DAAWO: Madaxda maamul Gobaleedyada oo maanta dib ugu laabtay Deegaanadoodii (Video)

Kismaayo (Kalshaale) Madaxda afar maamul goboleed ee ka qeyb galay shirkii Wadatashiga ee magaalada Kismaayo ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanadooda, kaddib markii afartii cisho ee u dambeeyay ku sugnaayeen Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si kala duwan Madaxda Maamulada Galmudug, Koofur Galbeed, Puntland iyo Hirshabeelle ka sagootiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

C/wali gaas Madaxweynaha Puntland ayaa ka degay magaalada Boosaaso, halka Shariif Xasan uu dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, halkaasoo lagu soo dhoweeyay.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isna ka degay Cadaado, halka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa markii uu ka degay Boosaaso ayaa hadal uu siiyay Warbaahinta waxaa uu sheegay in shirkaas uu ahaa mid jawi wanaagsna ugu soo dhamaado, isla markaana lagu sameeyay madal ay wadaagaan dowlad goboleedyad,a taasoo uu tilmaamay in muddo laga fikirayay.

Axmed Ducaale Xaaf ayaa markii uu ku laabtay Cadaado waxaa uu sheegay in wixii tabasho ee ay ka qabeen dowladda Federaalka ay ku soo bandhigeen shirka, ayna rajeynayaan wixii hada ka dambeeya mad-madowga jira wada hadal laga yeesho.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa wajahaya culeysyo siyaasadeed oo uga imaanaya siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo bulshada, waxaana dadka qaar ay ku tilmaameen shirka Kismaayo inuu ahaa mid dirayay fariin ku saabsan sida maamul goboleedyada ay u doonayaan inay maroorsadaan awoodii dowladda.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (34)

  1. Dabshid says:

    Dabshid says:

    February 7, 2017 at 6:02 pm

    Barwaaqo

    Gaas waxaa u daran in MJ waayo labada kursi midkood- Xaley wuxuu la heshiiyey Shiikh Shariif laakiin wali shaki ayaa ku jiro Gaas maadaama Shiikha iyo Reer Garowe horey isugu dhaceen.

    Shiikha iyo reer Xamarna waxaa mideeyo Jaceylka Farmaajo.
    Gaas iyo Xassan waxaa mideeyo – Naceybka Farmaajo.

    Gaas iyo Xassana waxey ku heshiin karaan in Sharma’arke la tuuro oo la keeno ninkale oo MJ ah, kaas oo u badan Cali Warsame waa hadduu Gaas ogolaado maadama Cali noqon karo mustaqbalka Puntland leader halkaasna Gaas ku shuuqidoono.
    Siyaasad waxaad uga samirnaa markey Shiikh Shariif uga soo tagey Farmaajo KAMBALA – NO Saaxiib joogtaa .
    Axmed Cadde – wuxuu ku jiraa moolka webiga (laakiin telephone ayuu olole ka wadaa- soo maadan dhageysan Xanaaqa faroole – I’am busy now mr Faroole I’ll call you late.

  2. Dabshid says:

    Mr BaHaL says:

    February 7, 2017 at 8:19 pm

    Daaroodku maamul goboleed oo waliba iyagu ayay leeyihiin ayay horjooge u noqonkaraan.Masiirka qaranka Somaliyeed laguma aamini karo,wayna ogoyihiin e
    marka horeba wuu iska ciyaarayay Mr Faroole.

    Rag marka lays galo cararaya maaha inay madaxwayne somaliyeed noqdaan.
    Way iska ciyaarayaan..

    Dadmida

  3. Dabshid says:

    Jabhad says:

    February 7, 2017 at 1:16 pm

    Dr faroole

    Wuu ku mahadsan yahay tanasulka uu sameeyey
    Beri dagaalka siyasadeed wuxuu u dhexeya damujadiid oo kaa shanaysa ithopia iyo dhamaan
    Shacabka soomaaliyeed oo dhinac ah insha alaah
    Waa la xoraynayaa villa soomaaliya amxaarada iyo
    Inta hoosjoogtana daadkaa qaadi doona

  4. Dabshid says:

    Dabshid says:

    February 7, 2017 at 1:20 pm

    Faroole Jufo yar oo is wada taqaan ayuu isku wadi waayey iskaba daa inuu gaarsiiyo ONE MAN ONE VOTE, markaas ayuu ku leeyahey markab ayaan ku wadi hawada sare.
    Awalba wuxuu rabey Gole uu ku qaato/helo NAFAQADA taas ayaa qeylada iyo kursi sare haweysiga ugu wacneyd-yacni QEYLIYAA MA QADO.
    iska dhuuq canbaha iyo babeyga qandho ku dishey af Cantalaa leh.

  5. Dabshid says:

    Asaxaabta kalshaale waxaan 6 bilood ka hor ka digney miyaad aragteen maanta.

  6. Dabshid says:

    BARAWANI KING says:

    February 8, 2017 at 11:35 am

    DABSHID

    HARTI DAAROOD, xaq beey u leeyiheen in labada jagooyin ay mid helaan.
    HARTI DAAROOD, geed gaaban iyo med dheer weey u fuulayaan in ay mid helaan.
    Midda kale, haba soo qaadeen FARMAAJO. FARMAAJO waa nin SADE DAAROOD ah. Iska daa wax kale, nin SADE DAAROOD ah, lama socdo FARMAAJO, isagaba daa DAAROODKA kale.
    Marka, meesha ka saar, FARMAAJO. 20 cod heli maayo, oo u badan dumar lacaadifeeyey.
    OGSOONAADAA TALABADAAS, 5 sacaadood baa ka dhiman, ee ha lala socdo.
    WA BILAAHI TAWFIIQ

  7. Dabshid says:

    gaafaw says:

    February 9, 2017 at 11:02 am

    kablalax vs farmaajo
    kenya vs farmaajo
    ethiopia vs farmaajo
    alshabaab vs farmaajo

    maamulka jubbaland waa kadigtoonaadaa,ninkan waayo lama aaminikaro,ninkan beesha absame aad buu unecebyahay

  8. Dabshid says:

    Ali xasan says:

    February 9, 2017 at 8:21 pm

    Majeerteen maxaad farmajo u soo dhaweyn waydeen, musiibo wanaaga ka xumaada baa la idin ku bartey.
    Madaxweyne ma laha, raysalwasaare malaha, bugcada xuntaa waa la is isinks qaadi.

  9. NUURKANEDERLAND says:

    SOMALIYA SHAN DAWLADOOD HALAGA DHIGO
    1=SOMALILAND
    2=PUNTLAND
    3=G/MUDUG & H/SHBEBLE & MUQDISHO
    4=K/GALBEED
    5=JUBALAND.
    DABADEEDNA MIISKA IGAD INA FARIISIYA INAGOO SHAN DAWLADOOD & JABUUTI AH,INAGAA KU LEH..

  10. Dabshid says:

    casoowe says:

    February 10, 2017 at 8:45 pm

    Waagii Xassan Shiekh maxamuud la doortay waxaan xasuustaa in Amaaanta iyo Halyeygii Somalia samatabixin lahaa waa kanaa ay Dadku ku hadaaqayeen, waxyar markuu joogaynay magacyo badan in loo bixiyay.

    Xasan shiikh Maxamuud”
    garguurte+xasan baraf+xasan culus+qoslaaye.

    Hadda Farmaajo waala doortay Dadku waa jilbeysan yahiin, Maxaa xigi doona?
    farmaajo loading……………..
    Hoo Hangoolka

  11. Dabshid says:

    Cadaado says:

    February 20, 2017 at 8:41 am

    Amaal, waad lunsantahay, oo dadka caqliga yar ayaad kamidtahay oo aaminsan in Madaxweeynahiihore Mr. Hassan Shiiq, amaba madaxweeynaha cusub Mr. Farmaajo, uu wax kabadali karro xaalada daanyeernimada ee dadka iyo dalka Somaliya, maya, qofna kama badali karro kalligiis caqliga iyo fashilka is dul saarsaaran ee Somalida heeysta, Afar sanno oo qasaara ah ayaan u maleeyn 4 sanno oo uu Madaxweeyne Farmaajo dalka hogaamin doona. Waana dabbinkii eey cadowga Somaliyeed ee argagixiada alshabaab, iyo cadowyada ee kale ee dibadda eey Somalida larabeen, taas oo ah, in eey 4 sanno odooo kasta eey keenaan Madaxweeyne cusub, iyo dowlada cusub, oo sidaas eey isaga daba wareegto Somalida Koonfureed ee aabahood iyo hooyadood wasay, ee kuwa qarxinaya guryaha ku qarinaya, iyo Somallida waaqooyi ee mooda in eey daanyeeradaan is wasay/is qarxinaya eey dan ugu jirto, taas oo xaqiiqda ka fog.
    God bless Somalia.

  12. Dabshid says:

    Cadaado says:

    February 20, 2017 at 9:04 am

    Amaal, xasuusnow, maantay/caawa, in 2021 eey Somaliya kasii liidan doonta sida uu , xuukunka ula wareegay Madaxweeyne Farmaajo!
    Somalida caqliga daanyeerka ah leh, ayaa loogu sheekeeyaa is badal doon. Dhamaan dadka xukunka u tartamay, oo uu ku jirro madaxweenaha cusub, Mr. Farmaajo, fursad dahab ah ayeey dadka Somaliyeed ka lumiyeen, Somalidana waxeey ku rideen dabinkii lala rabay, ee ahaa, ihn 4 sanno kasta loo keeno dowlad cusub, iyo dad cusub, oo shaqada hogaaminta meel laga mara aqoon, laguna harowsada “waxaad tahiin dal fashilmay, oo aan ilaalino”. Halkii larabay in dowladnimada lajoogteeyo, i,e, oo macnaheedu yahay, in dalka Somaliya iyo Somalida daanyeerda noqday eey isla dad hogaamiyaan. Lana yareeyo is badbadalka, iyo iska daba wareega. Dumb idiots.
    Hadalkeeyga meel ku qora.
    God bless Somalia.

  13. Dabshid says:

    MAALINTII CALEEMO SAARKA FARMAAJO

  14. Dabshid says:

    Mr BaHaL says:

    February 22, 2017 at 10:07 pm

    Wiil ciideed

    Daaroodkii way qaboobeen oo xayraanimadii way ka soo raynayaan,lol.
    Imiga kuyuu ha soo galin ilaa qoraxay.
    Puntland afkiibaa juuqa gabay oo wixii baada ahaa ee la siin jiray wuu dhamaaday.
    Xataa aniga ayaa ka nastay oohintii iyo buuqii wadeen 4kii sano ee inna dhaafay.
    Waan idinka nastay.
    Dadmida

  15. Dabshid says:

    nasra says:

    February 22, 2017 at 10:26 pm

    malaga yaabaa inuu mareexaan maanta soo celiyo somaliya inlayn isagaa sababay burburkii dhacee oo dadkii waalay ee beenta u sheegi jiray uu iska eryo AMA waa inuu isasii kaba raaciyo oo u dhiibo gumaysi cusub waa labadaas
    ninkani hada hadaladiisa maaha qaar wax xumaynaya kaarto kasta haka wadee
    sidii khayra ha la sugo aduunku waa maalmee

  16. Dabshid says:

    Dabshid says:

    February 22, 2017 at 11:20 pm

    nasra

    Mariixaanka waa sameeyeen waxyaabo ku saabsan tarkifal xukun, laakiin badow ayey ka yihiin Gaalo dabo orod iyo Waraaqo Habeenkii lala dheelmado- wey ka faanaan Salaanta Kuukuuyada iyo Axmaarada.
    Sidaad sheegtey cuduro badan ayuu daaweyn karaa Mr Farmaajo, Qaarna horeybey u qaateen Sharoobada Qalbi furka markii la doortey.
    Biladbaan siinlahaa hadduu ka dego HARGEYSA oo uu la soo shaaho shacabka Waqooyi.ileen Xassan wuxuu ka baqey in lagu eedeeyo dhanbuu u xagliyey.

    WARYAA DIIDAN INUU FARMAAJO YAHEY SHAROOBO DAAWEYNKARTO JIRADII HEYSAY DAAROOD IYO ISAAQ.

  17. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin, qaasatan keeydka wararka caaqil Dabshid.

    Isku duuduub, Madaxweeyne Farmaajo, waa kan isagii iyo dowladii dhexe eey go’doon siyaasadeed galiyeen maamulka Garoowe ninka hogaamiya Mr. Gaas iyo daanyeerada kale ee Afarta ah ee kula shirtay Kismaayo.

    Madaxweeynahii hore ee dowladda dhexe, Mr. Xassan Shiiq, waa ka yaqaanay dhaqanka qabiilada iyo qabqablayaasha iyo culumadaba Madaxweeyne Farmaajo.

    Hadii aan soo koobo, weerar siyaasadeed oo cad ayaa lagu hayaa dowladda dhexe, iyaguna waa eey inkirsanyahiin. Weerarkii hubeeysnaa ee arggixisada alshabaabna wali waa socdaa.
    God bless Somalia.

  18. Dabshid says:

    wiil ciideed says:

    February 22, 2017 at 6:07 pm

    Dabshid

    Wax somaliland la dhaho ma jiro waayo ma aqoonsanin hawiyihii naas nuujiyay ee ay ku heshiiyeen Daarood xukunka aan ka ilaalino ma joogo Go’aanku wuxuu ka go’aa digil iyo mirifle iyo beesha 5aad waxayna doorteen Farmaajo marka waxaasi waa iska hantaatac.
    Nolol iyo Nabad

  19. Dabshid says:

    Maanta ma Hawiyaa qabtey shirka Qiyaano Qaran mise Isaaq ayaa ku shiriyey HARGEYSA.

    CAKU SHALEY ayaan Faroole ka bartey

  20. Dabshid says:

    Cadaado

    Ugaas

    qoraalo badan ayaan waayey oo muujinhayey in Reer Bari bilad la siiyo hadey aamusaan Sanad, hadda waxey ku buuqeen 6 bilood ku daheed.

    Axmed Cadde Garmadoobe ayaan u baqahayaa.

  21. Dabshid says:

    KANI WAA WIIL Jariiban ( wiil ciideed ) oo ku eedeyn in dowladda Farmaajo ONLY duminkaraan reer Cadaado ama Guriceel. Aqris wacan

    caku shaley Shirka Kablalax ee Qiyaano Qaran haddaan ogaan lahaa HG ma eedeeyen.

  22. Dabshid says:

    wiil ciideed says:

    February 23, 2017 at 1:50 pm

    Madaxwayne adigaa yaqaana cida aad magacaabi ee hawiye maadaamoo 4,5 uu kugu yareeyay dookha xulasho oo aad Hawiye uun ka dhexbaadhaysay lkn mar haddii aadan magacaabin reer isbaaro ama indho cas xukuumadan waxaan ka filaynaa in ay kula shaqeyso. Dadka kulahaa nimanka koonfurta gaalkacyo, caddaado, Guriceel iyo dhuusemareeb midayn waayay Raysalwasaare sii waxay kula rabeen fashil iyo in mooshin laga keeno bilo gudahood.
    Raysal wasaare Hambalyo hambalyo.

  23. Dabshid says:

    Jabhad says:

    February 23, 2017 at 5:43 pm

    Hambalyo hambalyo raisalwasaaraha cusub waan soo dhowaynaya. Waana u ducaynayaa dhiiga cusub ee soomaali hormuudka u ah aderayal hadaad maqli jirteen mudulood iyo majeerteen ayey xilalka soomaaliya u xiran yihiin taasi waa dhamatay
    Ee nolosha cusub soo dhoweeya lana shaqeeya jiilka cusub ee salaanka siyaasada soo koray ar xasan khayre ii geeya afkiina bara

  24. Dabshid says:

    wiil ciideed says:

    February 25, 2017 at 12:17 am

    Waa ilaahay mahadii mar haddii aanu isku soo dhacnay aniga iyo Gudoomiye Xaad oo aanu isku xukuumad taageeri.
    Ku darso aniga waxaan isku qolo nahay Farmaajo isna waxay isku qolo yihiin Khayre.
    Waxaase labadanada na mideeya oo intaas ka wayn Soomaalinimo.
    Anigu waxaan isu haystay nin da’yar oon qabyaalad aqoonin Odey Xaadna waxaan u haystay odey qabyaaladiiste ah.
    Waxaa hadda ii muuqda in aanu isku dan nahay Aniga iyo Odey Xaad!

  25. Dabshid says:

    XAAD WALI Xukuumadduu taageeraa ee adiga maxaa ku badaley

    Ma waxaad fileysay sidii dowladdii 1988.

    caku shaley

  26. Cadaado says:

    Dabshid, waa sidaas brother, waan ku kalsoonahay aqoonta aad u leedahay reer Barriga, in eey tahay mid sax ah.

    Reer Barriguse waa balaayo, oo shalay waxeey iska dhigayeen niman taageersan madaxweeyne Farmaajo, markii eey arkeen fursadna, waa kuwaas miiska lagadiyay, ee kuligii dhufeeysyadii kasoo baxeen, oo kuu foorinayaan Madaxweeyne Farmaajo, oo ah nin ciyaaraya taxadar, lakiin, taxadarka marar waxaa ka fiican qokfa in uu geesinimo inta muujiyo uu khamaaro, oo uu lasoo baxo geesinom.

    No doubt, in uu Hassan Shiiq kayaqaanay sida loo hogaamiya mahbar iyo agoonta kacaanka iyada oo cadaaladda loo dhawaan.

    Laakiin, xukuumada candhawadaag sida uu wiil Hiraab ugu yeero, waa finish, oo waa kaas iyadii la go’doomiyay, oo daanyeeradii uu kalaheeyn jirray Hassan Shiiq, eey is arkeen, oo qol iskusoo xirteen.
    God bless Somalia.

  27. Dabshid says:

    muna says:

    February 25, 2017 at 1:26 am

    Wiil cideed adigu ma maraxen ayad ahed xaad la garaye mise hawiye iyo daarood aya uga jeeda hada h.d. uga jeedo meqan so arkaynay mid kugu qola iyo mid xaad ku qola micna samayn mayo qabiilku ee wax qabad dhab ah aya lo bahan yahay

  28. Dabshid says:

    xaange oo ku eedaynhayo reer Mogadishu iney fashilindoonaan dowladda Cusub.

    Shirka Qiyaano Qaran ma jirin markaas.

  29. Dabshid says:

    xaange says:

    June 22, 2017 at 7:50 pm

    Waa in dowlada Farmaajo iyo Khayre la fashiliyaa oo miina iyo qarax meel walba la dhigaa oo dhiig badan oo shacab aan waxba galabsan la daadiyaa si loo damiyo nuurkii iyo nolashii yaray ee soo bidhaamaysey mudadii yarayd ee dowladan jirtey.
    Sidaa waxaa aaminsen.
    Qolyo Qabayaaladi madax madhay.
    Qolyo xaaraantii ay xad dhaafka ahayd ee ay u barteen inay magaca dowlad ku cunaan laga laga af qabtay iyo haraadigii damu jadiid.
    Qolyo aan dooney dowlad noocay doontaba ha ahaatee oo xisaab ka carar ah haystana hati badan oo ayna lahayn iyo ama mid bilaa cashuur kusoo gasha sidaa in jaahwareer loogu jirana dan moodey.
    Al shabaab oo iyana hawsheeda wadata.
    Ilaaah baa u maqan dadka Muqdisho ku nool laakiin al shabaab kaliya dhibtan ma wadaan

  30. Dabshid says:

    Tolow qolyahaas uu @ xaange sheegi ma Kablalaxbaa

    su’aal furan

  31. Dabshid says:

    Dabshid says:

    February 28, 2017 at 8:46 pm

    Hal arin oon farmaajo kala taliney waxaa waaye- inuusan ku dhicin gododkuu ku dhacey Xassan Shiikh gaar ahaan – ~is fahanwaagii Axmed Cadde (barasho horteed ha i nicin.)

    Axmed Cadde Waa odey soomaaliyeed oo dadka reer Koofureed sas ka qabin hadda. Howlihiisa u daa oo yaaney ku wareerin walaalaha Galgaduud.

  32. Dabshid says:

    waa talo xumadii aan siiyey madaxweyne Farmaajo.

    Garkiisa madow iyo tintiisa madow ayaan isku qaldey Axmed Cadde, dad badan ayaan ka maqley isku si uma xiiranto tintiisa ee nagadaa qalbi hindiga.

  33. Dabshid says:

    halkaas hanoo joogto ilma KOOMBE KUMADE KABLALAX

    war Carabtu magacyo adkaa

  34. nasra says:

    dabshid

    sidad waxan ku xafidaa waxan shalay qabanay baa qaar naga cararane allow alle




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
DAAWO: Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay murugada ay ka qaadeen qaraxii Zoobe iyo fashilka kuwii fuliyey (Video)
- Oct 19, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay Qaraxii musiibada ahaa ...
Daawo: Qatar Charity oo daah furtay mashruuc lagu gargaarayo dadkii ku Waxyeeloobay Qaraxii Zoobe (Video)
- Oct 19, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Hay’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya oo ka mid ah hay’adaha ugu shaqada badan ...
Maraykanka oo loogu baaqay inuu Cunaqabateyn saaro Burma (Faah-faahin)
- Oct 19, 2017
London (Kalshaale) In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Maraykanka ayaa ...
Hey’addaha Amniga Dowladda Somalia oo Saacadaha Soo socda soo bandhigaya Baadhitaanka Qaraxii Soobe
- Oct 19, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay soo bandhigaan ...
MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey banaanbiixi Xamar Kuna dhowaaqay dagaal iyo Arin culus
- Oct 18, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Khudbad dhinacyo badan Taabanaysa ...

Featured Video