Daawo: RW. Khayre oo Jawaab Adag ka bixiyey Shirkii Kismaayo Iyo Siduu uga hadlay xaalada dalka Somalia (Muuqaal)

Muqdisho (Kalshaale) Xasan Cali Khayre R/wasaaraha Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalka marayo, Isagoo Khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliya oo lagu qabtay Garoonka Kubadda Koleyga Wiish Stadium ee degmada C/casiis, Wuxuuna xusay in umadda Soomaaliyeed uu u soo baxay Iftiin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Hadii ay jiri jirtay Marka isjiid jiid yimaado Madaxdu inay Niyad Jabto Madaxda Idin hortaagan maahan kuwaas.

 Haday jirto qof Soomaaliyeed oo ka welwelsan maalma la qeyqeylinaya ama buuq siyaasadeed baa dhacaya sidaa daraadeed Madaxda qolkeedii bay ku laabanaysa, waxaan idiin ballan qaadaya in aan idinla mari doono illaa meesha u danbeysa aan tegi doono.

Waxaan soo jeedinaya inaan meel ugasoo wada jeesano shacab iyo Dowladdba kuwa doonaya in ay dumiyaan waxa yar ee inoo dhismay, waa inaan qofka aan doorano oo Madaxda inoo ah oo Madaxweynaheena iyo Guddoomiyaheena ay ugu horeeyaan iyo Wasiiradeena inaan siino fursad ay dalka wax ugu qabtaan.

Inaan ku bedelano dhaqankii ahaa anigu hadaanan wax helin dalkaa la duminaya, dalkaa kaa horeeya adiga! In aan ogaano in qofkasta, Xisbi kasta iyo Koox kasta ay ka weynyihiin, Jiritaanka Calanka, Nabadda iyo Dowladnimada.

Mar walba meel ayeey taariikhda ka billaabataa maantay oo ay tahay, 63 sano-guuradii kasoo wareegtay markii Calankeena dhidibada loo taagay, cida doonaysa in ay ka mid noqoto taariikhda cusub oo dalka laga sameyn doono, waxaan lee’ahay kaalay anaga nasoo raac” Ayuu Yidhi R/wasasaare Khayre.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (84)

  1. Hayaan says:

    Dowladnimo fiicanaa, waxaan layaabay kuwan Dabadhilifka u ah Ethiopia iyo Emirateska cigaalada waaweyn waxay shalay Kismaanyo ka sheegeen in ay iyaku 90% dalka masuul ka yihiin cajiib maxaa dowladii dhexe iu soo hartay 10% ??

    Hadana waxay kuleeyihiin dhaqaalihii dowlada dhexe ayaa qaadatay!! Oo dalkii laga rabay revenue ga idinkaa haystee maxaad dhaqaalo u keeni waydeen?? Aawey source kii 90% ee dalku lahaa? Duf kubaxa ileen dabadhilif waa doqon.

  2. Hayaan says:

    Waxaan Soomaalida caafimaadka qabta u sheegayaa in ay fadhiga ka kacaan walaahay in aan Siilaanyo, C/weli, Xaaf, shariif sikiin, Axmed modoobe. Inoo soo wadin dowladnimo iyo horumar qabiil dowlad noqon waa, waad ogtihiin dhibka idinka haysta Adduunka iyo dalalka aad joogtaan oo dadkoodii iyo dalkoodii u samaystay nidaam iyo dowladnimo. Halaga hor yimaado hogaamiye qabiilka inakala qoqobay.

  3. Ali Zubeer says:

    Waar weedhaadu iyo warankaadu ha caddaadaan.

    Ka hadal midnimada Soomaaliya

    Ka hadal Khaatumo state

    Ka hadal kuwa doonaya inay Hargaysa ka jaraan rest of Somalia

    Ka hadal faragelinta Xabashida iyo Imaaraadka iyo Sacuudiga

    Ka hadal shirka Kismaayo inuu yahay hal bacaad lagu lisay

    Ka hadal wada tashi ah oo aydun hoggaamisaan, maamuladana la siiyo kaalintooda

    Ka cancel mooryaanta Kismaayo wixii Somali Passport wata

    No fly list ku dar kuwa doonaya in beelaysi waddanka loo celiyo

    Ka dhig Xamar caasimad ummaddu wada leedahay

    Ka hadal dekadaha Berbera, Bosaaso iwm ee la dhaxal wareejiyay

    Ka xidh hawada Soomaaliya Air Arabia iyo Ethiopia airline iwm

    Waar soo iibsada xitaa dhowr helicopter oo ciidanna sameeya

    Halkaan eegaba waa musiimo hadal lagu dawayn karin.

    Waar sanad baa hadalayseen, miyaydan arag sida loogu khamaarayo qarankan

    Qatar si rasmi umaydan isticmaalin?

    Why

    Get rid off fahad yaasin oo personal monopoly ku haysta Qadar

    Sameeyaa guddii qaran oo Qatar la shaqeeya oo maala

    Ka gudba beenta la idiin sheegay ee ahayd tartiib ula hadla maamullada

    Xoosh caydhiya

    Federal dalka hadduu yahay fuliya

    haddii kale badhadhihiinna caddaysta

    Waar ma hadli karee, qaran dad xininyo iyo dadnimo leh ayuu u baahan yahay

    Anigoo soomaliwayn heli kara maxaa qabiil igu xayndaabay

    Viva Soomaaliwayn
    Down all amharo lovers
    Down all Somali traitors

  4. Jaamac says:

    WWW HA IS DABA SAQLAYSOOOOOOOOOOOY

  5. Jaamac says:

    NIMANKA DAWLAD GOBOLEEDYADU LACAG AYEEY KA JECELYIHIIN WAXAN NINKANI IS WARAMAYO

  6. Jaamac says:

    Xaaji cali subagle
    Somaliweyn adeerkaa weydiikkkkkkkk

  7. Jaamac says:

    HA WAREEGTO BAADIDU

  8. Wiilwaal says:

    U malaynmaayo inay tani sannad gaadhayso!!

  9. farxiyo says:

    Asc,dhamaan akhyaarta
    Barxada kalshaale,mudane iyo marwoba.
    Soomaaliyeey waad ogtihiin
    Odayaashan ku shiray kismaanyo,inaan midkoodna haysan kalsoonida shacabkiisa,
    100%.
    Aniga aragtideyda dumarnimo,waxan u arkaa,
    Iney yihiin {nin daad qaadey,xunbo cuskey}
    WAA rag u adeegaya,dano shisheeye.
    Ilaahow kheyrka na waafaji.

  10. Garqaad says:

    Hadal wanaagsan waxba tari maayo waxaa loo bahan yahay go.aano ad adag iyo ficil sheekado wexey mareysaa in ay hogaamiya koxeedyadii ay dhahaan 90% inaga wadanka xukuno

    Somaliya wexey u baahan tahs shacabkeedu in ay kacaan ilaa gobalada waayo wey caday maamauladaani inta ay jiraan in ay dag tahay in la heli somaliya oo mid ah

    Walaahi waxaa igu soo dhacay berigii muuqdisho iyo hogaamiya kooxeedyadii
    Waayoo maalin kasto wey isu imaan jireen marka ay rabaan in ay wax diidaan laakiin hadhoow markeey ayaga dhexdooda timaado waxba isuma ogala

    Hadda wexeey heshiis kuyihiin in ay dowlada wada caburiyaan laakiin beri waxaad arkeysaa iyagoo u kala baxaa
    Baraleey iyo suusacleey

    Waa hogaamiya koxeedyadii oo dhulweyn sheegto iyagoon xukumin

  11. wiil waal says:

    maaaaanta iyo maaalinta calanka 12 Oct.

    soomaaaliyey taaageeera raiiiiska Xasan Cali khayre.

    wax Dan ah idin kuguma jirto wasakhdan indhaha cawaran eee maaamul goboleedka.

    waxay leeeyihiiin Deeq baan ka qadnaaaa may daaaacad u noqdaan taliska xamar…ama joojiyaan cabaaadka ooo Ku ekaaaadaan luflufka emarataka.

  12. Land of Punt says:

    Nimankaan Farmaajo iyo Khayre ciyaal diaspora ah oo ayagoo iska dhaadhiciyey inay inta Xamar fariistaan in wadan burburtay halkaas hadba bottom Xamar riixaan gobolada noloshooda hadda kasoo kabanaya baabi’ii lagu lugooyo.
    Wixii hanti wadanku kusoo qadeen xagee geeyeen.
    Adeer wadankaan inuu talada dhan la wareego nin meel joogo ogeyn oo soo gaarin, waqtigaas waa dhamaaday, shacabka waxay rabaan waydiin meeday canshuurtii naga qaaday, na tus waxa ku qabatay, haddii albaabka ha iga soo istaagin.
    Ma reer Caluula oo 2000 Xamar jira miyaa soo gaari kara Khayre, Gaas bay yaa la Allah ku garaan.

  13. farxiyo says:

    Land of punt.
    Ma waxad leedahay.
    “Cadkanoow Ku cunay,ama Ku ciideeyay”.
    Saaxiib way dhamaatey waqtigii mmahbarnimadu.
    Mr.geel…..,inaader salaan sare.

  14. Garqaad says:

    Hogaamiyaashu wexey leeyihiin 90% wadanka annaga xukuno hadana wexey leeyihiin dowlada dhexe wexey hesho wax hanaga siiso
    Oo hadeey wadankiiba ay intaas xukumaan canshuurna aysan bixin mey isku filnadaan?

    Farxiyo salaan gobeed
    War bal ii waran beryahaan waxaa na qabsaday qolyihii qarandiidka
    Waxaan noqonay gacan ku gabad

  15. amaal says:

    Asc dhamaan inta midnimada jecel aniga markan arkay sida farmajo IYO kheyre uamusanyahiin oy dadka runta ogu sheegi layahiin Gordaha ulaaladinyan Waxaan soobaxay in wadanka dhan gumeysi dad ban laguheysto midmaskax ahaan @ madaxdane ay diidanyahin inay shacabka uxaqiijiyaan nin walbo yimid kursigiisu ilaashana allw noogargaar yaaa ilayabo???

  16. amaal says:

    Ilayabo @ Yaa ila qabo

  17. xaange says:

    farxiyo
    Awel waxay maraysey car Baraxley ii soo dhaaf laakiin hada waxay maraysaa car Khayrow Jowhar noo soo dhaaf laangaabyohow saynta leh kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  18. Dabshid says:

    Reer Qurac dhuuntaa Xariiriso ninkii Caloosha u buuxiyo ayey kabaha u qaadi.

    Soo maadan arin ayagoo leh Xamar Caasimaddii fiicneyd ka dhiga, waxey ula jeedaan degmooyinka noogu qeybiya 4.5
    ( oo soo caasimad maahan, soo tuu Moorgan oo xasuuqey dadkii deganaa nabad ku joogo, maxaad kalood rabteen).

    30 sano maxey Soomaali ku soo kordhiyeen, Axmaaro soo raac, Kuukuuyo Soo raac, mudaharaad iyo qeylo. Tuke.

  19. Mr BaHaL says:

    Hadii dhulka ay kooxo kala haystaan oo aanay amarka kala qaadan lama yidhaa Federal e waxaa la yidhaa anarchy.

    Somaliya anarchy ayaa ka Jira.Kooxo hubaysan oo midba meeshiisa hayso oo uu cuno cashurta ka soo baxda ayaa ka Jira Somaliya.Dawlad ka saraysaana ma jirto oo ninkaa haysta degaankaasi ayaa dawlad u sheegta.Wadan kaliya ayay kala qabsadaan kooxo aan wada socon oo iyagu shaqaysa.

    Somalya waxaa ayaa ka jire e nidaam Federal ah kama jiro.

    Markii ay deeqi wayday cashuuurtii ay dadka ka qadaayeen ee ay liqeen wixii caawimo ahaa ayay u soo dhaqaaqeen xagaa iyo Xamar.kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Kulahaa waxa Somalia la siiyo annaga aan qaano.

    Wayba xisaab sadeen inta uu nin walba helyokkkk

    Dalmida

  20. C/Raxmaan says:

    Farmaajo & Kooxdiisa waxay noqdeen Juxaagi Carbeed . Mid khubad macaan ku JALAABUQA & mid jilbaha gashada luqunta . Adaa la aadaa .

    Ku dhawaaqa Khaatumo State & Banaadir State . Baarlamaankana hordhiga in caasimadda loo raro Hargeysa . Ninkii doonayey inuu soo celiyo dadka miyirkooda waxuu yiri : BOMBAA cirka iigu maqan !

  21. Jugle says:

    iska hadlow ina igare, khayre waa ninka uu dalkani kadagi la’yahay ee lacagaha ku bixiyey burburinta hirshabeele iyo galmudug, farmaajo waa inuu iska qabto doqonkan cuqdadaysan, car wakaas ee hadaad rag tihiin si fiican uqancin waaya madaxdaas kismayo ku shirtay oo dowladiinu ha sii shaqayso, yes hadii aad lacag iska uruursanaysaan waa meesheeda oo iyaguna way qadhaab tagi kkkkkkk

  22. C/Raxmaan says:

    Nasiib wanaag dadka Soomaaliyeed way ka gudbeen xilligii la isu leynjiray qabiil -qabiilka . Waxkastoo qaldamana waa la saxikaraa . Hadey Kismaayo ku goosatay Cadaado , Garoowana Baydhabo . Dee Xamarna ha ku goosato Buhoodle eesh qiyaasak .

    ” Xawaash ku dar ”

    ” Xawaash ku dar ”
    ” Xawaash ku dar “

  23. Garqaad says:

    Mr bahal

    Waa kuwa caqli xun wexey ku leyihiin 90% wadanka annaga xukuno oo cidna wax kaweydiin meyno

    Hadana wexey dowladii ku leeyihiin dhaqaalaha wax naga siiya

    Waa dad aan qadiyad laheyn waxaa kufilin wax yar oo jeebka loo geliyo

    Dadku hadeysan damiir laheyn waa dhibaato waa bilaa damiir dowlada somaliyeed i ay dhalato ma.ogolo wayoo socon meyso waan qaraab tagayaa socon meyso badahaan iibiniyaa

    Waxaa iyaguna kasii liito qofka shacabka ah ee qabiil ahaan ku difacaayo isagoon garaneyn danta ugu jirto

    Viva somaliweyn waxba nooma dhimi karo nin qaraab tegay

  24. Jugle says:

    War doqonku yuu ismooday!? War xagee buu xukumaa? Mida kale dalka dhan ma waxuu uyaqaanaa xamar kaliya? Ninka dowlada farmaajo ku ciyaaray hadana laga xishoonaayo waa khayre kkkkkkkkk

  25. Jugle says:

    madaxda maamuladu waa inay u yeedhaan dhamaan xildhibaanada dfs ee kasoo kala jeeda 5-taas maamul goboled kadibna mooshin kkkkkkkkkkk

  26. Hiilqaran says:

    Asc dhamaan reer kalshaale waxaad modaa dhamanteen inaan isku adragti kanahay nimankaan tuminta somaliya u tafaxeeytey dad weynuhuna waa inalamid marka maxaa inalagudboon inaan sameyno wbt

  27. Dabshid says:

    Farmaajo ayaa ka soo furey Geedkii yaraa ee Xassan Shiikh ku xirey Guddoomiyaha Zeko Sacuudi Mr Gaas, 4 sano Sawir kabeyn iyo Addis u cararid ayuu ku jirey, wakaas maanta booteyn.

    Faroole ayaan xasuustaa oo leh Hiraabow ninkaan naga qabta oo sidaad C/llaahi Yuusuf yeesheen naga yeela hadey tolnimo jidho, ilaa aaqirkii ay noqdeen labadooduba iney shaaha ka kariyo Villa Xamar iyo Campaigners cod raadiyeyaal. (Labo godleyaal)

    Hade maanta waaba booteynaa asagoon Yoocada Garowe tegikarin, Balcad iyo Afgooye ayuuba afkiisu karey oo aawey DOWLADDI DALKA PUNTLAND.

  28. Garqaad says:

    C/raxmaan salaan gobeed mudane

    Hadal majiro xaniinyey dhoocaarta

    Hadaan khilaaf la hureyn waxaa laqaatay sidaan halkii qabiil laysku baheyda lahaa

  29. Mr BaHaL says:

    Garqaad

    Waa Xayraan iyo Uncle Sam.
    Wax ay dawlada u hayeen oo la waayayaa ma jiro.Dawladu waa ka sii naaxidoontaa inta ay maaanta tahay Insha Allaah.Sideedaba qofka wax bdoonayaa iyo ka diidayaa isku mid maaha.Markasta waxaa guuulaysa ka ujeedadale.

    Nin la soo kiraystay melena uma socdo.Ujeedo uu leeyahay ma jirto oo aan ahayn Lufluf iyo wax ishortaag.

    Dalmida

    Dalmida

  30. Jugle says:

    Allow yaa idin dhaha cagaha dhulka dhiga oo si fiican u qanciya ragaas idinka tabanaaya dhibka kkkkkk

  31. Aarka hargaysa says:

    Jugle midnimada ilaali kkkkkkkk

  32. Hiilqaran says:

    Farxiyo asc salaan sare waqti ha isagslumi land of put because waa nin ku khafiifay cabdiweli gaas iyo mamul goboleed oo amin saneen somali nimo wbt

  33. farxiyo says:

    Garqaad.
    Salaamulaahi walaalkey sharafoow.
    Salaan xushmeysan hano.

  34. xaange says:

    Xaqiiqdu waxay tahay nimanka Villada fadhiya inayna lahayn hadaf cad iyo siyaasad muuqata oo ay dadka ku hagi karaan.
    Maaha rag caddaysan kara waxa ay aaminsan yihiin oo ah in nidaamka federaalka la baa bi’iyo wadankana laga xukumo Muqdisho wax walbana halkaa laga soo yeeriyo inta ka horaysana ay maamulada ka eryaan ragga hadafkaa ka hor iman kara.
    Waxay aaminsan yihiin wax walba tartiib tartiib ayaan u qabanaynaa inagoo isticmaalayna siyaasad doqoni ma garatay ah oo qabow iyo qaybi oo xukun ku dhisan.
    Ragga waxaa kula taliyey Farmaajo iyo Khayre maaha rag kartideeda ,aqoonteeda iyo waaya aragnimadeeda midna leh ee waa ciyaal badankoodu dhasheen ama qaan gaaray burburkii ka bacdi kadibna wadanka ka dhoofay oo meelahaa qaxooti ku ahaa.
    Isuguna jira rag laab la kac aan caqli badani ka dambayn maskaxdooda ka guuxayso iyo qaar dano shakhsi iyo mid qabyaaladeed maskaxdooda ka guuxayso iyo qaar dillaaliin ah oo wakiilo u ah wadomo shisheeye balse iska dhigaya inay dan iyo maslaxad soomaaliyeed wadaan.
    Caruurtaa khibrada xun waxay ka awood badan yihiin goloha wasiirada iyo wasaaradahooda waxaana moodaa inay taladuba iyaga gacanta ugu jidho oo dowlada inteeda kale ayanba wax saamayna iyo tala ah ku lahayn go’aamada ay ka dhaadhicinayaan madaxda ugu saraysa Xukuumadaa.
    Guul daraddii ugu horeysey ay usoo hoyiyeen dowalada waxay ahayd markii ay Qalbidhagax Dhiibistiisii dowlada ka dhaadhiciyeen inay qirato iyadu inay ka dambeysey taas oo la ogaan inayna ka dambeyn balse rag tira yar ay arinta ogaayeen.
    Guushii ugu horaysey ee dadkaasi ay is yiraahdeen waad gaadheen oo qubxigii ay isu akhriyeen wuu rumoobey waxay ahayd arintii Hirshabeele oo cosble ayey ku tijaabiyeen wayna u hirgashay waayo markii hore ayuuba ahaa maamul magac u yaal ah.
    Tijaabadii xigtey waxay ahayd Galmudug iyo ragii isu seediyaasha ahaa in taleefoon loo diro halkaana madaxa la isu galiyo xaaf iyo ku xigeenkiisii. Tuhun isagoo horaybau jiray ayay isku caddeeyen inay ka dambeeyaan arintaa taana waxaa caddayn u ahaa warqadii laga soo saaray wasaarada arimaha gudaha oo 2 saac wax ka yar lagu aqbalay in af gambigii xaaf oo awalba iyagu ka dambeeyeen.
    Waxaana isaga khaldan caynka ay kala yihiin taageerayaasha Xaaf iyo Cosoble.
    Hadaba dadka caynkaa ah waxay usoo jiideen Farmaajo iyo Khayre tallaabadii ugu horeysey oo lagaga hor imaanayo boogta ay korka ka dhayayeen. Waxaana shalay go’aan midaysan ka qaatay raggii ay u heshiiyeen balse iyo raggii godka dhufeyska ah ku jirey oo goobta dagaalka banaanka uga soo baxay madfacii ugu waynaa ay shalay rideena uu noqday mid dul marin ah 90% Buu wax ka dilaa haddii aad inta aad joogtaan oo ah wax %10 ka yar dhulka ayaan idiinku dhigaynaa meel aad ka baxdeena la arki maayo
    Hadba waxa kaliya oo Farmaaje iyo Khayra ay talada ku sii hayn karaani waa iyagoo sameeya isku shaan dhayn meeshana ka erya ciyaalka ay ka mid yihiin C/raxmaan Cayne iyo Fahad Yaasiin iyo qaar kale oo badan.
    Caddeeyana mowqifkooda dhabta ah iyo meesha wax ka khaldabeen iyo sida ay u toosin lahaayeen.Ayna bilaabaan inay soo dhawaystaan maamulada wixii khalad iyo mad madow ku kala dhex jira si dhaba oo qoto dheer looga wada hadlo.Hadii kale waan arki doonaa meesha ay ku dambeeyaan

  35. Aarka hargaysa says:

    Walawayn car wakaase wax haku heshiiyaan

  36. farxiyo says:

    Hiilqaran.
    WAA sidaas, walaal.
    Land of punt,dhabayaca deeqda,not soomaali weyn.

  37. Jugle says:

    Waynu isu joognaa ee car wakaas ee ha qancin waayeen maamul goboledyada oo dowladoodu cago haku sii taagnaato kkkk xitaa waxaa ku filan oo kaliya in ay maamul goboledyadu u yeedhaan xildhibanadoda kkkkkkkk

  38. Jugle says:

    Aarka hargaysa, kkkkkkkkkk sxb tani dhinac bay isu raacday, yacni m.waynaha m.waynayaasha somaliyed waxaa loo doortay mr.gaas kkkkkkkkkkk

  39. C/Raxmaan says:

    Garqaad W / Salaan Mudane Akhyaar . Waa runtaa markii si loo eega ma xumo oo shacabka looma kala qaybin qaab qabiil . Lkn qaab mabda ayey u qeybsanyihiin . Waxayse labada kooxood ee shacabka ahiba ilaaween koox seddaxaad oo aaminsan mabda’a Alshabaab ,kuwaasoo runtii la dhihikara waa tirada ugu badan . Isla markaana haysta degmooyinka ugu badan ee dalka . Isku soo wada duuboo . Way qalacantahay amaba way BOORANTAHAY . Waxaan sugnaaba marka la gaaro casharka afraad ee uu ciwaankiisu yahay :

    ” Children MULUQYO waaye “

  40. wiil hiraab says:

    Haadba Haad kici

    car xaafadaha kaaran iyo Huriwaa noso dhaafa
    xagana madiino iyo sarkuusta noso dhaafa

  41. Mr BaHaL says:

    Waar sawlkii Mr gaas ilaa xildhibaanada Reer Garoowe hore dhawr jeer u yeedhay ee markii dambe ay Xamar iskaga noqdeen kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Mr Gaas kale ayaa dhashay?
    4 sano oo nacnac ah Ayaan u soo joognay.

    Imisuu yidhi xidhiidh Ayaan jaray oo uu Adis ka soo ooyay.

    Walee Ninkii Xasan waaba loo baahday kkkkkkkkkkk

    Dalmida

  42. Land of Punt says:

    Waxay ka waday:
    Nimankaan Farmaajo iyo Khayre ciyaal diaspora ah oo ayagoo iska dhaadhiciyey inay inta Xamar fariistaan in wadan burburtay halkaas hadba bottom Xamar riixaan, gobolada noloshooda hadda kasoo kabanaya baabi’ii dalka ka dhacay marlabaad lagu lugooyo.

    Wixii hanti wadanku kusoo qadeen xagee geeyeen?
    Adeer wadankaan inuu talada dhan la wareego nin meel joogo ogeyn oo soo gaarin, waqtigaas waa dhamaaday, shacabka waxay rabaan nin waydiin karaan meeday canshuurtii naga qaaday, na tus waxa ku qabatay, haddii kale albaabka ha iga soo istaagin.
    Ma reer Caluula oo 2000km Xamar jira miyaa soo gaari kara Khayre, Gaas bay yaa la Allah ku garaan.

    Ninmankaan shaqadoooda waxay ahayd inay dalka hogaamiyaan arimaha localka u daayaan maamul goboleedada.
    Waxay bilaabeen aan federal ka taqalusno.. kkkkkkkkkkkkkk

  43. Jugle says:

    26 sano ayey xamar wax ku cunaysay magaca somali lkn dul-qaadkii wuu naga dhamaaday ee nin kastaaba meeshii uu wax ka heli karo ha uqadhaab tago kkkkkkk

  44. wiil hiraab says:

    Candha wadaagey Mecarfoon yar iyo warqad yar o dicareto ah dal laguma xakumo e dal waxaa lagu xakumaa wax qabad muuqda iyo cadaalad

  45. Jugle says:

    Aarka hargaysa, ma dhagaysatay khudbadii m.waynaha guud ee m.waynayaasha somaliyed mr.gaas kkkk kuye farmaajo waxuu xukumaa 1% aniguna 90% kkkkkkk

  46. wiil hiraab says:

    waan filaayey in aan la mahadin doonin isku taag taagi Mudane xaaf waaka yaxaas o dhan hurdadi kaso wada kaceen kkkkkk hala kala qaraabto o yaan leeysku dhicin qaraabku waa nin iyo xeeladi

  47. ciise binu axmed says:

    somali walaweyneey,isku hayn iyo kala hayn midkood hala idiinku yimaado kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  48. wiil hiraab says:

    candha wadaag iyaduba dambiilo waa weeyn o doolar ka buuxo ayeey so qaraabata e yeey wax ka siisa hashu iyadaa caabadi geelana cuneeysa kkk

  49. shaxda says:

    1-Dhaqan galinta Heshiiska iyo inaan la baalmarin wadatashi dhexmara Hogaamiyayaasha.

    2-Inaan laga hor imaan awaamirta Dowlada Dhexe, iyadoo aan laga shuureyn asbaabaha kalifay is fahan’darida jirta.

    Maxamed Cabdi Waare ayaa si dadban Hogaamiyaha Puntland ugu baaqay inuu ilaaliyo qodobada dhowrka ah ee laga soo saaray shirka Kismaayo.

  50. Jugle says:

    Si deg-deg ah waa in loogu yeedho dhamaan xildhibaanada kasoo jeeda 5-taas maamul goboled kadibna uu sakiin bilaabo shaqadii uu caanka ku ahaa (mooshin) kkkkkkk

  51. Abwaan deeq says:

    @baalahaa leyska rifahaya

  52. xaange says:

    ciise binu axmed
    War waan soo sidnaa xeeryihii saabka loo tolaye iidoor sal fududaa waxaan siino muu dhawro kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  53. wiil hiraab says:

    hada ka hor qadaafi ayaa marki uu u adkeeysan waayey ficilada carabaha waxa u la baxey magaca malikal maluuk boqorka boqorada hada candha wadaag waxa lo heley madaxweeynaha madax weynayasha kkkk

  54. Abwaan deeq says:

    @MD Farmaajo ha is casilo mar Hadii isago so jeeda @Gaas kursiga kula fadhiistey BOM

  55. wiil hiraab says:

    dareena i galey dadkii berkaasa in dududey anina ki doorsame waloo dorana la sheege deerow widaayo deeroo widaayo ……….

    weerarow dooyow waniine ….. kk

  56. Abwaan deeq says:

    @wiil hiraab

    Warki @Xassana Hadii la eryey maku quusan weyday @Hawiye calooshisa u shaqeyste Iyo tuugo badanaa ma qiyaano qaran uunbaa laga ilaalin karayaa iyagu miyeysan dalka waxku LAHEYN Oo u diirnaxaheyn.

  57. Land of Punt says:

    Farxiyo
    Waa ku salaamay abaayo.
    Maya cidna in cad ka cuno ma rabo iyo ka ciideeyo.
    Waxan ogahay wixii Somalia ka qaldamay.
    Marabo in mardambe Galkacyo nin Xamar laga soo diray oo u diirnaxayn shacabka ka dhigo mid jaban iyo mid jiis ah, gabadhaha ka garciyo, reerbaadiyaha barkada sun ugu shubo, taas dagaal ka xigaa.
    Waadan ogeyn ee Taleex ayaa difaac ugu jiraa in xukumo mid doorteen oo eryi karaan, meesha canshuurtoodii geeyey kula xisaabtami karaan.
    Qaarbaa wadanimo ku gabanaya raba in gobolada ku tuntaan.
    Walaahi inaysan dhacayn mardambe.

  58. wiil hiraab says:

    reer muqdishana canshuurahoda ha u tashadeen candha wadaag meel ay cagaha dhigto o ku gambato ha weeyse yaa lo dowladeeyna xamar kaliyaha kkkkk madiga i dhuuriye

  59. Jugle says:

    hadii uu walaalkaa kaa tabanaayo khalad waa laga gar baxaa ee hadii aadan ahayn tuug ha cararin ee dhibka uu kaa tirsanaayo ka qanci hadii kale adaa cirka roob ku og kkkkk

  60. Dabshid says:

    Heshiiska Ururka Zeko Sacuudi ninka ugu horeeyo oo uu dhaawicidoono waa Axmed Madoobe oo maanta banaanka soo dhigey inuu is waafajiyo MADOOBEYSADA GARKIISA IYO MADAXIISA.

    Af iyo qalbikala soco mar dambe dad kuma siro, wuxuuse hilmaamey ineysan Jubbooyinku aheyn Saxaraha Garowe oo ilaa dowladdii Rayidku Kabid maahane aan laga dheefin canshuur iyo ciidan.

    C/wali Yuulka ayaan Xasuustaa oo kursigiisii uga soo tagey Garowe, hadde Axmed Cadde Gar Madoobe ayaan u baqahayaa.

  61. Abwaan deeq says:

    @Hiraab

    Kolaad nimanka kula maytida ah, meherka raacsiisid
    Muslim badaye seebay Mariam Desigle, ugu macaanaatay?!

  62. wiil hiraab says:

    Abwaan deeq xasan lama eryin e wakhtigi 4 sano ahaa ayaa ka dhamaadey waliba si karaama badan ayuu wadanka wax ugu qabtey lakiin adigu ma aaminsanid o cuqdad ayaa ka buuxda xasan waa ninki dhisey dawladaha maantey doobinaya sida awr qooqan candha wadaagna waa midi isku daydey in ay burburiso dawlad goboleedyada e ku hungoowdey hada waa lagu hareereysanyahey e cidi ay u dawladeeyn laheey iyada aya laga rabaa adiguna iska calaacal

  63. Abwaan deeq says:

    @Dabshid

    Madoobeyso maaha Waxaad moodey Waa black hina halaal waqtigeda alle haku gaarsiyo markaas ayaad Kala baran doontaye.wbt

  64. wiil hiraab says:

    Mecrafoon yar iyo warqad yar o Dicareto ah dal laguma xakumo Candha wadaagna kuwaas ayeey howl ka dhigatey iyo in qarsato Dambiilaha waa weeyn e doolarka ay so qaraabatey ka buuxo … Adeerayal Ragba wax la huwan e yaan leeysku mashquulin e hala kala qaraabto

  65. wiil hiraab says:

    sanadkaan waxa Candha wadaag ku dul doobinaya gaas cawar sanadka xigana mooryaan Xaaf sanadka xigana shariif sakiin wakhtigina kaba dhamaa Candha wadaag kkk

  66. Abwaan deeq says:

    @wiil hiraab

    Waad maqleysa hadalka @raysalwasaaraha ma nihin kuwii qolka so xidhan jirey marki muran siyaasadeed dhaco kuwas waqtigoodii wa laga so gudbay sxb warku haku galo.wbt

  67. Abwaan deeq says:

    @waan @Gaas ciidamada komandosta Ee @Sade lo diraa @Xaaf na Waa in sonkor logu hor yaaciyaa villada isaga iska imaanayee.wbt

  68. wiil hiraab says:

    @ Abwaan deeq kuwa u sheegayo kheeyr laawe e albaabada so xirtey waa iyaga kk

    1 ma aragtey candha wadaag o ka hadleeysa mujaahidki qalbi dhagax o iyagu u gacan geliyeen cadawga xabashida

    2 ma aragtey candha wadaag o ka hadleesa halaaga iyo dhibka maalin kasta ku dhaca shacabka somaaliyed

    3 ma aragtey candha wadaag o dalka ka sameeyneysa mashaaric horumarineed marka laga reebo cuuryaan miya igu sawir indhoole miya igu sawir xabagle miyaa igu sawir waayeel miyaa igu sawir xeebta liido miyaa igu sawir qurba joog miyaa igu sawir qarax miya ka been sheek iyo wax kalo badan

  69. Idoor Liqe says:

    Farmaajo waa weakness president I have ever seen .

    Kaliya wuxuu sameynkara inuu joojiyo heshiisayada maamulada la galeen Caalamka without Somalia central consent .

    Waxaa jira Heshiis caalami ah (territorial integrity) inaan wadan wadan kale arimahiisa gudaha faragalin . !!!!!!!!!

  70. Idoor Liqe says:

    Raga maamulada xukuma waa Ugaas/ Garaad/ Suldaan/Malaaq/ islaan. Waa horjogayaal qabiil
    Oo casri ah . Qabiilna Qaran baa Ka
    Weyn .!

    Raysalwasaare Kheyre waa Halyey qaran lkn odaygii Farmaajo baa fashilmay oo wadaniyadu been bay ka aheyd Iyo Qiiro jaban .

  71. Idoor Liqe says:

    Xildhibaanad Caasha Cabdalle baa yaabtay .

  72. farxiyo says:

    Runta hadii LA doonayo.
    Dalka waxa duminaya,website-ku-dirirka.
    Waar qofba yaanu dhinac u jiboone,iftiinkan Yar ee inoo bidhaamey
    Ma iimaansanaa? Mise qararacda ayey inoogu badisaa.?
    Waar ilaahey KA baqa OO laba shaqsi waxba ma qaban kartee, denbiga yareeysta.
    Bal aduunyada iney aakhir-sabaan,joogto,
    Waxa LAGU faanayaa wax baan duminayaa.
    Bal qof gurigiisa dumiyey,xagguu Ku hoyan?
    Waar qurbaha inagu ma lihin,ee dalkiina dhista.
    Dawlada in LA dhaliilo waxqabadkeeda,WAA sax,waayo dhaliishu WAA toosin.
    Laakiin anigaa reer hebel ah,wax soconaya maaha.
    Faan iyo booto badanaa.
    Ilaahow na caymi.

  73. Idoor Liqe says:

    Labo week Ka hor Baan daawaday wareysi Caasha Cabdalle bixisay oo ay la aheyd Cabdiweli kiniini wuxuu duulaan ku yahay kursiga Farmaajo . Kkkkkkkkk shirkii Kismaanyo baa Ka dambeyey loo doortay hogaamiye kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Sacid hurdaaye Baan maqalnaye , maxaan u bixina Farmaajo ? ……

  74. farxiyo says:

    Waar anigu sheekada hadey halkaas gaadho waan KA dhutiyaaa.

  75. farxiyo says:

    Maahmaah soomaaliyeed baa tiraahda:
    CARUURTU KAL BAQDA/CABSATA, BAY LEEDAHAY,
    LAAKIIN KAL XISHOOTA MA LEH.
    Dhabayaco damiir xishooda ma Leh,laakiin damiir cabsada bay leeyihiin.
    Ujeedkeygu waxa weeye,dhibaatada socotaa
    Iyo kicinta maamulada diciifka ah,iyagaa KA danbeeya.
    Waxanse LA yaabanahay odeygan nacas ka ah ee Axmed madoobe,,maxaa loogu awr-kacsanayaa?.
    Ninka ragga ahi haduu caqligiisa Ku meel Karo khasaare iyo faaiidoba,WAA sax.laakiin waxa ugu daran in nin isagaa ahi karkaarka Ku weydaariyo.
    A/madooboow,kismaayo WAA halbowle,cadowguna WAA badan yahay,Dee hadaad hiinraac noqotey WAA yeelkadaa.
    Caku,ileyn talo isuma kaa sheegto.

  76. farxiyo says:

    Sixid/caqligiisa Ku meel maro
    Sixid.qeyrkaa/asaaga.

  77. Land of Punt says:

    Agoontii Kacaanka iyo qabiilada fashilmay maxaa qaylo ka baxaya! kkkkkkkkkkkkkk.
    Kuwa riyoonaya nin aan Aabow XXXXXXoow nadaadihi, candhuuftaada dib u liq!!kkkkkkkk.
    Ninkaan tuuladiisa quruxsan karin dal inuu qurxiyo cidna ka sugi mayso!!
    Isweydiiya maxaa Dhacabayaco looga daba yuusayaa! maa laga maarmo! Hadday saxare xidlaa joogaan.
    Waan ogahay sababta afka loogu hayo!
    They are real Power, join them if you can´t beat them!!
    kkkkkkkkkkkkk
    Haddii la dhageysto Dhabayaco inay reerka rays naq leh ku furayaan ayaan ogahay!

  78. Dusha says:

    Madaxda shirtay cashar fiican bay siiyeen madaxda federaalka. Waxa ka muuqata madaxda federaalka, inaanaynaba aqoon waddanka ay sheeganayaan inay xukumaan. Marka in la baro waddanka iyo dadka, baaxadda iyo halka uu yahay waa muhiim. Madaxweyne, shaqadiisa ugu muhiimsan waa inay aragtidii waddanka Hagi lahayd isaga ka soo maaxataa, pm kuna waa fuliyihii howsha. Labadaa doorba nusqaan baa ka muuqata. Madaxda federaalka, aragtidooda iyo qorshahahooda fulineed labadaba mugdi baa ku jira, taasina waa karti la’aan iyo hoggaamin xumo. Haddaba, in madaxda maamul goboleedyadu soo farageliyaan si aan crisis weyn u dhicin waa arrin wacan. Hadda waddanka iyo shuruuc da la isku waafaqay ee waddanka isku hayaa waa federaal, dadkii iyo madaxdii saluugsan ha caddeeyeen waxa ay hayaan in federaalka lagu beddelo. Dowlad dhexe ee xoog badan warkeeda waa la hayaa, waa meeshii dhibku ba ka biloowday. Yaan fowdo iyo kala furfurasho cusub la bilaabin. Inta wax La isku raacsantahay oo bedela la helayo ama shuruucda federaalka la dhamaystirayo, halla ixtiraamo waxa la haysto.

  79. xaange says:

    Been idiin sheegi maayee iskuulka waxaa la iiga eryey anigoo yar Buuggii kacaanka oo siyaad Barre ku sawirnaa ayaan indhaha iyo faka qalin ka daray xiisada Kacaankuna waxay ii ahayd sidii nin qof xabsi ku jira marka fasalka lasoo galo. Markii dambana guriga ayaan casharkayga ku qaadan jirey oo waxaa macalimiintii iyo aabbahay isku af garteen in guriga aan ku qaato casharkayga macalimiinta xoogaa loo tuuro.
    Agoontii uu ninkaa ka tagay ayaa 2017 halkan aniga doonaya inay wax iga dhaadhiciyaan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  80. xaange says:

    Farxiyoow
    Talow waagaa ma islaamihii hanuuninta ayaad ku jidhey hadaan kuwa kaa waaweyn ku jirin? hooykukkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  81. farxiyo says:

    Xaange.
    Naceybka kacaanka maxaad Ku keentay?

  82. NUURKANEDERLAND says:

    YAA DHAHA (WAR SIDAN KU WADA SOCON KARI MAYNEE MAAMUL WALBOOW GOONI ISU TAAG KU DHAWAAQ BAL NINKAY UGU BADISO HA LA ARKEE.!!).

  83. Land of Punt says:

    Farxiyo
    Ilosho dhawidaa ma umul baa tahay?
    Xamar sow ma ogid in dhaqaale iyo dhiig reer Puntland ku maqan yahay oo xitaa Dhulbahante yiraado Laascanood waxaa la qabsay markii Cabdulahi Yusuf AUN ragii difaaci lahaa Xamar la aaday si Xamar looga xoreeyo Mooryaantii iyo argagixisadii haysatay. Nalka yar ee Xamar ka muuqda in dhiig u daatay inkastoo Amisom iyo Ethiopian ayana u dhinteen in maanta Sheik Shariif, Xasan Sheik iyo Farmaajo madax qaran oo villa Somalia fadhiya noqdeen..abaal ka dhac.com
    🤒

  84. Land of Punt says:

    Farxiyo
    Xaange wuxuu dhashay adeerkiis oo godka Jilicow ku xiran oo lagu haystay fikir xor ah ma dhiiban kartid asaga book Kacaanka amaanaya aqri la yiri.
    Kkkkkkkkkkk
    Ma kula tahay wixii adeerkiis ka diiday Kacaankii inuu ka yeelayo cidna 2017.
    Waa maya! Freedom for Somali people.
    Caburis dambe iyo basaas dambe oo rag shaah cabaya dhagta u dhiga iyo dowlada ayey xamanayeen loo dilo mardambe dhici mayso.
    Weliba indhahooda oo shanta ah la caayin!
    Waa cusub baa baryey ee tareenka xornimada iyo tuuladaada u tasho. Taas ayaa qaran Somali dhis ah.
    Viva Free Maryooley!
    Kkkkkkkklll🤑😬




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo: Robert Mugabe oo markii ugu horaysay meel fagaare ah lagu arkay
- Nov 17, 2017
Nairobi (Kalshaale) Madaxweynaha dalka Zimbabwe Rober Mugabe ayaa markii ugu horeysay meel fagaare ah ...
Daawo: Garaad Jaamac Garaad Ismaciil oo Ka hadlay Rabshadihii iyo Murankii Ka dhashay Doorashada Somaliland
- Nov 17, 2017
Laascaanood (Kalshaale) Waxaa goordhaweyd warbaahinta Kula hadlay Magaalada Lascaanood Garaad Jaamac Garaad ismaaciil oo ...
MUUQAAL: Warbaahinta oo Dacaayad Ka samaysay Biyo uu doontay TRUMP
- Nov 17, 2017
Ila Qosol :Warbaahinta oo dacaayad Ka samaysay Biyihii uu doontay TRUMP
Daawo Video: Ruushka oo soo saaray Diyaarada Tu-160 oo Duqayn ba’an ka Gaysan karta meel aad u fog (Warbixin)
- Nov 17, 2017
Ruushka oo soo saaray Diyaarada Tu-160 oo Duqayn ba'an ka Gaysan karta meel aad ...
Muuqaal: Jaahwareer Siyaasadeed oo Weli ka taagan dalka Zimbabwe (Video)
- Nov 17, 2017
Nairobi (Kalshaale) Dadka reer Zimbabwe ayaa rajo ka qaba in xal deg deg ah ...

Featured Video