Dhegayso: Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hor yimid Dagaalka Lagu qaaday Al-shabaab ku sugan degmada Balcad

Jowhar (Kalshaale) Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hor yimid dagaalka ka socda degaano hoos yimaada degmada Balcad ee Gobolka Hoose, isagoo ku eedeeyay dowladda Federaalka inaysan kala tashan dagaalkaasi.

Madaxweyne Waare ayaa welwel ka muujiyay qaabka dagaalka looga wado degmada Balcad iyo cawaaqib xumo uu sheegay inay ka imaan karto, Wuxuuna sheegay inaaan Dawladdu kala tashan  !  isagoo aan faahfaahin ka bixin arrintaasi.

Wuxuu intaas ku darya in welwelkiisu salka ku hayo ciidamada ku sugnaa Gobolka Shabeellaha dhexe ee dagaalka la geliyay, isagoo sheegay inuu ka cabsi qabo inay dagaalka ku dhabar jabaan Ciidamada dowladda.

HALKAN KA DHEGAYSO – MADAXWAYNAHA HIRSHABEELLE 

Lama oga sababta keentay in madaxweynaha Hirshabeelle niyad jebiyo ciidamada dagaalka ku jira oo ah kuwa dowladda Federaalka iyadoo aysan jirin ciidamo hoos taga maamulkiisa oo dagaalka ku jira.

Maamulada Soomaaliaya ayaa horay Dawladda ugu eedayn jiray Shirarka la qabto inaan lagala tashan, Hadii Dalka Xorayntiisa loo jeestayna Xaalku wuxuu marayaa la ilama tashan.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (26)

  1. Garqaad says:

    Naga aamus duliyahoow laylama tashan kulahaa yaa rabo taladaada

    Imaan laawe igu cusbo hogaamiya maamul oo dhoho laylama tashan layma sheegin qodobadii hebelbaa la dhinac maray

  2. Abwaan deeq says:

    Waa yaab @Hawiye xoolo badanaa kana xagey nooga keenen @uurkuusta uurkuustu dhashay

  3. Mr BaHaL says:

    Waa dagaal hunguri oo wuwuu isleeyahay – hadmaa dagaalkan lacag lagu qaatay.

    Damida

  4. C/Raxmaan says:

    Maxamed Cabdi Waare , mise Hawiye ?

  5. Dabshid says:

    Duqa wuxuu isleeyahey waxaa kaa istaagaa Kistii NGO haddii Carada la nabadeeyo, wuxuuse hilmaamey in Shabeelooyinka laga Xukumo Villa Xamar.

    “” Reer Hiiraanku u dhaqan ekaa reer Mudug””

  6. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Beeldaaje C/Raxmaan, hooyada la huba. WBT.

  7. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Waxaan maqlijiray,wixii aan caano iyo nabad ahaynba waa la kala qaadaa kkkkkkkkkkkkkkkk

    Waar Somaligu waa Inan gumeed meel u joogaa.

    Kuye,Barwaaqada iyo nabad lama kala qaado,laakiin wixii kale oo dhan way isku gudbisaa Somalidu.Waa sida ay ku sheegeen maahmaahdaasi.

    Bal Odaygan nacaska ah daawo waxan uu la shiryimid.

    Dalmida

  8. Ali Zubeer says:

    Warsame waxaa u muuqda UN iyo its fake allocation oo uu kala qoorshayn jiray.

    Abdiweli gaas waa uu sii sallaxay maadama uu baray wax aaan lagala tashan inay Villa Somalia fulin karin.

    Marka dagaalkii caloosha waa uu sii xoogaystay.

    Wuxuu maleeynayaa dhulka mooryaanta shabaabka haysato inuu yahay GAP lagu cunayo mashruuc.

    Shacabka waxay doorteen mooryaan caqli aanan hunguri ahayn lahayn, marka sidee dalkan ku hormarayaa.

    Umadi Allah xaalkeedu ma beddelo ilaa iyagu isbeddelaan.

    Anigoo Soomaaliwayn heli kara maxaa qabiil igu xayndaabay

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors
    Down Amhara lovers

  9. Garqaad says:

    Haldaani waa mid la sugaayay

    Wey iska cadeed in ay dhihi donaan xududeheena ayaa lagu soo xad gudbay mardhaw waxaan sugeynaa shariif xasan oo dhahaayo dagaalka sh/hoose layma sheegin

    Gogoshii kismaayo ee qiyaano qaran mirihii kasoo baxay wexey ahayeen dowladu wexey xukuntaa 10% wadanka

    Mudane waare hadalkaas ayuu daba jogaa

  10. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Waryaada, ninkan aad Raqdiisa ku soo qamaamteen, bal aan qaarkiin YUREEYO.
    *Garqaad, kula qumman inaan gurigaaga soo galo anoon HOODI oran.
    **Abwaan deeq, oo ma awelbey wada ahaan lahaaye wada BEEN-HAWAAS?.
    ***Mr BaHal, uur ku baalle maa tahay?
    **Dabshid UUR ku baalle kale. Wax ma dhaamo oo waa reer Gobollada Dhexe Min Jowhar ilaa Garowe. Soo socda. WBT

  11. Mr BaHaL says:

    Axmed Somali

    Axmadoow,sida ay wax u socdeen muddadii ina dhaaftay iyo sida ay manta wax u socdaan waa isku mid.Ma dhicin wax isbadal ah oo si guud u dhacay.

    Tani ayaa kuu saamaxaysa inaad fahanto wixii socda.

    Dalmida

  12. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Akhyaarey, waxay ila tahay inaad Dawladda ka hiilinaysaan oo aad qaladkeeda ku taageraysan. Aniga waxay igula qumanayd lnay Dawladdu ku war geliso Maamul Goboleedyada inay wado Hawlgallo ballaaran ayyagane laga helo wixii loga baahdo. MIISE waxaad wadaan sheekadii QALBIDHAGAX &JILAAFO. WBT

  13. wiil matabaan says:

    Waxaa Muuqda Waxyaabo Badan Isdulsaaran inlakala qaado Midwaa Dawlada Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada

    Sida Ay Uwada Shaqeenlahaayeen

    Midwaa Maamul Goboleedyada Heshiis Dhexmaray Oo Dawladu Banaanka Ka Tahay

    Shirkii Ka Dhacay Muqdisho Aywada Yeesheen Dawlada

    Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada Halkaan Ayaan Ku Soo Qoray Oo Waxaan Iri Warsaxaafadeedka Ay soowada

    saareen labada dhinac Wuxuu Ahaa Waan Sameyndoonaa

    Ee Ma Aheyn Heshiis Ay Qalinka Ku Duugeen Waxaa Marag

    Madoonto Ah In Ayna Cuskanin Qodobo Dastuurka Qeexaya Sida Ay Warmurtiyeedka Ka Muuqday

    Waxbo Yaan Lagu Daalin Mr Waare Oo Fikirkan waywada qabaan inta kale ee mammut goboleedyada

    Farmaajo Qudbadiisii Ugu Danbeysay Waawada Dhageysatee Dhawaaqa Ka Baxayay

    Farmaajo Maamul Goboleedyada Kaliya Lugaha Kuma Dhagana Dhinac Waa Cadowga shabaab dhinac waa

    olole ka socda parlamanka dhinaca kale oo awooda usheeganeysa waa dalalka dariska la ah

    sida

    dalka puntland

    dalka hirshabeele

    dalka jubbaland

    dalka galmudug

    iyo xariifkii xariifyada MR SAKIIN Konfur galbeed

  14. shaxda says:

    Waxaa Muuqda Waxyaabo Badan Isdulsaaran inlakala qaado Midwaa Dawlada Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada

    Sida Ay Uwada Shaqeenlahaayeen

    Midwaa Maamul Goboleedyada Heshiis Dhexmaray Oo Dawladu Banaanka Ka Tahay

    Shirkii Ka Dhacay Muqdisho Aywada Yeesheen Dawlada

    Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada Halkaan Ayaan Ku Soo Qoray Oo Waxaan Iri Warsaxaafadeedka Ay soowada

    saareen labada dhinac Wuxuu Ahaa Waan Sameyndoonaa

    Ee Ma Aheyn Heshiis Ay Qalinka Ku Duugeen Waxaa Marag

    Madoonto Ah In Ayna Cuskanin Qodobo Dastuurka Qeexaya Sida Ay Warmurtiyeedka Ka Muuqday

    Waxbo Yaan Lagu Daalin Mr Waare Oo Fikirkan waywada qabaan inta kale ee mammut goboleedyada

    Farmaajo Qudbadiisii Ugu Danbeysay Waawada Dhageysatee Dhawaaqa Ka Baxayay

    Farmaajo Maamul Goboleedyada Kaliya Lugaha Kuma Dhagana Dhinac Waa Cadowga shabaab dhinac waa

    olole ka socda parlamanka dhinaca kale oo awooda usheeganeysa waa dalalka dariska la ah

    sida

    dalka puntland

    dalka hirshabeele

    dalka jubbaland

    dalka galmudug

    iyo xariifkii xariifyada MR SAKIIN Konfur galbeed

  15. Dusha says:

    Maamul goboleed sharciya oo La aqoonsanyahay baad tahay. Haddana lagaa la tashan mayo waxa laga fulinayo maamulkii sharci ahaan aad madaxda ka ahayd: waa fudayd, aqoon la’aan dowladnimo iyo sharci ku tumasho. Muxuu madaxweyne maamul goboleed ka yahay, haddaan lagu ixtiraamayn, in lagala tashado waxa laga qabanayo deegaanada uu ku magacaabanyahay.

  16. Land of Punt says:

    Ninkaan waad ka gardaran tihiin! Federal duud hadday governer hadlaya arkaan dhiiga isku kicin!

    Muxuu state president ka yahay haddii dad lagu laynayo tuuladadiisa waxna laga weydiinayn.

    Caadi iska dhiga.
    Dowladda dhexe shawadeeda iyo wada shaqaynta gobolada ms taqaaniin.
    Waa doctator yaryar.
    Adeer dhamaatay waa wadanla hal nin loo ahwa xoolo xero ugu xaraysan.☺

  17. Garqaad says:

    Shaxda Mudane

    Hadalka adigaa dhameeyay

    Wadamada dariska ah xududohoda laguma xad gudbi karo

    dalka puntland
    dalka hirshabeele
    dalka jubbaland
    dalka galmudug

  18. Dabshid says:

    Dusha

    Oo hadda waxaad aaminsantahey inuu ninkaan xukumo Balcad iyo Cadale,
    War malagiis galey iga dheh..

    Guddoomiyaha Ururka Zeko Sacuudi Mr Gaas ayaan ka maqlijirey anigaa xukumo Ceynabo.

    ileen Hadal Aaaa ma yiraahdo

  19. amaal says:

    Asc waare nacas iska naxay bilaa fikir ah

  20. Shaxda says:

    Dabshid

    Mr waare isaga ayaa xukuma cadalle iyo balcad illaa xuduuda itopia dhanka baletweyn

    Anaga ayaa raali isaga ah inuu naxakumo haddaa nahay shacabka maamulka hirshabelle
    Iyo galmudug shacabka dega shaki hakala dhexgalin in kastoo aan aad ujeclaalahaa

    Somaliyo mida haddana sanka ayaa la iska galiyay in federaal lagu dhaqo dalka inkastoo aan afti dadweyne laqaadin

    Dabshid shacabka u cadee waxaad somaliya

    Ka damacsan tahay dawladii waan aragnaa lugta ayaad ku dhagan tahay maamuladii kala qeybi oo qabaail ukala dhedhig ayaad ku jirtaa

    Waa su”aale ma shabaab ayaa tahay???

    Waxaad rabtid lagarawaayeeeee

    Garqaad
    Waanku salaamay maanta waxaan rabaa inaan

    Mowqifka dabshid uu somaliya ka damacsan yahay inaan ogaado

    Ileen halkaan waxaa wax loogu qoraa sidee

    Qofwaliba la tahay ama fikirka aad aaminsan tahay

  21. muna says:

    abwaan deeq xoolo daarooda,aya,tahe,hawiye afka ka bixi nacas kkkk

  22. Garqaad says:

    Shaxda mudane

    Iska fiiri waxaani fedaraal maaha waa wax loogu talagay dalkaan in lagu burburiyo

    Adigu weligaa maaragtay fadaraal qabiil ah?

    Weligaa maaragtay fedaraal uu Ka awoodbadan yahay governo gobal xukumo?

    Fedaraal ma waxaa qaato wadan dunsan oo belaa dowlad ah belaa ciidan ah bilaa maxkamad ah?

    Mise waxaa qaato wadan dowladi kajirto oo leh maxkamad wax kala xukunto Iyo ciidan fuliyo ammarka maxkalada?

    Fedaraal ma xumo laakiin fedaraalka aan qaadaneyno waa nocee?

    Tusaale

    Hadii gaas ama xaaf midkood jebiyo sharciga wadanka u yaalo yaa xukumaayo?

    Ma diidani fedaraal laakiin see loo hergelinaa

    Fedaraal fidno dadka u doodo waa dad saaran train belaa darawal ah

    Dadka fedaraalkaan ku heeso wexey isleeyihiin wax badsi ku hela

  23. Mr BaHaL says:

    Federka hunguriga.

    Somaliya waa Federal kkkkkkkkkkkkkkkk

    Somaliya wax dawlad ah kama jirto,maxaa Federal lagu noqdaa?

    Shirarka iyo yooyootanka miyaa Federal lagu yahay?

    Wax system ah oo ka dhxeeyaa wadanka ma iro.

    Dalmida

  24. Dusha says:

    Shaxda

    Kkkkkkkkkk. Waa la idinku dhexjiraa. @@@Dabshid???? Shabaab mise isbaaroole. Shabaab ubadi.

  25. Dusha says:

    Waa yaab. Reer Soommalidu way ku dawakheen taaktikada iyo farsamooyinka dhagaraysan ee ay Alshabab u degtay. Sifaadka UGUS: Mar reer kuu ka tirsanyahay. Haddana reerkuu la qaddiyad iyo fakaryahay. Marka kale wuxuu iska dhigaa hal door reerka af, addin iyo maal uga difaaci doona reeraha kale. Si aan dhagartiisa loo garan har iyo habeen wuxuu ku hawlan yahay xasarad qabiil abuur si aan isaga looga shakin, howlihiisa dhagaraysana uu si wacan hoos uga wato. Wuxuu mar walba isku dayaa inuu reerka u yahay, hal door muhiima si fikarkiisa iyo himaladiisa loogu soo joogsado loona qaddariyo. Maalinta danbe markuu reerka ka il helo ayuu gaariga la qallibaa, dhulkana la gooyaa. UGUS qaababkaas iyo si kadaran baa loo tababaraa. Meel walbay kula joogaan, social media yada ayey fakarkooda gurran oo maldahan kaga qaybqaataan iyagoo hadba reer isu ekaysiinaya. Waa hebel ka social media yada aad saaxiibka ku tihiin, iyo ina Adeerkaaga qaali ga ee qaddiyadda reerka kula duuliya. Taaktikoodu waa:

    infiltrate. Infest. & Then kill.

    Dhexgal. Ku milan. Kadibna dil.

    U malayn mayo in dhagarta intaa le’eg Somaali ay si sahlan iyo wakhti yar xal ugu heli karto. Allow sahal.

  26. Land of Punt says:

    Ninkaan waad ka gardaran tihiin! Federal diid hadday governer hadlaya arkaan dhiiga isku kicin!
    Muxuu state president ka yahay haddii dad lagu laynayo tuuladadiisa waxna laga weydiinayn.
    Caadi iska dhiga.
    Dowladda dhexe shaqadeeda iyo wada shaqaynta gobolada ma taqaano.
    Waa dictators yaryar.
    Adeer dhamaatay waa wadanka hal nin loo ahaa xoolo xero ugu xaraysan sida rabobka yeelo.☺
    Riyo ku jirtaan..kkkk
    Viva Waare of Hirshabeele!!




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo: Robert Mugabe oo markii ugu horaysay meel fagaare ah lagu arkay
- Nov 17, 2017
Nairobi (Kalshaale) Madaxweynaha dalka Zimbabwe Rober Mugabe ayaa markii ugu horeysay meel fagaare ah ...
Daawo: Garaad Jaamac Garaad Ismaciil oo Ka hadlay Rabshadihii iyo Murankii Ka dhashay Doorashada Somaliland
- Nov 17, 2017
Laascaanood (Kalshaale) Waxaa goordhaweyd warbaahinta Kula hadlay Magaalada Lascaanood Garaad Jaamac Garaad ismaaciil oo ...
MUUQAAL: Warbaahinta oo Dacaayad Ka samaysay Biyo uu doontay TRUMP
- Nov 17, 2017
Ila Qosol :Warbaahinta oo dacaayad Ka samaysay Biyihii uu doontay TRUMP
Daawo Video: Ruushka oo soo saaray Diyaarada Tu-160 oo Duqayn ba’an ka Gaysan karta meel aad u fog (Warbixin)
- Nov 17, 2017
Ruushka oo soo saaray Diyaarada Tu-160 oo Duqayn ba'an ka Gaysan karta meel aad ...
Muuqaal: Jaahwareer Siyaasadeed oo Weli ka taagan dalka Zimbabwe (Video)
- Nov 17, 2017
Nairobi (Kalshaale) Dadka reer Zimbabwe ayaa rajo ka qaba in xal deg deg ah ...

Featured Video