheeg. ( Inqilaabkii Dhicisoobey ee Kablalax Kuukuuyo ).

  10. gaafaw says:

    dabshid
    aniga yaa ixidhikara inqilaankaa waxa maalgalinayey hawiye ,waxaad rabtaan madexweynaha ,raysal wasaarahana inaad siisaan kablalax,warninyaw afarta sano hadhaneysteee maad deysaan
    agoontii kacaankaa yaabtey

  11. muna says:

    daaroodku sal fudud badana kkkkk madaxweynaha hadii wax laga sheego daarood aya wax laga sheegay dadku haday jeel jire iyo duur jog u badan yihin aqligodu wa sa markan sas leyahay waxan haysta daaroodka kalshaale so gala ee ma haysto besha dhan tasi wa afef tan kale madaxwayna hadalkiisa mar wu qaldan yahay marna wax dhiba maleh tan kowad sanadkan lama joogo waqti ardayda dagaal la galiyo wayo ciidamada dowlada u qoran ayabo ku filan alshaydaan hadii si daacad ah lo dagaal galiyo oo madaxwaynu hor koco tan kale halku dhag dadka soomaaliyed kula wayn inu badalo ninkii dalka u sareyay wa nasiib daro kale koley waqti arday dagaal la galiyo lama joogo

  12. Garqaad says:

    Madaxweynuhu in oow sidaas dhoho waa ku saxan yahay
    waayoo cadowga aan dhaafeyn siyaasiga shacabka aradayda wayeelka horta in layska wada dhiciyo waa talo wanaagsan

    Anigu hadaan maanta koofurta somaliya joogi lahaa anigoo arday ah qoriga waan u qaadan alshabaab saa ku amaan helimaayo ardanimada

  13. amaal says:

    Gaafaw allgalgasuud @ waligey fikir Kuma qorin lkn WAAN akhrisanjiray @ nin badnoqotay maxadolajeda ?

  14. amaal says:

    Muno waqtiga waa isdabomar dalka hawiye and darood Mahee inta kale waa dawadayaal kkķkk labadinan RER nagadaya sadbursiga

  15. muna says:

    amaal iska dhiciya hee kkkkkkk

  16. muna says:

    garqaad qalinka dhig qoriga qaado wa moryaan,noqo kkkkkkk hadii se lo fiiriyo lakin erayo kale oo la adeegsan karo aya jira oo kaga haboon qalinka dhig qoriga qaado

  17. Mr BaHaL says:

    Madaxwaynuhu hadalka ma yaqaan.Qaab dadka lagu dagaal galiyo inuu sameeyo ayaa quman.Qalinka dhig oo qoriga qaado maaha wax dadka qiiro galinaysa.

    Anyway Madaxwaynuhu waa faashil.Uma malaynayo inuu 4 sano dhamaysan doono hadii Ilaalahay yidhaa.Inuu isku buuqo ama iska casilo ayay u badan tahay.Maaha nin calool adag,waxaa taasi u dheer waxaad moodaa inuu isku dhexyaacay oo waliba fulaynimo aad ah ayaa ka muuqata.

    Inuu shaqada iska casilo ayaa u roon naftiisa.Maaha nin qaadikara waxan Somaliya ka Jira ee wajiyada badan.

    Dalmida

  18. Dusha says:

    Waxaan taageersanahay: Qalin ka qaado qoriga dhig.

    How can one not dream while writing? It is the pen which dreams. The blank page gives the right to dream.

    ” sidee baanu qof u fakarayn markuu wax qorayo? Waa Qalinka kan fakaraya. Waraaqda bannaan waxay ku siinayaa xuquuqda aad ku fakartid.

    Qalin ka oo La qaato laftigeeda ayaa dagaalka dhabtaa ah.

    “Holding the pen is itself to be at war”.

    Inaad UGUS ka adkaato uma baahnid ardayda oo iskuulka ka xirto iyo shacabka dhan oo aad hubayso, ee waxaad u baahantahay inaad ciidanka aad haysato aad niyaddooda, akhlaaqdooda ciidan iyo tababarkooda aad dhisto. Aadna dhexdooda ka nadiifiso cadowga ku dhexjira. Haddii loo baahdo in la kordhiyo, waa in ciidan laga qortaa meelaha aanay afkaarta cadoowgu gaarin.

  19. Dusha says:

    Mustaqbalka aanu leenahayba waa in kuwo qalinkooda lagu aflaxo in alle noo soo saaro. Oo wixii la halleeyey qalin ku toosiya. Oo sidii loo noolaan lahaa qalin ku muujiya. Oo wadadii saxnayd ee laga lumay qalin ku tilmaama. Kuwii Qalinka wax ku bi’iyey soomaali aragtay, waxaan rajaynaynaa kuwii qalin iyo aqoon wax ku toosin lahaa in alle inagu irsaaqo. War aamiin ila dhaha. Intiina aan xaaraanta cununeey. Waxaan isweeydiiyaa, waa tii markii wax si noqdaan wadaad loo yeeran jirey, oo uu fataaxada iyo quraan yar oo kale inta akhriyo, gacantana dusha ka mariyo, aad biririf oran jirtaye, see wax yihiin, duco iyo quraan akhris soomaali kuma yaree. Maanta maalin laga quraan aqoon badan yahay ma jirtee see wax yihiin. Waxaan filayaa ikhlaaskii oo yar, iyo xaraantii oo La durduurtay baa ummadda barakadii ka qaaday.

  20. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Abdi xarago duubcadii sayidka.
    Walle iima dhuumatid QABIILIISTE AAN QABIILIISTE KALA JIRIN, sheeko dhamaajuugle “Kismaayo aad?” ALLAAH muxuu Somali jabkeed ku hadaaqay. War TENEGOW midka noocaaga ah ee dhanka kale ah hadduu Ficilkaa Qabiil kula wado MA JIRAYSA Somali?. WAR markaad Somalinimada garato wax ka qor, dersigi ugu horreyna ka qaado Beeldaaje C/Raxmaan; HAWIYOW MAXAA TAHAY DAAROOD LÀAAN, DAAROODOW MAXAA TAHAY HAWIYE LÀAAN. ☆Sayyidka AUNTE magaciisa ha soo qaadin Sidaada oo kale QABIILISTE ma ahayne. ☆☆Xarago ma ahaa ee waa Xarrago, Duubcadii ma aha ee waa Duubcaddii. ☆☆☆ Mar dambe yaanan ku arkin adoo Somali kala qaybina oo cadawga u looga. WBT




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo: Robert Mugabe oo markii ugu horaysay meel fagaare ah lagu arkay
- Nov 17, 2017
Nairobi (Kalshaale) Madaxweynaha dalka Zimbabwe Rober Mugabe ayaa markii ugu horeysay meel fagaare ah ...
Daawo: Garaad Jaamac Garaad Ismaciil oo Ka hadlay Rabshadihii iyo Murankii Ka dhashay Doorashada Somaliland
- Nov 17, 2017
Laascaanood (Kalshaale) Waxaa goordhaweyd warbaahinta Kula hadlay Magaalada Lascaanood Garaad Jaamac Garaad ismaaciil oo ...
MUUQAAL: Warbaahinta oo Dacaayad Ka samaysay Biyo uu doontay TRUMP
- Nov 17, 2017
Ila Qosol :Warbaahinta oo dacaayad Ka samaysay Biyihii uu doontay TRUMP
Daawo Video: Ruushka oo soo saaray Diyaarada Tu-160 oo Duqayn ba’an ka Gaysan karta meel aad u fog (Warbixin)
- Nov 17, 2017
Ruushka oo soo saaray Diyaarada Tu-160 oo Duqayn ba'an ka Gaysan karta meel aad ...
Muuqaal: Jaahwareer Siyaasadeed oo Weli ka taagan dalka Zimbabwe (Video)
- Nov 17, 2017
Nairobi (Kalshaale) Dadka reer Zimbabwe ayaa rajo ka qaba in xal deg deg ah ...

Featured Video