MUUQAAL: Munaasibadda maalinta Calanka Soomaaliyeed oo Muqdisho Lagu qabtay iyo Madax Ka qayb gashay

Muqdisho (Kalshaale) Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Calanka Soomaaliyeed ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda iyo dhalinyaro ay ka qeyb galeen munaasabadan.

Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabisay Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka warbixisay heerarkii uu soo maray Taariikha Calanka Soomaaliyeed, iyadoo xustay in saddex calan uu soo maray xilligii gumeysiga.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in 13 dhalinyaro ay u soo halgameen xoriyadda maanta la heysto iyo qiimaha calanka uu leeyaha.

Sidoo kale  Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada ayaa soo bandhigtay magacyada 9 xubnood oo noqon doona Golaha KMG ah oo dhalinyaradda Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Wiil naafo ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo munaasbada ka hadlay ayaa sheegay in halgan dheer loo soo maray sidii calan Soomaaliyeed loo heli lahaa, isagoo u duceeyay dhalinyaradii halganka u soo galay xornimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa hambalyo u diray 63 guuradii ka soo wareegatay markii la taagay calanka Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in calanka Soomaaliya uu yahay astaanta qaranka.

Munaasabadan maalinta Calanka Soomaaliyeed ee 12 October ayaa ah maalin la xuso,waxaana munaasabadii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ay aheyd mid ka duwan kuwii horay uga dhacay dalka.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (5)

  1. wiil hiraab says:

    cawaale calankeena bulugloow cawaale

    candha wadaag ha aaminin cawaalow

    waa kuwi dhiibey qalbi dhagax cawaalow

  2. wiil hiraab says:

    cawaalo suud madoow Dicareto iyo Mecrafoon kuma ilaalin karaan cawaalow cudud milateri ayaad u baahantahey cawaalow
    dad daacad ah ayaa ku ilaalin kara cawaalow

  3. ciise binu axmed says:

    waa maxay maalinta calanku ,,maalinta calanku miyaanay ahay 26 juun 1960kii ,waar nimanyohow walaweyntu waalanaa wax kasta miyay noo sheegayaan
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. NUURKANEDERLAND says:

    CALANKEENU WAA DAHAAB
    CAADIL BAA NA SIIYOO
    UGUB CURADA WEEYAAN
    CAADUQIYO GUMAYSTAHA
    CUDUD BAAN KU TUUROO
    QORI CAARADIIS BAAN
    KU DHACSANAY CALANKEE
    CURADAAN KU WEYNOO
    CIIDA AAN KU DUUGMNEE
    UMADYAHAY CIRFIIDKA AH
    CALANKAA DUSHIINA AH
    KA ILAASHA CEEBTIYO
    CIILKAAD BADAYSAAN!!!

  5. Mr BaHaL says:

    Munaafaqiintii ayaa dhexfadhia oo qaadaya”Somaliyeed toos oo isku tiirsada”.

    Horta calankan maxaa loo doortay?

    Wax taarikh ah Kuma laha Somalia.

    Calankii keeenay magaca Somal aduunka ee soo hogaamiyay Somalia 700 oo sano waa calanka Adal Empire.

    Ama Juuraan State ayaa qumanaa in la qaato.

    Wax aan taariikh ku lahayn dhulka Somaliyeed ayaa calan laga dhigtay into maro yar Blue ah laga tolay.

    Waa sidaa awgeed waxa uu wadanku sidaa u noqday.

    Dalmida




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
MUUQAAL: Xildhibaan Lama Filaan ku dhigay xaflad la isugu yimid C.raxmaan C.shakuur iyo Xubno Farmaajo Diidan !
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Xildhibaan Abdishakuur Cali Mire oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, oo maanta Khudbad ...
Itoobiya oo Israel ka iibsatay Barnaamij ay ku basaasto Shacabka iyo dalal kale
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Warbixin ay soo saareen cilimi-baarayaal waaxda (Citizen Lab) ee ka tirsan Jaamacada ...
Daawo Video: Prof. Cali Khaliif Galaydh “Waxa aan Rabaa Soomaliland loo dhan yahay iyo Muuse inuu Heshiiskii Fuliyo”
- Dec 12, 2017
Hargeisa  (Kalshaale) Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka khaatumo oo Hargeisa ku sugnaa Mudooyinkan ...
Daawo: Wasiir Bayle oo War Farxad leh ka sheegay Guulaha uga soo baxay Shirkii Nairobi iyo Siday wax u dhaceen
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay ...
MUUQAAL+Murugo: Donald Trump oo Soomalida Masaafurinaya iyo Dumar ay Ilmadu ka dhamaatay iyo Waxa dhacay
- Dec 12, 2017
Minnesota (Kalshaale) Qaar ka mid ah qaraabada iyo qoysaska 92 qof oo Soomaali ah ...

Featured Video