Xasan Shiikh oo Ka hadlay Maalinta Calanka“Maalinta Calanka, waa maalin naga mudan xusuus iyo weyneyn”

Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hambalyo ku aadan maalinta Calanka Soomaaliyeed u diray dhamaan Umadda Soomaaliyeed.

Fariin qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu kaga hadlay maalinta qiimaha leh, isagoo xusay inay tahay maalin mudan xusuus iyo weyneyn.

“Maanta oo ah 12 October, waxay ku asteeysan tahay maalintii ugu horreeysay ee Calankeenna Soomaaliyeed gayiga laga taagay, Sannadkii 1954tii. Waa maalin inaga mudan xusuus iyo weyneeyn sidaa darteed, waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa maalintaan qiimaha innoo leh”ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

“Calanka, waxaa naftooda u soo huray halyeeyo Soomaaliyeed anagana waxaa ina laga baahan yahay inaan muhiimadiisa dhowrno islamarkaana ilaalino, kana shaqeeyno Qarannimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed”

“EEBBE, waxaan ka baryayaa Soomaaliya oo mid ah, xasilloon, hiigsatana horumar baaxad weyn.”


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (7)

  1. wiil hiraab says:

    Xasanoow wixi yaraa e iftiinka ahaa e aad uga tagtey umada somaaliyeed ragbaa ku xaarey maamul goboleedyadi aad dhistey e aad dhibki la ogaa kaso martey iyana in la burburiyo ayaa la damcey hadana iyaga ayaa wadanki xakuma o geesa waa weeyn beey laso bexeen marka xaalada sidaa ula soco koleey wax ma moogide kkkkkk

  2. Yusuf says:

    saaxiin…calan kani waxba kama ogee ha iska aamuso
    Waa tuug macruuf ah.. wasiirkiisa maaliyadda ayaa saxiixay mashruuca 20 milyan ah ee world bank bixiyey ee lascanod waxna lagama hayo 80% isagaa qaatay…yuu u sheegayaa tuug aan waddaniyad lahayn weeye… ninkii xasan sh. raba inuu wax ka ogaado ha galo World bank webeejkiisa

  3. Abdi xarago duubcadii sayidka says:

    Ileyn Afnool Haddaal kama dhamaado kuwo
    shalay uu Quus la ahaa ayaa maanta u qiiroonaya waa ninkii madaxweyne sheegta
    oo Aduunka ugu karaamada iyo Garashada
    Xummaaa waxaan aaminsanahay umada soomaaliyeed oo ilaahay dhaafiyey inkasta
    oo dhaawucuu u geystey weli La dhutineysa
    Soo Laabasho muqdisho in Loo Banaan bixilahaa waayo Qabiil uu bay ugu sacbin
    Lahayeen ee wadaniyad karraamo diin ku
    Dhaqan uguma sacbiyeen wuu is ogyahay waayo wuxuu dibada ugu carrarey ayuu Qabaa
    Taariikh madoobe Gabdhuhuu sacuudiga ka
    gatay ayaa wejigiisa ka muuqata iyo gaaladuu gorada bakhtigooda u ruxayey

    dadnimo diin marhadaan lagaa Dugsanneyn
    waxaagu saw duryaan maaha,musuq maasuq nimuu degey daacadda Allee Ma Dugsaddeee.
    Doornimo waa Dibood Duul Baa Qabiil kuugu
    Durbaan Tumayeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee

  4. Daud Aweis says:

    NINKAAN CULUSOOW DAD ISKUWAD AYUU AHAA
    EE FARMAAJO OO SHAN QOF WAXBA U SHEEGI
    KARIN AYAA YIRI DALKA XUKUN WALEE SOMALIA
    XAALKEEDU WAA MA DHAWA.

  5. NUURKANEDERLAND says:

    XASAN SH WAA QAXOOTI,WAA NINKA KA SHAQAYN KARI WAAYEY CALAL AQAL INUU QAXOOTINIMO KA BADBAADO ISAGU..

  6. Cadaado says:

    Shaki l’aan madaxweeynahii hore ee dowladda dhexe Mr. Hassan Shiiq, waa ka qibrad iyo aqoon badnaa, sida loola dhaqma daanyeerada Somalida oo noocya badan lehna waa uu ka yaqaanay, nimanka isaga badalay ee Madaxweeyen Farmaajo iyo ra’iisalwasaare Kheeyre.

    Hadii uu 4 sanno kale heli lahaa in uu dalka hogaamiya, Somaliya keeynta waa eey kasoo bixi laheeyd. Ha’yadaha dowladdana waa eey xoogeeysan lahaayeen.

    Laakiin, danyeero Somali badan ma fahamsaneeyn in cadowga gudaha iyo dibaddaba eey rabeen in 4 sannno kasta uu dalka hogaamiya qof cusub, oo xataa aan aqoon shirqoolada iyo lug gooyada eey qabiilada Somaliyeed isku hayaan, iska daa, wadamada kale ee faragalinta nagu hayee.
    God bless Somalia.

  7. Mr BaHaL says:

    Waar Xasan waa ku salaamay

    Dalmida




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
DAAWO: Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay murugada ay ka qaadeen qaraxii Zoobe iyo fashilka kuwii fuliyey (Video)
- Oct 19, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay Qaraxii musiibada ahaa ...
Daawo: Qatar Charity oo daah furtay mashruuc lagu gargaarayo dadkii ku Waxyeeloobay Qaraxii Zoobe (Video)
- Oct 19, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Hay’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya oo ka mid ah hay’adaha ugu shaqada badan ...
Maraykanka oo loogu baaqay inuu Cunaqabateyn saaro Burma (Faah-faahin)
- Oct 19, 2017
London (Kalshaale) In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Maraykanka ayaa ...
Hey’addaha Amniga Dowladda Somalia oo Saacadaha Soo socda soo bandhigaya Baadhitaanka Qaraxii Soobe
- Oct 19, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay soo bandhigaan ...
MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey banaanbiixi Xamar Kuna dhowaaqay dagaal iyo Arin culus
- Oct 18, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Khudbad dhinacyo badan Taabanaysa ...

Featured Video