Tirinta codadka doorashada Somaliland Oo Socota iyo Dareenka Musharixiinta

Laascaanod (Kalshaale) Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa sheegay inay soo xirmeen goobaha cidbixinta haatanna ay socoto tirinta codadka.

Guddigu ma sheegin xilliga ay tirintu dhammaanayso, waxaa la filayaa inay maalmo qaadato inta looga dhowaaqayo natiijada doorashada.

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa sheegay doorashadu u dhacday si nabad ah.

In ka badan 1600 goobood ayaa laga codeeyey, waxaana la filayaa in dadka usoo baxay inay codkooda dhiibtaan ay badnaayeen.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA MUSHARIXIINTA HADLAY 

Muuse Biixi ayaa waxa uu matalayaa maamulka iminka talada haya ee Kulmiye, ayada oo Cabdiraxmaan Cirro uu ka socdo xisbiga Waddani, halka Faysal Cali Waraabe uu ka tirsan yahay xisbiga UCID.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (38)

  1. Hayaan says:

    Yaab.com war waxaan anigu la yaabanahay 27 sano wixii lagu keeni waayey miyaa hadda cirka kasoo dhacay?? Hanrahani cadkay kala ritaan waa isla guri geyn: Adeer ictiraaf ka ciyaarta ka daaya.

    Horgaladii aawey maxaa u bislaaday maanta? Mid iyaka ka mid ah ayaan lahadalay oo ku niri maxaa idiin maskab ah wuxuu noogu jawwabay Adeer Addunku waa og yahay in aan meeshan dowlad la ictiraasan yahay ka dhalanayn Dowlada Soomaliyana waa ogtahay, eegad waa og tahay OAU way ogtahay jaamacada Carabtu waa ogtahay markaa rootigaa qabow ee ay habrahooda kasoo uruuriyaan ayaan la dhuuqaynaa ee na daaya.

  2. Hayaan says:

    Xataa wuxuu noogu daray anaka habrahayagu waa mucaarad oo lagama soo qaado cashuur.
    Kkkkkk

    Alahayoow maxaa falanayaashii fidho kaduulaysa. Waar waxaan idin waydiiyey iga daa warkaas ictiraaf ma jiree ninkii Cali Khalif ee xoogaaga goosanka ah idiinka soo galay muxuu idiin kordhiyey? Xagii ictiraafka wax maka keenay? Bulshadii SSC maka dhaadhiciyey u shaqaynta SNM?

  3. nasra says:

    somaliya dadka u doodaa iyagaa la haray waayo waa xaasidiin ninka aduunka ugu xumi waa ka ugu xaasidsan laakin dadku waxay u yaqaaniin ka wax dila
    oday baa bari soo shiriyey reerkoodii oo ku amray in ay keenan 200 geela markii la keenay baa la yiri maxad ku samaynaysaa wuxuu yiri geelaa waxa leh kiina idiinku xun e soo bax ka ugu xunow jufidiisii buu la hadlayey nin walba humguraa qaaday waxan baan sameeyey intanan dilay intaas baan dhacay nin waliba wuu soo tiriyey wuxuu sameeyey wuu ka diiday odaygii wuxuu ku yiri ma hayo ninkii aan siin lahaa wali
    nin baa ka dhex kacay dadkii oo YIRI XAASID BAAN AHAY NECEB QOFKA KALE WAX HAYSTA ODAYGII BAA YIRI NINKAAS BAA HELAY 2 BOQOL EE GEELA AHAA waa halkay ku baxday xaashiye libin ninkaa xistiyey waa yaab hada waxan ku keenay umadan dhan ee laga qariyey wanaaga ALLE siiiyey qof muslina oo waliba la wadaaga dhiig magaca somalinada ku doodaya in lawada gumaysto oo amison u taliso geyiga ay ku nool shahay qof soomaliyi calashan nacayb
    anagu waa u ducaynaa in alle ka dul qaado koonfur dhibka haysta ku daroo walidkood waxay geeyaan somalilad oo ku biiliyaan halkana ka caayan waa waali,com
    annon waligay eegin subax websate baan ku kalahay nabad ma lagu galay imtaas baa noo dana haa alxamdulilaa guul somaliland

  4. cabdi yare says:

    kalshaale manta ilaa cawa ad ayey nolasha qeynayaan mar ad ayey ugu mahad sanyihiin

  5. Hayaan says:

    Nasra:
    Su’aal yaa xaasid ah Horta? Adigu waad qeexday laakiin xaasid waxaa ah ninka umad dhan oo Muslim ah oo isku diin ah oo isku dhaqan ah kala gooya oo kala qoqoba si aan xoogoodu u muuqan si cidwaliba uga adkaato. Oo isku Af iyo dhaqanba ah!!!! Midhaa xaasidnimada waxaad u taqaan cidii tiraahdo S/land waad khaldan tihiin? Maya tanaa ka weyn.

  6. cabdi yare says:

    manta wey iska daayen muna faqada

  7. Jugle says:

    Kalshaale.ca, war hanagu wareerinina 3da habrood ee 3da magaalo kala degan kkkk yacni wararka doorashada maamul goboledka s/land waad naga dhargiseen ee bal nooga warama doorashadii baarlamaanka ee maamul goboledka kale ee galmudug? iyo in la xaliyey xiisadii u dhaxaysay xaaf iyo xulufada khayre? Yacni maantoo dhan laguma jiri karo Habar magaado iyo habar xabuusho warkooda kkkkkkkkkkkkkkkk

  8. Jugle says:

    Hayaan, indr waxba makala goyni karaan oo wadanku waa hal ee hafaryada kadhaaf habraha kkkkkkkkk

  9. Mr BaHaL says:

    War degdeg ah

    Codadka ilaa hadda la tiriyay oo wadani ugu horeeyo,iyo Gurigii Mr Cirro oo ciidan ilaaliya loo ddiray si amaankisa loo sugo. Calashaan waa Madaxwayne
    Dalmida

  10. Jugle says:

    Yacni hadii ay wax kala goyni karaan 27 sano waraabe jeebka kuma siteen basaborka somaliya kkkkkk yacni adigaa lugta kaxidhay ee haka dabcinin ee dacay ooguu dar kkkkkkkkk

  11. Mustafe Daacad says:

    Dhamaan waan idin salamy.Idoorka dhibkooda marabno iyo colaadka dhex qaraxda e illahay nabad howgu dhameeyo intoda yar e ayka codeyeen.
    waxa labada shacab e sool iyo Sanaag codeyta udiideen wax kale maha e waa rerka yar ooraba kaligood iney dowlad noqdaan dad dhulkood iyo shcabkodna khasbaan iyagoo aan awood iyo siyasadna ku maquunin karin cidna tasina dhici meyso o Puntland waxan udhisay ayey aheyd kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  12. nasra says:

    hayaan
    su asha jawaabteeda waad garanaysaaye ma afkaygaad ka rabtaa waxa weeye idinka waayo dad aydaan waxba u tarayn iyana waxba idiin taran baad kudaba dhamaaten oo caruurtiinii ka reebay qayrkood

    waynu is fahmaynaa wixii ka dhcay golada la oran jiray waqooyi hadana la yiraahdo S/L wixii ka dhacay doqon loo sheegi maayo fariidna waa og yahay mana rabo in aan ku noqdo wax dhacay 30 sano ka hor waanu ka gudubnay waa waxaanu ku gaarnay guushaa maanta alle na siiyey haddad koonfur wax la rabto horta hagaaji gurugaaga oo dhis dal nabada waayo kani maaha mid lagaa leeyahay markaa u gudub xamar oo caawi inagoo dhanba laakinse hada adoo kaad ku xaqlahayba diidya saad u caawin kartaa mid kaloo gubanaya hayaan hadalkayga waxan ku soo koobayaa odayga cali waxan qabaa haduu og yahay dariiq ka wacan ku qaaday in aanu qaadeen waayo waa nin wayn oo ah walibaa mutalin og wax badanaa soo maray ogaaday in meesha uu rabay wax u soconaynin mid iga qor 100 hadaad ka danbaysiisaan in aydaan helaynin i wax aad ugu yeertaan somliwayn oo gabalkeedu dhacay QOF WALOO CAQLI LIHI WAA OG YAHAY

  13. Jugle says:

    War adigu waxaad tahay qandhuur (cawro) dhex taala reeraha ee maxaa kaa galay waxii guulaysta kkkkkkkkkkkk kaftan.com

  14. Mustafe Daacad says:

    Jugle
    Boqor wanku salamy .Meshii awood ayaa laysku sheegtay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Dadkaadunka ugu nabada jecel ayanu nahay lakin waxan diidno waasidan udiidnay idoorku maba raban iney dhintaan ceerigaabo o daantoda ah bes ayalaga codeyey cebtaas waan filahayey kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  15. Garqaad says:

    Hormarka uu gaaro qof walaalkaa ah waa lagu farxaa waana loogu hambalyeyaa

    Maanta qofka reer woqooyi waa iga nasiib badan yahay saa isagaa xor u ah in uu doorto qofka uu dalkiisa iyo dadkiisa ku aamini lahaa

    Anigu waxaan ahay reer koofur mahaysto xuriyada aan ku doorto waxaan rabo
    Malihi nasiibka reer woqooyiga oo kale

    Woqooyi waxaa wax lagu doortaa

    Qof iyo cod

    Koofur waxaa wax lagu doortaa

    Xildhibaan ku yimid 4.5 iyo lacag

    Halbalyo somaliland

  16. Idoor Liqe says:

    Jabhadii snm oo laga caydhsaday Hadaaftimo , Sanaag , Somalia .

    https://www.facebook.com/gaanni.gelleh/posts/1015046791967757

  17. Jugle says:

    Mustafe, kkkkkkkkkkkk indr habruhu way kaftamayeen ee yaan lagu taagsanin kkkkkkkkk yacni faro fiiq-fiiq iyo af maroorintu waa udhaqan ee yaan wax kale lamoodin oo yaan lagu taagsanin habraha kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  18. Hayaan says:

    Nasra:

    Waxay ila tahay wixii ka dhacay waqooyi waxay la waxaan wixii ka dhacay Mudug,Nugaal,Hiiraan,Banadir iyo dhamaan geyiga Soomaliya. Hadalkaagani waa hadaladii qolyaha siyaasiinta idiin ahi ku kicin jireen shacabka marka Waxay ila tahay waad tahay ardaydoodii waayo qoobad yar oo qabyaaladi biyo dhigtay baad waxaad rabtaa in aad igu oodo. Laba mid uun aan ku heshiino.
    1) aan inakoo Soomaaliya wax wada raadino?
    2) haddii aysan taasi kuu cuntamin hayso 3 daada Tuulo oo Aniga faraha iga qaad Ima qaado meeshaasiye.

    Amaa Mr Galaydh horaa loo ogaa in uu weli gii SNM ahaa dadka shacabka ahna khiyaano kula noolaa uma waday Hargaisa. Sorry

  19. Mustafe Daacad says:

    Jugel
    Indr filmkaas eybaa cunay jiirna wuuku galgashay kkkkkkkkkkkkk Rerku marabaan iney dhintaan e waxey rabaan iney iska qayilaan sidaas ayaa keentay iney iska huleelaan ceerigabo ayaa baraley too aheyd waligeedna lagama codeyn kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  20. Jugle says:

    iidoor liqe, kkkkkkkk xiitaa waxaa la ii sheegay in ciidamo wata hubka wax gumaada ay gaaf wareegayaan taleex iyo xudun kkkk hartiyoow habruhu way kaftamayeen kkkkkkkkkkkkkk

  21. Jugle says:

    Mustafe, kkkkkkkkk horgaladii ay lacagta siini jireen markii ay arkeen indho run ah miyey kala dhuunteen? Kkkkkk waxaan maqli jiray Dadna mahayo dabona iima fayooba kkkkkkkkkkkk kaftan.com

  22. Jugle says:

    Sxbyaal busy.com ee see you later

  23. Dabshid says:

    Shacabka reer Waqooyi waa ka nasiib badanyahiin shacabka Koofureed marba hadey Maanta doorteen ninkey doonaan.

  24. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Waa noo tahay😷 BEEL Maamul ah oo is dooratay OO maxay isku qilaafi lahaayen? Waddan Qabiil qabiil u wada qoqoban?. Demograsiya DHAMAAJUUG baa cunay. WBT

  25. nasra says:

    HAYAN

    HORTA MA KAA FILAYO HADal wacan kaaman filaynin waayo anba si sahalo ah layma marsiiyeen balse hadad CALI ogaydeen maxad u doorateen anuu anoo og maanta nin aan iidanayn ma doorteene wan eryi lahaa calaa kuli xaal waan sugaya somaliwayn in aad hesho

    nasiib wacan qoraxdu yaanay kaa dicin hayaan

    jugloo miidhan baa ku jira reerkan oo aan is iri wuu neceb yahay daaroodka waayo waxa uu ku hadlo maaha wax nin waynu ku hadlo ama waanu ogayba waxa socdaba ee u raaci yaa meesha u badan oo ku taareeraya nabay halkaa faanka ka wada rag isurayee

  26. khaatumo haanoolaatoo says:

    qabiil qaran manoqdo waxba yaan lagu mashquulin isaaqan dhedooda iskadooranaya dee qabiil waliba dowlad wuu sheegan kara hanodaayan dhulkaanu awoowayashayo ka dhaxalay heeeeeeeeeeeeeey miyaa lays khasbaya

  27. Dabshid says:

    Shaxda

    Salaan sare

    Haddaan arkey su’aal fiican oo aad iigu reebtay page Waare Hirshabeele.

    Sxb anigu waan ka soo horjeedaa Waxaan loogu yeero maamul goboleed, ama maamul jufo, maxaa yeeley ma jecli in nin Soomaali ah laga xigsado dhul Soomaaliyeed,

    Haddiise ay doorteen dadka qaarkiis, maxaa diidahayo in Gobol kasto goonidiisa isu maamulo.

    2. Su’aasha aad dhahdey dowladdii lugtaad ku dhegantahey, WELL

    DOWLADDU Waxey maamushaa Banaadir State ( Xamar iyo labada Shabeele), qofka dhaliil,iyo toosin ku leh waa shacabkaas ee nin kale maahan ( waa markaan raaceyno sharciga Federaal fitno)

  28. Hayaan says:

    Nasro:
    Walaal Adigu diiday midnimo iyo S/weyn ana diiday qabiil iyo googo. Maxay kuu raraysaa S/land oo keliya oo haddii ay erateria kusoo weerarto ama Djibouti aadan iska celin karin subxaanalaah.
    Walaal Nasraay qoraxdu iga dhici maysee adigana yay kaa dhicin ee hore usoco Aana eegno waxay noqoto NABDEEEEEEEEEY NABDEEEY

  29. Dabshid says:

    Sidaan ognahey KOOFURTA Gobolada ugu deganaa dhanka nabadda waa PUNTLAND

    Sidaan ognahey KOOFURTA, Maamulka ay wada dhisteen hal jufo oo ah 5 Soomaaliyeed waa PUNTLAND

    “” Ayaguna ayagoo ah JUFO hoose, ayagoo deganaasho/ nabad heysto waxey awoodiwaayeen, iney isku doortaan ONE MAN ONE VOTE,

    WAAN ogeyn wixii Faroole ja qabsadey Boosaaso, markuu santuuqda geeyey, HADE WAA ILMO MAX’UUD SALEEBAAN EE MAAHAN GEEDKII WEYNAA.

    ** hadaannahey reer Koofur HAMBALYO MAAHANE HADAL KALE NOOMA EKA*

  30. Dabshid says:

    To: Adeer Ahmed Somali
    ayuu ku socdey qoraalka sare,

  31. khaatumo haanoolaatoo says:

    Dabshid qabyaaladayse
    maamulka putnland baad ku sheegaysa inuu dhista maamulka somaalilaand o u dhistay isaaq waxaad nogadhigaysa dowlad ee islayaab o kaxisho qabyaalada qaawan wayga talo kkkkkkkkkkkkk

  32. Laalays says:

    Cali sacsac

    Walee inaadan Somaliland habaar iyo nacayb midna wax kaga qaadayn.

    Adoo sidaa qalbigu kuu madowyahay, Somaliland-na horumarkeedu sii socda ayaad ifka ka huleeli.

    Taa ku bushaarayso.🖕🖕🖕

  33. cabdi yare says:

    waar anaga ayaa yaab aragnay. dorashadan ay gal iyo muslim shegen o ay ammaaben reer zoo,maal uma muqato. warkodu waa maxey nola qarxi waayen. maxay wali taagan yihiib halkii sagaa shanaadkii dagal ugudhacey waa dibu socod sidii qomkii nabi muuse. ay tiih ku jiraan waar tani tagtaye haku daba lumina

  34. Mr BaHaL says:

    Somaliwayntu mahaa wa iska imanaa,Kenya I taageerta ku imanay.Etyhopiya ii sheegtay ku imanaya,Federalbaan nahay ku imanaya,Emaaraatka Ayaan la sanay ku imanaya,annagaa uGu badan ku imanaya e waa wax u baahan shaqo ka duwan tan lagu jiro.Dad shisheeye u adeega oo Tuladooda calan ka taagtayna ma keeni karaan.

    Punt landbaa ka soo horjeeda kala go’a Somaliya oo midnimo ayay rabtaa waa waxa aad meelahaa ka maqlayso ee kaa yaabinaya.Inta uu xaal sidaa yahay ee aanay runba jirin.walee rajada Somaliyeed way gudhan tahay.

    Dagaalka hunguriga ee ku salaysan,yaanay cid kale wax cunin aniga mooyaane ayaa loo galinayaa shaadh Somaliwayn oo dadka masaakiinta ah lagu qulaamiyaa.

    Wadankii beenaaleyaasha.

    Dadmida.




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo: Robert Mugabe oo markii ugu horaysay meel fagaare ah lagu arkay
- Nov 17, 2017
Nairobi (Kalshaale) Madaxweynaha dalka Zimbabwe Rober Mugabe ayaa markii ugu horeysay meel fagaare ah ...
Daawo: Garaad Jaamac Garaad Ismaciil oo Ka hadlay Rabshadihii iyo Murankii Ka dhashay Doorashada Somaliland
- Nov 17, 2017
Laascaanood (Kalshaale) Waxaa goordhaweyd warbaahinta Kula hadlay Magaalada Lascaanood Garaad Jaamac Garaad ismaaciil oo ...
MUUQAAL: Warbaahinta oo Dacaayad Ka samaysay Biyo uu doontay TRUMP
- Nov 17, 2017
Ila Qosol :Warbaahinta oo dacaayad Ka samaysay Biyihii uu doontay TRUMP
Daawo Video: Ruushka oo soo saaray Diyaarada Tu-160 oo Duqayn ba’an ka Gaysan karta meel aad u fog (Warbixin)
- Nov 17, 2017
Ruushka oo soo saaray Diyaarada Tu-160 oo Duqayn ba'an ka Gaysan karta meel aad ...
Muuqaal: Jaahwareer Siyaasadeed oo Weli ka taagan dalka Zimbabwe (Video)
- Nov 17, 2017
Nairobi (Kalshaale) Dadka reer Zimbabwe ayaa rajo ka qaba in xal deg deg ah ...

Featured Video