Shirkii Madaxda Maamul Gobaleedyada uga socday Kismaayo oo lasoo gaba gabeeyay,Maxaa ka soo baxay?

Kismaayo (Kalshaale) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shirkii Wadatashiga ee u dhaxeeyay Madaxda maamul goboleedyada in xalay la soo gaba gabeeyay, iyadoo maanta lagu wado in la soo saaro war murtiyeed.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxda ka qeyb galeysay shirka ayaa ku heshiiyay qodobo dhowr ah, halka kuwo kalena ay isku afgarteen.

Warar ay  ayaa sheegaya in doodihii dhex maray Madaxda maamul goboleedyada uu ka mid ahaa in xiriirka loo jaro dowladda Federaalka, hase ahaatee la isku afgaran waayay.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa si wadajir ah isugu raacay qodobo ka mid ah siyaasada dalka, sida in laga wadatashado arrimaha masiiriga ah, in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iska kaashadaan amniga, la dagaalanka Al-Shabaab iyo kuwa kale.

Sidoo kale Maamul goboleedyada ayaa la sheegay inay isku raaceen in la soo celiyo Madashii Wadatashiga Qaran ee horay u jiray dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Walaac badan ayaa laga qabaa qodobada qaar ee shirka, oo aan wali si dhab ah loo ogeyn, waxaana jira shaki ku aadan in xaalada siyaasadeed ee dalka uga sii daro, iyadoo Madaxtooyada ay si dhow ula socoto shirka Kismaayo.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (15)

  1. C/Raxmaan says:

    Wasaaradda arrimaha gudaha ?
    Wasaaradda federalka iyo arrimaha Daltuurka ?

    No . Comments

  2. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Hadday madaxdda Maamuladu la yimaadaan wax qilaafsan hoggaanka Dawladda waa inay 20jirow liin-dhanaanta ku dhex cabbaan. Waxaan xusuusina dawladda inuu SHACABKU garab taaganyahay. TELEF. WBT

  3. Dabshid says:

    Col. Hiiraale iyo Iftin Baasto markey saarnaayeen geedaha uu hoos yaaley Kaaraha Axmed Cadde sidaan u muusan dhaqmijirin Axmed, haddase wuxuu ogaadey inuu Villada joogo nimaanba ogeyn Geeliisa Kismaayo Daaqo.

    Wiil waa rèer abtigiis.

  4. absame boy says:

    dabshid barre il-buun iyo farmaajo waa laba nin oo ree balanbale aha wayna garanayaan runtina way arkeen oo dib dambe kismayo logama maqal . barre huuraale walaso qaban karay foostàna waa lagu xidhi karay e kaliya waxa la xurmeeyay ree gedo iyo inta nala maamul aha lkn ree galgaduud banaankan kala maray hada xaqiiiw bay tagtay. kismayo wa magaalo kablalax kuumadaba ha ubadnaade marka yaan riwaayad iyo rajo been aha lagu nolaanin.

  5. absame boy says:

    qoraxdooo kulul oo duhur aha ayaa kismaayo laga tarxiilay barre dibna ugumaso noqon doono balanbale iyo cabudwaq wu yaqana bay ila tahay.

  6. Dabshid says:

    > Waan ogeyn inuusan Madaxweyne Farmaajo ka bixin wax reaction ah -xaraashkii dekedaha Berbera iyo Copycat Boosaaso.

    > Waan kaloo ogeyn inuusan Madaxweyne Farmaajo ka hadlin dhacdadii Qalbi-Dhagax ayadoo waliba Culumo iyo caamo kala duwan ka codsadeen inuu soo farogeliyo arintaas ( Inkastoo uu la Shirey Jufo hoose ).

    > Waxaan kaloo ogeyn inuusan ka hadlin markey Maamul Beeleedyadu taageeren Zeko Sacuudi.

    》Hadey dhacdo inuusan tilaabo nuucey rabto ha noqotee uusan Madaxweynahu ka qaadin arintaan Shirka Qiyaano Qaran ee Kismaayo, oo sidaan horey ugu aragney uu iska jiifo Villa Xamar.

    Hadde Quuraan saar ayuu rabaa waliba siduu dhigahayo sharciga ( President impeachment, there is a quesition= is the president mentally competent to hold the office) wuxuu u muuqdaa nimaan xilkiisa gudan karin.

  7. Jugle says:

    Shirkan waxaa ku midoobay madaxdii xukuntay 14 gobol waana guul somaliyed ee dfs somaliya haka faa’iidaysato fursadan qaaliga ah oo si fiican ha ula xaajooto madaxdan hadii kale waxaa suurogal ah in ladhaho masoo dhaafi kartaan ceelasha biyaha oo ma iman kartaa afgooye iyo balcad ee allow sahal umuuraha

  8. Dabshid says:

    MJ boy

    Hadaad tahey wiil Absame waxaan ku dhihilahaa keebaa Kismaayo u dhow Qoraxey (Axmed Madoobe) iyo Cabudwaaq ( Hiiraale).

    Laakiin su’aal malihid oo waxaa kugu gudban Darbiga Galmudug, ROOTI KABLAXNA WAAD WADATAA.

    Soo Ogaadeen Kablalax maaheyn Waqtigii Faroole iyo Itoobiyaan Afsoomaali ku hadlo la lahaa.

    Horey looma sheekin Kablalax socdo without kaalmo shisheeye.

    Axmed Jees. =kaalmo General Ceydiid
    Moorgan. == Kaalmo Unisom
    C/llaahi Yuusuf =Kaalmo Meles Axmaaro
    Axmed Cadde = kaalmo Kuukuuyo

    ( Dumarkiina qaar u hambeeya Faanka Soomaaliyi waa wada indhee).

    Webka ma waxaa soo galo Chines iyo Bangladesh. CAKU SHALEY

  9. Jugle says:

    Digniin, waxaan madaxda dfs uga digayaa madax-taag iyo is mutixid, dida aan filaayo madaxda dowlad goboledyadu lama iman doonaan wax kabaxsan tastuurka ee waa inay dfs si fiican ula xaajooto madaxdan xukunta 14-ka gobol, waa iga talo

  10. Dabshid says:

    Gaas miyaa maamulo Sool iyo Sanaag_ car Galgalo ha tago iska daa Ceerigaabo

    Xaaf miyaa maamulo Galgaduud – Car Guriceel ha tago iska daa Dhuusa-mareeb

    Sakiin miyaa maamulo Sh/hoose iyo Bakool- Xudur ha tago iska daa Bariire

    Madoobe miyaa maamulo meelaan aheyn Kismaayo Kuukuuyo – Car Goobweyn ha tago iska daa Kabsuumo.

    ileen Hadal iyo FILE QAANAD kujiro AAA madahaan ( File Gaasow iga daa waraaqaha Sool iyo sanaag AF/BARYO laguma maamulee).

  11. Jugle says:

    Wiil absame, indr khaladka waxaa iska leh madoobe waayo somaliya nin kasta meeshii uu qabsaday isagaa iska leh oo wakaas dabshid qaatay caasimadii somali oo dhan ka dhaxaysay ee maxaa meeshii uu madoobe qabsaday kadhigay meel lawada sheegto? Kkkk Waxay ahayd inuu soo kaxaysto kaaraha kukuyo absame oo uu qabsado dhulka barwaaqada ah ee ay hawiyuhu ka xoogayaan biyomaal iyo jareer weyne kkkk kadibna waxay ahayd inuu ubaaqo ina iley oo uu dhaho xaga baladweyne kasoo gali liyuuga iyo walaalaha tigree kkkkkkkkkk

  12. Jugle says:

    Waa ayaan daro kii somaliya ku xaaray inuu maanta dad eedeeyo kkkkkkk

  13. Jugle says:

    Arintan kadhacday kismaayo waa mid looga baahnaa inay qabato dfs balse ay ka seexatay ama ay iska indho tirtay ee maxaa idinla qumanaa in aan lawada hadlin oo aan la heshiinin oo nin kasta xadkiisa xidho? anigu waxaan u arkaa shirkan guul somaliyed ee dfs haka faa’iidaysato oo ragu waxii aan naftooda ahayn way maareeyaan ee haka qanciyeen waxa ay maamul goboledyadu tirsanayaan,

  14. Jugle says:

    Hadii kale waxaa iman doonta: car ceelasha biyaha iisoo dhaaf kkkkkk by land of punt

  15. Jugle says:

    Sxbyaal busy.com ee see you later




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
DAAWO: Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay murugada ay ka qaadeen qaraxii Zoobe iyo fashilka kuwii fuliyey (Video)
- Oct 19, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay Qaraxii musiibada ahaa ...
Daawo: Qatar Charity oo daah furtay mashruuc lagu gargaarayo dadkii ku Waxyeeloobay Qaraxii Zoobe (Video)
- Oct 19, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Hay’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya oo ka mid ah hay’adaha ugu shaqada badan ...
Maraykanka oo loogu baaqay inuu Cunaqabateyn saaro Burma (Faah-faahin)
- Oct 19, 2017
London (Kalshaale) In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Maraykanka ayaa ...
Hey’addaha Amniga Dowladda Somalia oo Saacadaha Soo socda soo bandhigaya Baadhitaanka Qaraxii Soobe
- Oct 19, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay soo bandhigaan ...
MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey banaanbiixi Xamar Kuna dhowaaqay dagaal iyo Arin culus
- Oct 18, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Khudbad dhinacyo badan Taabanaysa ...

Featured Video