War-murtiyeedka kasoo baxay Shirkii Kismaayo ee maamul Goboleedyadda

Kismaayo (Kalshaale) War murtiyeed ka kooban illaa 16 qodob ayaa goor dhow laga soo saaray shirka Wadarashiga ee Kismaayo ugu socday Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee kala ah Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug.

War murtiyeedka oo goor dhow heshay saxaafada ayaa waxaa qodobada looga hadlay ka mid ahaa arrimaha Siyaasadda, Amniga, Federaaleynta, Dastuurka, Kaalmada Caalamiga, waxaana talooyin iyo baaq loogu jeediyay dowladda Federaalka.

haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtyiyeedka lasoo saaray oo ka kooban ilaa 16 Qodob oo Xasaasi ah

Falanqeyn dheer kadib madaxda golaha dowlad goboleedyada waxay isku raaceen.


1.       Arimaha Siyaasadda : Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada; iyadoo la xiganayo qodobka 52aad (2) ee dastuurka qaranka oo tilmaamaya muhiimaddaa ay leedahay iskaashi ay wada yeeshaan dowlad goboleedyada ayaa goluhu wuxuu isku raacay in la aasaaso golaha iskaashiga dowlad goboleedyada (GIDG).

Goluhu waxay gudoomiye iyo ku xigeen u kala doorteen sannadka koowaad, Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane C/weli Max’ed Cali Gaas (Gudoomiye) iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Max’ed Cabdi Waare (Kuxigeen). Golahan wuxuu ka shaqeyn doonaa horumarinta danaha dowlad goboleedyada oo ay barbar socoto dib u heshiisiin dhab ah oo ku saleeysan heer bulsho taas oo horseedi doonta deganaan iyo xasilooni waarta.

2.       Iskaashi: Asaaska dowladda federaalka waxaa saldhig u ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka oo masuul ka ah in ka badan 90% baaxadda dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sidaa darteed waxa lama huraan ah in dowladda dhexe la timaado siyaasad ku saleeysan soo dhaweyn, iskaashi iyo wada shaqeyn joogta ah oo ay la yeelato dowlad goboleedyada si looga gudbo caqabadaha amni, siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee wadanku ku suganyahay.

3.       Khilaafka Siyaasadeed: wuxuu goluhu ku adkaysanayaa in ay lagama maarmaan tahay sida ku cad qodobka 53-aad ee dastuurka federaalka in wadatashi lagala yeesho dowlad goboleedyada go’aamada masiiriga ah ee sida tooska ah saamaynta ugu yeelan kara deegaanadooda, islamarkaana xallinta is-maandhaafka ka dhasha go’aanada xukuumadda dowladda federaalka lagu saleeyo sida maslaxada shacabka Soomaaliyeed ku jirto oo ay ugu horeeyso khilaafyada hada jira.

4.       Galmudug; sida uu qabo qodobka 50 (g), Goluhu wuxuu ku baaqayaa in la ilaaliyo deganaanshaha dowlad goboleedka Galmudug lagana fogaado faragalin kasta oo keeni karta burbur ku yimaada Galmudug islamarkaana khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay maamulkooda lagu dhammeeyo wada hadal iyo is qancin, iyagana looga danbeeyo xal u helidda khilaafkooda wixii taageero ah ee ay taa ku gaarayaanna gacan laga siiyo. Sidoo kale goluhu wuxuu dhiirigalinayaa in Dowlad goboleedka Galmudug ay dardar galiso wada hadallada kala dhexeeya Ahlusunna Wal Jamaaca ee gobollada dhexe.

5.       Federaleynta; Waxay wallaac ka muujiyeen hab dhaqanka xukuumadda dhexe oo abuuray shaki weyn oo laga qabo in ay jiraan qorsheyaal iyo ku talogallo lagu wiiqayo geeddi socodka hannaanka federaleynta, taas oo dalbaysa in wadatashi siyaasadeed oo dhab ah laga yeesho arimaha federaleynta oo ay ugu horeeyso in go’aan laga gaaro sida sida awoodaha iyo khayraadka loo qeybsanayo oo ilaa hadda aan aragti guud oo mideeysan laga lahayn, ahna waxyaabaha hortaagan in hore loo socdo.

6.       Dastuurka: waxaa si cad u muuqata in xukuumadda dhee ka caga jiidayso in si dhab ah looga shaqeeyo arimaha dastuurka, taas oo ay ka markhaati kacayso sida wasaaradda dastuurka u dajisay hannaanka hawl fulineed ee dib u eegista dastuurka oo aan ahayn mid door cad oo muuqda siinya dowlad goboleedyada waana taas sababta keentay in shirkii dastuurka ee la filayay in la qabto dhawaantan uu u burburay. Sidaas daraadeed waxay goluhu dalbanayaan in la abuuro guddi hawleed xubnahoodu ka koobanyihiin xukuumadda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo ka shaqeeya diyaarinta arimaha asaasiga ah ee u baahan in si hordhac ay uga heshiiyaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ka dibna loogu daro dastuurka.

7.       Xeerarka: Goluhu wuxuu walaac ka muuiyay xeerarka sida joogtada ah ay hay’adaha xukuumadda dhexe u meelmarinayaan iyadoo wali wax heshiis ah aan laga gaarin sida look ala leeyahay awoodaha hawl fulineed ee labada heer ee dowladda (DF iyo DG) waana taas waxyaabaha sababaya khilaafka siyaasadeed ee soo noqnoqonaya.

8.       Talo: Goluhu wuxuu ku talinayaa in go’aamada qaran ee masiiriga ah si daah furan loogu gaaro goleyaasha dastuuriga ah oo ugu horeeyaan goleyaasha sharci dajinta iyadoo mar walbana la xaq dhowrayo doorarka hawl fulineed ee dastuurku siinayo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

9.       Doorashada 2020: wuxuu goluhu shaki ka muujiyay gaabiska iyo wadatashi la’aanta ka jirta geeddi socodka hannaanka doorashooyinka taas oo durbadiiba muujinaysa hubaal la’aanta in doorasho hal cod hal qof qabsoonto sanadka 2020. Sidaa awgeed wuxuu goluhu ku baaqayaa in guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka ay soo bandhigaan hannaan iyo qorshe hawleed wakhtiyeeysan (Road Map) kaas oo qeexaya sida lagu gaarayo xaqiijinta doorasho hal cod iyo hal qof oo wadanka ka qabsoonta 2020 islamarkaana wadatashi dhab ah lagala yeesho dowlad goboleedyada.

10.   Kaalmada Caalamiga: in ka badan qiyaas ahaan 80% culayska amni, bulsho iyo dhaqaale ee jira wuxuu ku dhacaa dowlad goboleedyada islamarkaana 5% wax ka yar ayay dowlad goboleedyadu ka helaan kaalmada caalamiga ah ee dowladda dhexe soo gasha waxaana tusaale u ah in 10,000 ee guri oo dowladda Turkigu ku deeqday aysan dowlad goboleedyadu ka helin hal guri iyadoo baahida ugu badan ay taallo gobollada.

  1. ARIMAHA AMNIGA

11.   Wuu goluhu nasiib darro ku tilmaamay in khilaafka siyaasadeed ee jira uu keenay in laga mashquulo arimihii amniga iyo ka xoreynta dalka xoogagga nabad diidka ah, fursadna siiyay inay sii kordhiyaan xasuuqa iyo go’doominta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed taas oo masuuliyadeeda ay leedahay xukuumadda dhexe.

12.   Wuxuu goluhu isla qiray in uu jiro habac iyo hoos u dhac sii kordhaya oo ku yimid arimaha amniga taas oo ay ugu wacantahay iyadoo sida ciidanka difaaca qaranku u qaabaysanyahay aysan ahayn mid hiiri galinaysa in si wadajir ah oo xiriirsan loo wada hawl galiyo ciidanka qaranka ee dowlad goboleedyada ku sugan maadaama oo ay kla hoos tagaan hogaamo kala duwan iyagoo hal dowlad goboleed wada jooga. Sidaa darteed, wuxuu goluhu dalbayaa in la dardar galiyo fulinta heshiiskii amniga qaranka oo qeexaya in qaybaha ciidamada lagu saleeyo xuduudaha dowlad goboleedyada si hawlgallada ciidanka eek u aaddan sugidda amniga uu u noqdo mid miro dhal ah.

13.   Culayska amniga gudaha in ka badan 80% wuxuu ku dhacaa dowlad goboleedyada hadana wax ka yar 5% ayaa kaga soo aada kaalmada caalamiga eek u aadan arimaha amniga, sidaa darteed wuxuu goluhu ku baaqayaa in si isu dheelitiran loo qaybiyo kaalmada caalamiga ah eek u aaddan arimaha amniga.

14.   Go’aan: kadib markii uu goluhu qiimeeyay qorsheyaasha dowladda dhexe eek u aaddan arimaha federalaynta, dib u eegista dastuurka iyo meelmarinta xeerarka oo dhammaantood sida loo wado ay ka soo horjeeddo hannaanka federaalka, goluhu wuxuu go’aamiyay in si kumeel gaar ah loo hakiyo dhammaan hawlaha la xiriira xeerarka iyo dib u eegista dastuurka ee hay’adaha dowlad goboleedyada la wadaan hay’adaha dowladda dhexe si fursad loo siiyo in go’aan kama danbays ah oo siyaasadeed laga gaaro sida loo wadaagayo khayraadka iyo awoodaha hawl fulineed ee dalka islamarkaana wuxuu goluhu soo jeedinayaa in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu wada hadal dhab ah ka yeeshaan ka gun gaarista arimahan.

15.   Mahadcelin: waxay si wadajir ah madaxda dowlad goboleedyadu ugu mahadcelinayaan, dalalka ciidamada nabad ilaalinta ku taageeray Soomaaliya, deeq bixiyeyaasha, Qaramada Midoobay, saaxiibada beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah oo dhammaantood gacan wax ku ool ka gaysata badbaadinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

      Waxay sidoo kale u mahadcelinayaan madaxweynaha, dowladda iyo shacabka reer Jubbaland oo fidiyay gogosha martigalinta taariikhiga ah ee wadatashiga madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliyeed.

16.   Baaq: waxay ku baaqayaan in la dardar galiyo, tayeynta, xoojinta, qalabeynta iyo tababarka ciidanka Soomaaliyeed si ay awood ugu helaan in ay sugi karaan amniga wadanka. Sidoo kale waxay dareen adag ka muujiyeen qorshaha lagu yareeynayo ciidamada AMISOM kahor inta aysan Soomaalidu diyaar u noqonin in ay la wareegi karaan sugidda amnigooda taas oo haddii ay dhacdo dib u dhac ku keeni doonta ammaanka iyo xasiloonida dalka sidaas darteed, goluhu wuxuu ku baaqayaa in la kordhiyo tirade ciidamada nabad ilaalinta AMISOM si loo xaqiijiyo xoreynta deegaanada wali ku jira gacanta nabad diidka.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (67)

  1. Fardojaan says:

    Qosol Kaliya
    Kkkkkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Kkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. absame boy says:

    kkkkkkkk ha isku tumato . wiilsshii yaryaraaa ee qurbe joogta aha ee dardarta iyo indho isku qabadka aan laga fiirsan jilbaha dhulka loogu dhuftay. wax walba waaloo yeedhiyay sidaa sameeya iyo sidaa joojiyaa ka dhacday

  3. absame boy says:

    ugu dambayn koonfurta somalia-banaadir waxaa madaxwayne ka aha cabdiweli gaas reysalwaasana waa mudane waare.

  4. absame boy says:

    axmed madoobe aya losoi jediyay inu hogaamiyo lkn wuu diiday isagoo ka cararaya in lagu xanto xil raadin buu shirka uqabtay

  5. Wiil Ciideed says:

    Dowlad dhexe intaan loo hanjabin ayaan ka waynay dantaada ku toos.
    Bal hadda yay dowlad u noqon lahayd haddii shantan maamulba kalsoonida kale noqdaan?

    Cajab waxbaa salag leh! socona mayso in dadkii dastuurka qorey oo arka la bad badalo oo ay iska aamusnaadaan.

  6. Dabshid says:

    Alla muxuu Baadow Diyaarad Europe Soo raacey,

    Ma dowladdaa Kalsooni laga rabaa oo dhiibto, mise Barasaab magaalo ayaa dhiibo kalsoonida.

    Governorka Banaadir oo Kalsoonidii kala laabtey Dowladda Dhexe.

    ( Caalamka waa u kala soocanyahii, siyaasiyiinta, Hilibleyaasha, Doctors, bus drivers). Maryooley waxaa kaa xigto Sarwaal iyo shaati inaad xirankarto.

    Hade Fb iyo internet waaba kaabeen.

  7. Fardojaan says:

    Sheekadan waxaay u dhaxaysaa
    Mareexaan iyo majeerteen ama
    Madaxweyne Farmaajo Iyo cawaro Gaas.
    Sidii marxuun Jaale Siyaad iyo Cabdilaahi Yusuf kkkkkkk

    Waxaad maqli doontaan gobolada jubooyinka oo Bare hiiraale dagaal Iyo labokaclayn cusub Ka bilaabay Iyo gudaha kismaayo oo xabadu Ka socoto iyo cagdheertii oo NFD futada Galisay.

    Riwaayadii ugu xiisaha badneeyn hada ayeey bilaabmatay hhhhhhhhh

  8. Dabshid says:

    Ahmed Somali

    Adeer miyaad u jeedaa qodobkaan shaley kuu sheegay ee ahaa-

    Waxey u dig iyo damleeyahiin -qamadiga Xamar ha noo soo marinina ee toos noo siiya ( waxey u mahad celiyeen deeq (sun) dhiibayaasha, waa just idinkaan Kabaha idiin sidnaa.

    File Sool iyo Sanaag ayaa iigu qoran Qamadina waan ku dalban. Kuwaas intey Soomaali ku jiraan Dabo dhilif iyo caade qaate laga waayimahayo. Waliba markuu Wiil Sade Villada joogo.

    Maseyr iyo Mahbarnimo ayaad ku jireysaan ilaa aduunka la rogo.

  9. absame boy says:

    fardojaan. cagdheer siyaasada somalia itoobiya umbaaa ka xidh xidhay oo ka hortagnayd anaguna iyadaan somalia ka hortaagnayn oo xabad madaxa kala dhacaynay oon ka mashquulin jiray marka hada wan is fahanay oo jabartiyoow aynu wax isku darsano somalida iyo xabashidaba utalino ayaan ku heshiinay indhahagana macalin kuu aha inan somali xabashi iyo oromaba kaga dhawaajinay

  10. Fardojaan says:

    Tuugsigii Emaaraatka hada ayaa la iska matajinayno.
    Hhhhhhhh

  11. absame boy says:

    jaahilnimada somalida waxaa kamod aha inaysan siyaasada baab uga duleelin sida kan dabshid wata waxay uhaystaan mar haduu nin madaxwayne ama raysalwasaare yahay inu hadal kuu dhoho ama ficilku sameeyaba sax tahay lagana hadli karin. adeer sidaaa ma aha hadalki madaxwayne kaso yeedha ama talabadu qaado waxa loo eegi dastuur ka iyo sharci ahanshaha sido kale faaidada iyo khasaaraha marka umba laga yeeli ama laga diidi.

  12. Fardojaan says:

    Absame boy sxb
    Idinka Iyo nimankii mareexaan ee jubooyinka Isla Daganaa jambal Yar oo caata ah ayuu idin tuuray cawaro Gaas balse waa waxaad Ka faaiidaan

  13. Garqaad says:

    Asc dhamaan

    Qodobadu tirabanaa oo tayo yaraa
    Nabar aad fileysay naxdin malahan awalba waan ogeyn hogaamiye koxeedyadu in aysan soo sareen wax kheyr leh

    @@ wiil cideed

    Ma waxaad leedahay dowlad awood leh sidaan ayaan nooga fiican?

    Armoow qaran no dhamaa intii aan 5 madaxweyne iyo 5 awodood yeelan laheyn?

    War hooy haleeska daayo qabiil u hiliska

  14. absame boy says:

    dhalinyaradan madaxtooyada la wareegtay waxay qaadeen tabtii damuljadiid ee ahayd federalism la dagalama oo mamulada burburiya marki buuq laga bixi waayana dastuurka badala oo federal halaga takhaluso haday taasu socon waydana ugu yaraan hogamiyeyasha badala oo rag dhaganugul ood ledihin mesha gaysta. adeer taas damuljadiid oo cir iyo dhulba taabatay ayaa laga diiday aakhirkina uhogansatay mamaulada oo talaabo aan qaadin an laga tashan sanadki udanbeyay kadibna ugu dambayn iyadaa mesha lagasaray ee wakhtiga ha luminina oo umaddan wax uqabta. mamuladan duruufo amni iyo dhaqale ayaa haysta hadaydan wax utaraynin ha wareerinina ee qaska kadaaya

  15. absame boy says:

    ugu dambayn federalism waala qaatay hanaanka dawladeed ee dalkoo dhan ayaananku dhisan in lagu dhaqmana waa qasab hadii la in laga laabtana taaloobin aan hawl yarayn ayay ubaahantahay sida
    1. dalkoo la xoreeyo guud ahan
    2. somaliland oo laso xerogaliyo
    3. Tirokoob rasmi aha
    4. Afti dadwayne.

    arrimahasna waxa muuqata inan 20 sanoo dambe xita lagu qaban karin loona soconin marka riwaayada aha soo toos oo federalism la dagaalan waa sheeko gaaban oo kula rogman.

  16. Fardojaan says:

    Dadweeynoow goor dhaw ayaad maqli doontaan gudaha kismaayo oo xabadi Ka socoto

  17. absame boy says:

    fardojaan jubooyinka waa lagu kala adkaaday buuq iyo mudaharad garbaharey iyo doolow wayka dhici karaan lkn ha filan xabad iyo gacmo la isula tago.

  18. Fardojaan says:

    Tuugsiga carabta waa la iska matajinayaa

  19. Dabshid says:

    MJ boy

    Which dastur,

    Miyaad taqaan sida loo aqriyo, Miyaad taqaan cidda ka masuulkaa iyo cidda ansixiso.

    Baararka fafadhiiso, joornaal dhabta saaro, sigaar iska dhuuq dhuuq.

    Caku ninkii Internet nagu sameeyey, iyo midkii Camp qaxooti nagu furey.

    Meeqaan London ku arkey ayagoon magacooda qorikarin Siyaasad ka hadli.

    Land of Punt ayaan ka bartey Geel *** Waxaa siyaasad barey.

    “” xaange ayaad iila socod egtahey wiil MJ.

  20. Fardojaan says:

    Absame boy
    Kismaayo yaa ku kala adkaaday hhhhhhh
    Soo tan sawaaxiligu waardiyeeyo Adeerkaa Axmed madoobe hhhhh

  21. absame boy says:

    shekhaash orod adu qiiqaaga iyo sabta bidhaami maxaa siyaasad kaagalay awowyadaaba iskuma dayyine

  22. Dabshid says:

    Jubbooyinka lama dhaho, waXaa la dhahaa Kismaayo,

    Waa run inta KAARE Kuukuuyo Kista joogo juuq iyo Jaaq majireyso.

    Car Goobweyn ii soo dhaaf. (Deyn- Land of punt).

  23. absame boy says:

    fardojaan kismayo wixi la isku hayay waxay ahyd uu yaaa aha beesha dhexe ee jubbaland waana lagu kala adkaaday runtana lasoo wada taabtay nin an cagdheer lahayn ma hunguriyeyn karo kursiga sare.

    barlamanka firii aqlabiyada
    wasiirada aqlabiyada
    agasimeyasha guud
    dhamaan taliska ciidamada

    sawaxiligu awood alshabaab oo kaliya umbu iga waardiyeeyaa ee arrimo somali dhexdood shuqul kuma laha mana galo duhur cad ban anoo daalan oo dagaal sanad aha xuduuda kaso bilabay ayan ceydhsaday mooryaantii kismayo madaxwayneyaasha sheegtay markas mar an ka tabar yaraaa majirin.

  24. Fardojaan says:

    Ciyaar xiiso leh ayaa bilaabmatay

  25. absame boy says:

    kikuyu way joogi intay uganda joogto hadana ina kordhiyo ayaa kujirtay war murtiyeedka mida kale axmed wu siyaasad fogyahay dhowr jeer bay arrimo isku qabteen isaga iyo kikuyadu oy ugu hanjabeen wanu bixi intu amusay bu addis ka degay laba guuto oo jabarti aha keensaday marka hada hadal dambe kumaso celiyaan oo amarada toos bay uqaataan

  26. Fardojaan says:

    Absame boy
    Reerkiina cagdheer waxaay badhtanka u galayn ciyaar Soo socotay ilaa Iyo 1978 kii hhhhhhhhh.

  27. absame boy says:

    fardojaan aduunka lama socotid ader waad iska hadaaqaysaaaa cagdheer ilaahay unbay ka cabsan sanadadan iyo kuwa dambaba waxba kama taqanid.

  28. absame boy says:

    la dagaalankii itobiya umbaa saaxada siyaasada naga saaray iyo kala qoqob dhexdanada aha tiina waa laga gudbay itoobiyo lala heshiii wiilal qabdahar ku dhashay ayaana hogaamiya ciidamada jubooyinka no more wamo and galti

  29. Fardojaan says:

    Walaashaa iskuma hubtide seedigaa ha Isa seegina ayeey somalidu ku maahmaahdaa.

    Waar hooy’ Cagdheereey arimaha dadka is haya Ka dhex baxa

  30. Fardojaan says:

    Waar Bal dadkan looga taag la yahay tuugsiga carabta arka .
    Hhhhhhh

  31. absame boy says:

    diaspora boys dhaqalihi bay jarteen soo am aha marka qaraabkaasu waa mubaax fil wakhti xaadir kkk

  32. amaal says:

    Asc fiicnanlaheyda inay masmaxdada kakenen hogamiya kooxedyadan isbaheystay waa WAX losoyeeriyay imaraad itobiya Ka dambeyso war halakaco waa inkuwaan looladegala sidii hogamiyakoxed yadii xamar laharay looga xoreyay xamar

  33. ciise binu axmed says:

    ha is raacdo diidee ha is raabsatee daa
    hhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhh

    walaweyn.com

  34. Dabshid says:

    Amaal

    Ama Gaas haka dhigteen Guddoomiyaha Zeko qeybinta, ama Sharma’arke Bad Xaraashe haka dhigteen Qamadi keene,

    4ta Sano ee soo socoto Farmaajo wuu joogaa Villa Xamar, bal aan aragno in Webi ka Jeexmo Saxara Bari.

    Maxaa kuu soo harey Kismaayo, warkeedu waa sahlanyahey, Car Goobweyn soo dhaafa Kuukuyooy.

    ** ilaa Suurka Qiyaamo yeero Maseyr iyo Mahbar ayaad ku jireysaan. Dharlaawe dhar diidey ma aragteen.

    “” ilaa Somaliland soo laabato awalba yaa u fadhiyey midnimo iyo Qarannimo.

  35. xaange says:

    Sheekadu waa dhantahay 90% wadanka anagaa xukuna farmaajo iyo qolada Villada haday joojin waayaan waxa ay wadaan Villada ayaa la isugu iman oo ah meesha ugu dambaysa oo ciyaarta kama dambaystaa lagu qaban doono.
    Inta ka horaysana Madaxweynaha dadban Prof Gaas baa wadanka ka masuul ah inta ay is garanayaan kooxda Villada fadhida ee riyada khayaaliga ah ku jidha dastuurka iyo wax dambe oo ay go’aan ka gaari karaana ma jiro ilaa amar dambe

  36. amaal says:

    Dabshid reerki waxku sobaxday qaran dumiskii laguxaman jiray kol badibiyan kol df minjo xabiyan

  37. C/Raxmaan says:

    Meeshii ugu fiicneyd bay mareysaa ! Waayo waxaa ii muuqata inaan fahmiweynay Furqaanka iyo Daaquudkaba . Waxaasi oo kalena waa xoolonimo . War ma waxaan ka liidanaa Chineese’ka marjaca ka dhigta : JIN and JANG filosophy !

    ” Khadiijo Foodey baa yaabtay “

  38. shaxda says:

    Dawlada Somaliya Oo Lagu Cadaadinayo Iney Xiriirka Ujarto Dawlada Qadar Waawareey
    Iyo In Dawlada Wadatashi La Sameyso Dawlad Goboleedyada Waxwalba Ay Dawlada Deeqaha Soo Galo
    Arka Cararaaay

  39. shaxda says:

    ROODH MAABKII AYAA HURDADA LAGA KICIYAY

  40. shaxda says:

    Waxay Dhashaa Hala Arko
    Qofwalba Tiisaa Ucad
    Farmaajo Imisaanu Laheyn War Ha Aamusnaan Mar Uun Hadal
    Hadda Waxaan Kula Talinayaa Inuu Afkiisa Xidho
    Waayo Wixii Alamtara Soodhaaf

  41. Ali Zubeer says:

    In a nutshell, khiyaano qaran oo loo cumaamadin weeye hadalka Amhara lovers

    Waxaa meesha isugu tagay

    Abdiweli Gaas oo weli diidin xamar looga taliyo welina ka qiiqayo hadhaagii dakaalka sokeeye

    Axmad madoobe oo been u akhrinayay Jubbaland iyo Soomaalida, khaaiinnimadiisii uu qarsan jiray imminka bannaanka keenay ahna askari Xabashi

    Sharif sakiin oo ah askari Xabashi, kuna caan baxay khiyaano midabkay lahaydba oo xuduuda gobolkiisa geeya Muqdisho x Control

    Xaaf oo business iyo dallaalnimo ku caan baxay, background qurux badanna lahayn

    Waare oo UN food and allocation iska raamsan jiray.

    Maxay kula tahay dadkaasi inay ka soo bixi karaan aanan ahayn khiyaano qaran oo la hoos dhigay mooyee.

    Dhinaca kale waa Xoosh oo jabkan horseeday iyo nacastaa villa Soomaaliya joogto oo aragti ka yeelan wayday

    Midnimada Qaranka Soomaaliya

    Aqoonsan wayday Khaatumo State of Somalia

    Ka hadli wayday nijaasta imaaraadka boobaya dekadaha dalka Somalia in the name of investment iwm

    Ciidamada gumeysiga ku haysto qarankan

    Qeexidda aragtidooda federalka

    Qaybinta wixii baryo lagu soo helo iwm

    Dhinaca kale waxaa jira raadkii ay ka tagtay ururkii Damun jadiid oo Somalia u fasirtay hab qabii oo ka baxsan federaalka aanan ahaynna kii kacaankana iyada oo ka tallaabtay wixii la yidhi sax iyo khaladba oo lagu heshiiyay

    Waxaa arrinkaasi ay keentay in muqdi wayn la geliyo dowladda dhexe awooddeeda, tan gobolka dowrkeeda iyo cidda isku xidhaysa

    Haddii qabyaalad wax lagu qaybsado shar iyo khayr lama wada ilaalin.

    Goaanka waxaa uu ku tusinayaa oo kale in Barlamaanka Soomaaliya noqday waxaan jirin.

    Dowladda dhexe mid wax loo yeedhiyo

    Maamul goboladeedkuna yihiin hoggaamiyo kooxeed cusub oo uu ka maqan yahay madaxweyne mideeya

    Haddaan si kale u dhigo Xamar waxaa laga dhigay meel laga guuray oo political orderku maanta yahay maamul goboleedka

    Wax walba waxaa iiga daran fulaygii Farmaajo inuu weli aamusan yahay, hayna road map ummaddan laysugu keeni karo.

    Haddii uu wax tarayo, drunkard xoosh ha caydhiyo si loo badbaadiyo qarankan.

    Somalia Alle ayaa u maqan

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors
    Amhara lovers

  42. BARAWANI KING says:

    ALI ZUBEEER

    War ma laha magaca waad iska soo qaadatay. Shaatigii Iidoorna waa kuu qarsan yahay.

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  43. Ali Zubeer says:

    Barwaani

    Waar ka hadal aragtidaada ha iidoor lahayne.

    Suldaan Ali Zubeer ayuu leeyahay shaadh Iidoor ayaa u qarsan.

    Waan garanayaa dhabta ka hadalkeeda lama dhacsanid.

    kkkkkk

    Viva Soomaaliwayn

  44. Land of Punt says:

    Waadanku waa faderal democracy dhab ah ku xigto, ragaan ayaa matala shacabka goboladooda, dowlad dhexe waxay ahayd inay facility u samayso kana shaqayso danta guud ee umadda Somaliland, udayso arimaha hoose maamulada, deeq iyo dayn waxay magaca umadda Somaliyeed kusoo qaado cadaalad u qaybiso.
    I see good future for Somalia haddii la fahmo whats on the stake!
    Farmaajo oo federal diid ah oo kuwo federal diid ah ku xeeran yihiin warkooda cidna kuma jirto.

    Car Balcad federalka usoo dhaafa iyo Ceelasha biyaha!
    Idinka iyo Ugandesekiinu Villa ku wada jira!
    Maba la fahamsana in Somalia hadda godkii lagu riday kasoo bixi rabto, yaa idinka yeelaya in marlabaad god ku ridaan!

  45. BARAWANI KING says:

    ALI ZUBEER

    ABTI, aniga waxaan taageersanahay FEDERAL SYSTEM.

    MUQDISHU is not my home. MUQDISHU can’t represent as the Capital City of the Great Somalia.

    MUQDISHU sounds like a BARAWE CITY. MUQDISHU was and shall never sound like a city of capital. It is home of some particular inhabitants.

    NINKII MUSLIMKA AHI, LABO JEER GOD ABEESO KUMA WADA QANIINTO.

    We had been taught a lesson that we shall not forget all in our lives.

    ABTI, ma ila socotaa.

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  46. Land of Punt says:

    Dabshid
    Adiga waa hurudaa! Federal macnihiisa ma fahamsanid..ileen waa waxa u diidayso!
    Federal means grassroots powerbase, tuulalada xitaa degmadu wax u yeerin karin.
    Xiriirka waxaa loo jari kara dowladda dhexe iyo tan dowlad goboleedka waxaana xiriirka u jari tuulada!
    Adeer dib loogu noqon mayo nin miciyo hilibka dadka ku cuno leh, xitaa maaha inuu ilko kore leeyahay! Waa in xabad ilig ah lahayn! Muushaari iyo boorash lee cuni karaa!
    All the power from the people. Ninka madaxda ah waa nin dadka keensadeen markay doonaan suuqa u diraan!
    New shining dawn for Somalia

  47. Garqaad says:

    Ali zubeer asc mudane

    Hadalka adigaa dhameeyay xigmad kale looga laaban maayo

    Waxaase dadka ugu liito qof aan aragti qaran ama aragti midnimo aysan ka muuqan hadan dadka fikirkooda ku eedeeyo

    Suldaan Ali zubeer wadanku maanta badbaado ayuu u baahan yahay waan u jeednaa madaxdeeni wey muuqbeleen

    Maxaa diidaayo berito gobalo somaliya kamid ah in ay dhihi karaan waxaan ku biirnay Kenya ama itoobiya?

    Allow maqan somaliweyn indhuhusa mafiicno

  48. Land of Punt says:

    Waxaan kale oo dadka daacad ka tahay wadajir, midnimo iyo jacayl umadda Somaliyeed ka dhaxeeya jecel waxaan idiin sheegayaa ha welwelina anaa war idiin og.

    Federal macne kale malaha waa in xukunka la baahiyo oo hal nin oo corupted ah u gacan gelin oo dalka dhan dhismo, shacabka canshuurta laga qaado kii ka qaaday la joogo, waydiistaan waxa xaq u leeyihiin iyo basic service helaan sida amni, school, shaqo iyo caafimaad.
    Somali waa isku af, diin, dhaqan iyo xidig&xigaalo cid kala qoqobi karta ma jirta oo maanta la jooga ma kala qoqobna!
    Marka biyo qaboob caba ii nasta, don´t worry! federal diid dano kale leh yuu idin hodin.
    For the first time I have fate in Somalia and I dare to dream bright future for Maryooley.
    Good beginning.

  49. Laalays says:

    Waar Armaajo aaway? 😎😎😎🤣🤣🤣

  50. Land of Punt says:

    Ninka ku riyoonaya Somalia oo dhan oo nin Xamar fadhiya steringka u hayo waa nin waxa Somalia ka dhacay ogeyn iyo inta dhulka isku jiro, dhul xitaa tareen iyo isgaarsiin macna leh lahayn.
    waa qof aan dhuuxin maxaa xal ah.
    Waa gurdan raac iyo qiiro jabaan miiran!
    Waxa Somalia deeq lagu guray ilaa maanta Xamar kama soo baxdo xitaa ciidan Xamar amnigeeda suga oo ciidanka shisheeye looga maarmo lama dhisin, idina waxaad ku doodaysaan Somalia oo dhan farta halaga saaro.
    Taas waa raadkaagii dib ugu noqo, waa dad aan ogeyn meesha loo socdo iyo meesha laga yimid ama tuug dano shqsi wata!
    Laalin thanks god, rag wax og ayaa ayaa badan.
    Waa fada ama ha fadaina, waa la idin fadsiin.

  51. Mr BaHaL says:

    Adis waxaa badalay Emaaraatkakkk

    Inyar sii oo hadana ha gaajoodo,ka dhaqaaq wuuu ku raaciye.
    Waa nidaamka lagu dhaqo dadka la yeesho.

    Wax saamayn ah Kuma yeelandoonaan dawlada somaliya – saa awalba Adisbay ku shirijireen

    Laakiin waxaa yaab Emaaraalka ayayba u doodayaan kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Ku shubo,ku kaydso oo ku hadal.

    Dalmida

  52. Land of Punt says:

    Laalays
    Armaajo shaqadoodii loo doortay oo ahayd qaran hogaami oo dastuurka inta ku leedahay ku dhaqan ayuu ka baxay oo asaga iyo kuwo kale federal diid waxay ku bilaabeen dumiya dowlad goboleedka tabarta yar sida Galmudug iyo Hirshabeele, Jubbaland iyo South West dhulka la dhigo ka dibna hooyada federalka Puntland oo keligeed ah lagu goobto.
    Waa lagu fahmay oo laga tashan, buuqa hadduu badiyo xiriirka loo jarin.
    Villa Muqdishu.
    Sxb Somalia crossroads ayey maraysaa, waa in wada saxda lagu ridaa!
    Insha allah

  53. Kalahage says:

    War waxan yaa wada akhriyey anigu waan ku dawakhayee.waxaan ka gartay sandareero ayaan u baahannay iyo beesha lixaadeey na arag waan shirayee.

  54. Kalahage says:

    Warkan waxaa ku xigi doona iyaga oo leh maamul hebel baa nagu soo duulay ma moodaa dad wax fulin kara.

  55. Land of Punt says:

    Laalays
    Idinka waa la idiin soo jeesan marka wadada saxda ah cagta saarno oo mirahaheeda gurano!
    Waxaan idin kugu yeerin Miis awlalkii iyo qaadkii saaran yihiin, idinka ayaaba diidi doonin.kkkkkkkkk
    😆😅
    Viva Somaliland

  56. Wiil Ciideed says:

    Dad waxaa jira soo kaca marka federal diid hadlo oo moodi federalkii la tuuray. Cajab😎

    War dowlad dhexe eed leedahay iyadaa dalka matasha ma mashabka baydhabo, Kismaayo, Garoowe, Cadaado iyo Hiiraan ayaa doortay?

    Dalka aad sheegi in ay hogaamiso yaa u dirsaday miyaysan maamuladu Parliament keensanin iyana dowlada sii dooran?
    Farmaajo haddii maanta intaas caydhiso UNta xataa masoocelin karto. kkkkkkkkkkkkkkk.

    @Garqaad
    Federal systemka lacag iyo dad badan ayaa ku maqan waana nidaamka checks and balance ku fcn oo dictatorship system la isaga ilaaliyo.

    Farmaajo isaga oon Villa soomaaliya dhinac u dhaafi karin ayaa nala tasho laga waayaye maxaad u malayn kii oo xoog u heley maamul goboleedyada? in uu Dhaho Gaas Iyo Axmed baan xidhi miyaad rabta oo dalku god ku dhaco?

  57. Land of Punt says:

    Kalahage
    Pessimiste ayaa tahay, adiga iyo kuwo kale calaacal iyo aduunka ayaa godoomaya ayaa wadaan haddii gobolada tashadaan!! Kkkk
    Dowonyahow gobolada oo nidaam, horumar, kala dambayn ka jirto oo amnigooda iyo service bulshadooda ka adag sida Somaliland, Puntland iyo meelaha kale oo rajo ka qabno in hirgasho, ii sheeg dhibka Somali ugu jirta?
    Qiyaas gobolada oo sida maanta u wada fadhiyaan wixii danahooda ka tashanaya oo qayraadkooda lasoo baxaya, dowlad dhexe oo guud ahaan Somalia u hadasha leh. UK, USA, UAE, India, Germany, Ethiopia, Nigeria, Switzeeland etc. Lamid ah.
    Gobolo ismaamula oo horumar ku tartama noqono.
    Miskiin shalay Xamar unika leh lahaa markii la isdilay oo lakala tegey, la yuusayo maxaa loo kalala tagayaa!
    Wax kala tagaya malaha, ee Xamar, Kismaayo, Hargeysa iyo Bossaso oo ah sida Dubai iyo Abudubay ama New York, Los Angeles ah weeye riyada.
    Adeer toosi luquntaada, and Look the horizen!
    See the light under the tunnel!
    😎

  58. Wiil Ciideed says:

    Marka aan idhi dowlada dhexe ayaa xidhiidhka loo jari karaa rag baa ka dhigey in aan Kitaab gubey.

    War tuuladeyda danteeda is first then gobolkeyga second then again maamulgoboleedkeyda Third Dowlada dhexe is the last of my priorities.

    Aniga awooda Farmaajo qaadan iyo mida Gaas qaadan maxaa iga galay!😎

    Federal: a system which power is decenterlized from the president (if presidential) or the prime minister( if parliamentarian) to the local level just say district or village (constituency) and is the best way to be protected that one person becimes more powerful and then lead the country to a trynnical rule. This form of governments are the most transparent and democratic ones in this century.

    No to inquisition era or Big Brother era.

    Soomaali caqli xun.

  59. Cadaado says:

    Hogaamiyaha Garoowe, Mr. Gaas, waxuu ku guuleeystay in uu go’doomiya dowladda dhexe, oo ah mid iyaga lugta iska toogatay. Madaxweeynahii hore ee dowladda dhexe, Mr. Xassan Shiiiq, inta uu qaarna saaxiibo lanoqday maamulada iyo qabiilada, ayuu qaar kale sida maamulka uu hogaamiya Mr. Gaas go’doomiyay, yareeyayna saamenta uu kulahaa talada dalka. Hadeer, siyaasad xumadda iyo qaab darrada dowladda dhexe dadka hogaamiya dartood, miiska sidii kale ayuu isku rogay, oo dowladii ayaaba hadeer gacan ku gabat ah.

    Lataliyaha madaxweeyne Farmaajo, Cabdiraxmaan Caynte ayaa yaabay 🙂
    God bless Somalia.

  60. Wiil Ciideed says:

    Cadaado

    kkkkkkkkkkkkkkkkk adigu ma dowlad doon baad tahay mise in shacabka Puntland la go’doomiyo ayaa dowlad kuu ah? 😎😎😎

    Farmaajo oo cadaado la fikir ah ayaan dowladnimo ka sugay deedna colaad ayuuba nagu bilaabay kkkkkkk

    Soomali caqli xun

  61. Land of Punt says:

    Wiil ciideed
    Aqoonta alle ku siiyey dadka ma wada laha waxa aragto ma arki karaan, inta aad qortay xitaa hadaad afsomali ku qorto ma fahmi karaan.
    Thanks. That’s exactly what federal means against dictatorial rule=As individual I have power atleast my vote counts and I can influence who will rul my county.. They don’t understand this.
    Badowda fadhikudirirka fadhida qabiil mooda qof meel socda!
    Community is more important than clan affilliations.
    Viva Federal republics of Somalia aka dfs.
    Dowlada.Federalka.Somalia.✌️

  62. Cadaado says:

    Wil Ciideed,
    anniga iska dhaaf shacabka Puntland’e, shacabka Galmudug iyo meel kasta oo Somaliya kamid ah oo eey joogaan dowlad nimo diid, iyo mahbar in la go’doomiya ayaa dowlad ii ah. Shacab maahan waxa aan ka hadlaya.

    Isma oga, laakiin, Abdiwali Gaas waxuu ku ciyaarayayaa mustaqbalka cauurtiisa iyo caruur badan oo Somali ah.

    Dowladda dhexe dadka hogaamiyana, goal ayuu ka dhaliyay.

    Hadeer, ujeedada dhabta ah, ee dad badan oo kamid ah kuwii u qeeylinayay Qalbi dhagax ayaa soo baxeeysa. Laakiin, Abdiwali Gaas, dad badan ayaa u fududeeya marwalba qaska iyo mahbarnimada.
    God bless Somalia.

  63. Land of Punt says:

    Cadaado
    Waa ku salaamay brother.
    Sxb don’t worry Hobyo beach become 3 most beiutiful beach on Earth, according Google foto compitision.
    This picture calls ” morning in Hobyo Somalia”
    Markaan arkay it was breath taking.
    Biyo blue ah, xeeb ciid cad, qorrax iyo roob mahiigaan oo meel fog dhinaca badda hillaac iyo daruur madow kasoo socda..
    Kkkkkkk
    Gal Coogle Earth ” morning Hobyo”
    Haddii aqli jiri laha Somali iyoThailand cid kale ma adeen ee adoo Hobyo jooga ayaa billion dollar qorax iyo bad ilaah ku siiyey gadi lahayd!
    Sida Dubai iyo Bankok.
    Adna waxaad busy ku tahay yeelimaayo in Majeerteen Bossaso keligiis qaato! Ma ogid in wax Bossaso ka weyn haysato.
    Waa Dameero wasooyin Ugandeese darbeeyo marna teendhada geysto.
    By Jugle

  64. Land of Punt says:

    Cadaado
    Walaahi waa kugu wareeraa laba gruub oo Hawiye midka aa tahay!
    Gruub 1. Hadaan Hawiye nahay dan nooguma jirto federal oo waa in sidii Siyaad Barre Xamar oo Hawiye ka taliyo loosoo bariis doontaa, hadaan Hawiye nahay Darood waan ka saarnay caasumadii Dhulkii Somalia bar ka badan degenyihii, wax noo socon mayaan Darood la’aan.. Mareexaan ugu miskiinsan shabaq Darood lagu soo celin karo waxna noo dhimayn= qabiiliste Hawiye.

    Gruub 2, Hadaan Hawiye nahay Somalia waa kala tagtay Isaaq waa goostay, Puntland dowlad kibirtay noqotay, Caasumaddii anaga ayaa nalagu eedaynaa inaan qabiiladii kale ka saarnay anaga wax qaban weynay oo caawa Jareer nagu xukuntaa Xamar oo xaniinyaha nagu jiidayaan magaalayadii, intaan Somali u diinay ana ku heshiin karin, fuck qabiil, waxaan Somali ahayn ima galaan.
    I love Darood iyo Isaaq oo mid Hawiye arkaan ka jecelyihiin mid Darood ah waraystaan. Kkkkkkk

    Cadaado labada groub kaa tahay ma aqaan laakiin aniga qabiil ma iga aha taageerada federalka, waxaan si daacad u aaminsanahay hadaan federal qaadano in my life time arkidoono Somalia Africa ugu horeysa.
    I am not a profet, loo waxyoodo, its from my little brain.
    What I know?
    🤔

  65. Dabshid says:

    Googleka geli, Google war. Dawaco ayaa waxar cuntey, hadaad been moodo Googleka gali.

    War Google waa Web wax lagu qoro SIda Kalshaale com.

    Malaha wuxuu moodaa inuu ninka leh ja soo weriyo Malaa’ig. Google hunter.

  66. Land of Punt says:

    Dabshid
    Waxaan ka hadlayo waa live picture oo lagu tartamayo so daacad ah, qofkii sawirka keenay lagu abaal marinayo 1 milion dolar nr 1 ka, nr 2, 100 thousand dolar, nr 3, 50 thounand dollars,,
    Kkkkkkk
    Google is not a joke.
    Kkkkkkkkkk
    Adiga doqomada Somali oo yaan qabiil hebel wax helin busy ku ah ayaad nr 1 ka tahay!
    Ma aaminsanid in Somalia macal Hobyo barqaawo tahay.. Adiga MJ ayaa nolol haysta in diido oo gaajo laysay oo saxo fadhiya ayaa kuu cad ee wax qabso walaalkaa wax u ogolow liiska kuguma jirto.
    You are dark historynof Maryooley which we hope a will be history. Welcome to golden state of Puntland.
    Miskiin
    🤒

  67. Cadaado says:

    land of Punt,
    Labadda group aad sheegtayba waa sida eey adiga kula tahay. Waana “falaccy, amaba invalid hypothesis”, waa wax aad cabis darteed iskaga dhaadhicay.

    Xamar tag, oo soo arag, in Daarood laga saaray oo eeysan joogin. Nin weeyn oo aanan wax ka’ogeeyn Xamar ayaad tahay, oo aan ka’aheeyn, waxa reerkaaga iyo koox yar oo aanan waxba ku dhaamin kuu sheegeen.

    Hobyo, iyo Boosaaso oo eey dowlad dhexe oo Somaliyeed u taliso ayaa iiga fiican, Hobyo iyo Boosaaso, oo kaaba qabiilo iyo qabqablayaal wiiqaya madaxbanaanida iyo sovereignity ga Somaliya ka taliyaan.

    Hobya ayaad rabtaa in aad igu laaluushta. Ninyahow, dad kale ayaad igu qaldee, sida Xaaf, iyo xildhibaan Cabqiqeeybdiid[oo hadeer dhaqan celintii soo dhameeystay, caqlina u soo gadny] Cali Aloore, iyo daanyeero lamid ah, oo wax uun ku laaluushtaan.

    Annigu ma doonaya in qabiil Somaliyeed la dhibbo, laakiin, waxaan u ogahay sida in aan dhimanaya sida aan u ogahay, ciladda, iyo qaabdarrada Somaliya raadkeeda [dadka primarily kow ka ah abuurida xasarradaha Somaliya, iyo dadka daanyeerada ah ee kaalmeeya qaswadayaasha, manaha ahan ajnabi iyo Ethopia iyo huuhaa]iyo sidii looga bixi lahaa dabinnada marba mid lagu dhacaya, oo hor taagan dowladnimada Somaliya.
    God bless Somalia.




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
MUUQAAL: Xildhibaan Lama Filaan ku dhigay xaflad la isugu yimid C.raxmaan C.shakuur iyo Xubno Farmaajo Diidan !
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Xildhibaan Abdishakuur Cali Mire oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, oo maanta Khudbad ...
Itoobiya oo Israel ka iibsatay Barnaamij ay ku basaasto Shacabka iyo dalal kale
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Warbixin ay soo saareen cilimi-baarayaal waaxda (Citizen Lab) ee ka tirsan Jaamacada ...
Daawo Video: Prof. Cali Khaliif Galaydh “Waxa aan Rabaa Soomaliland loo dhan yahay iyo Muuse inuu Heshiiskii Fuliyo”
- Dec 12, 2017
Hargeisa  (Kalshaale) Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka khaatumo oo Hargeisa ku sugnaa Mudooyinkan ...
Daawo: Wasiir Bayle oo War Farxad leh ka sheegay Guulaha uga soo baxay Shirkii Nairobi iyo Siday wax u dhaceen
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay ...
MUUQAAL+Murugo: Donald Trump oo Soomalida Masaafurinaya iyo Dumar ay Ilmadu ka dhamaatay iyo Waxa dhacay
- Dec 12, 2017
Minnesota (Kalshaale) Qaar ka mid ah qaraabada iyo qoysaska 92 qof oo Soomaali ah ...

Featured Video