Falanqayn: Madaxwaynaha Soomaaliya Iyo Shirka Kismaayo ‘Xoog iyo Xeelad’

Muqdisho (Kalshaale) Madaxweyne Farmaajo labo inuu kala doorto ayaa u banaaneyd, in uu joojiyo Shirka Kismaayo ama in uu ka qeybgalo, labadaasi wax ka dhexeeya oo doorasho fiican noqon kara ma garan karo!

Labadaasi tillaabo kala doorashadeedu waa mid ku xiran hadba tan uu awoodo, hadii aadan joojin karin Shirka, adoo shir guddoon ka ah oo tallada wax ku leh, ayaa xakameyn kartaa in ragaadku fogaado! kadibna waxa abuurmi kara jawi wadatashi.

Hore waa u dhici jirtay Khilaaf soo kala dhexgala Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada qaar, Laakiin hada maamulladii oo dhan baa la is haya oo shiraya, ma’aqaan siday ku dhacday in Dowladda aysan mid ama labo ku yeelan dowladd gobolleedyada!

Hogaamiyayaasha shiraya waxay metelaan in ka badan 10 Gobol oo ka mid ah 18-kii Gobol ee Soomaaliya, hadii aan si kale xisaab ugu sheego waxaa ka maqan Gobollada Somaliland la baxay iyo Gobolka Banaadir oo keliya! Ma ahan aqlabiyad la inkiri karo!

Markay halkaasi joogto Siyaasadu waa Xoog iyo xeelad labadaasi wax u dhexeeya haday jiraan idinku ii sheega? Hadii uusan xoog suuragal aheyn Siyaasad ahaan iyo Farsamo ahaan, fursada furan waxaan u arkaya xeelad in wax lagu xaliyo oo la isu tago.

*- Waxaan Xasuustaa Madaxweyne Shiikh Shariif oo Garoowe ka degay isagoo ka qeybgalaya Shirkii Dastuurka, markii Puntland Warbaahinta ka sheegtay in shirku Beri furmayo xitaa hadii aanay iman Madaxda Federaalka.

*- Doorashadii Jubbaland markii Baarlamaanku uu doortay Axmed Madoobe, iyadoo xiligaasi aysan isku fiicneyn Madaxweyne Xasan iyo Madoobe oo xitaa la isku qabtay qabsoomida Doorashada, hadana Madaxweyne Xasan wuu tegay Caleemasaarkii iyadoo su’aal ka taagneyd in uu tegayo iyo inkale?

*- Xiligii doorashada 2016-2017 markii 4.5 la isla qaatay Madaxweyne Gaas iyo garabkii diidanaa 4.5, iyagoo Gobollada ay metellaan loogaga kacsanyahay oo dibad baxyo socdaan ayeey tageen shirkii Madasha ee Muqdisho.

*- Madaxweynihii hore ee Galmudug Guuleed iyo Madaxweynaha Puntland Gaas, iyagoo ciidanka labada dhinac isleynayaan ayeey isla fadhiyeen waxay ka tashadeen sidii ay nabad u gaari lahaayeen.

*-Wadahadalka Somaliland wax-badan ayeey ka tanaasushay Dowladda Federaalka.

Xasuustaydu waxay ii sheegaysa in Soomaaliya heerkan kusoo gaartay wadatashi iyo isfahan, ma jirto hogaamiye siduu u rabo wax walba u hirgalaan heer Federaal iyo heer maamulba, labada dhinac maamullada iyo Dowladda dhexeba tanaasulka waa laga rabaa.

Hada hadii wax walba dhaceen lanna kala fogaaday oo ay maamull gobolleedyadu dhexdooda ka sameysanayaan hogaan, Tallada xigta waa in Dowladda ay Shirka Kismaayo kadib gogol dhigto Muqdisho, la wadatashado la isi saxo, waa in wixii la isla ogolyahay laga wada shaqeeyo wixii kale ee la isku hayona laga wada tashado oo ay ugu horeyso qodobada Dastuuriga ah ee dhinacba si u fasirtay!

Qaranimadii iyo Dowladnimadii Soomaaliyeed wa sida gacan dabbin inooga dhacday, xoog ama degdeg hadii loo soo dhufto gacantu wa go’aysaa, waxay u baahan-tahay Basar iyo Xeelad in loo soo saaro!

Waxba ina taramayso in aad Muqdisho iyo Kismaayo kala fadhidaan, oo dadka idinla kala safana ay noqdaan Mucaarad dhega la’a oo wax duminaya iyo Muxaafid indho la’a oo wax difaacaya.

Kolay waa isu iman doontaan oo waa heshiin doontaane, in la idin heshiisiiyo idinkoo garba siman ah waxaa ka doorataan in aad heshiisaan idinkoo tixgelin, xurmo iyo kala sareyn sharci isu haya.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (9)

  1. Muslimo says:

    Farmaajo iyo Khayre hadayan iska celin karayn gaas iyo Ina Abdirashiid dee xillka hawdhiibteen hamaamuleene. Maxay tahay Madaxweynahaan iyo Raiisul wasaarahan gorodda laad laadinayo oo dalkii ay masuulka ka yihiin oo lagu dul gargortamaayo, habro iyo odayaan beer bisil kala goon karayn oo u hanjabaaya iyagoo qabiil ku faanaayo oo la garanayn guulahay sheeganayaan goortay gaareen aan ka ahayn goblan adduun naar aakhiro ka ahayn taariikhi qoran. Maamul dowlad maaha!!! Guddoomiye gobolna Madaxweyne Dal maaha. Ee Farmaajo kor eeg Khayre waad dhiiran tahaye dhegaha ka garaac nimanka isa siinaayo awood aysan lahay oo idinla ficiltamaaya.

  2. C/Raxmaan says:

    Farmaajoow ama carar ama caymi !

    Qaranku ma aha hobolada waaberi iyo ururka hooyooyinka buraanburkooda . Xaafadaha Xudur , Xamar bay la xaquuqyihiin .

    Afgooyaa yaabtay .

  3. C/Raxmaan says:

    Aabbe 4 gabdhood ha la ii dhiso hal mar ayuu yiri geeljirkii kibray . Adeerkii ayaa yiri : Adeer waan kaa yeelnay , lkn 4 maalmood oo isku xigta ayaa laguu kala mehrinayaa 4’ta gabdhood ! Hase ahaatee adeerkii ayaa waxuu la hadlay gabadhii koowaad , kuna yiri : Naa hadduu ninkaasi NAF la soo kaca berito aroortii , ogsoonow in lagu mehrindoono naag kale oo kula qaybsato ! ( Maadaamaa ay gabadhu tahay inan reer miyi ahna waxuu u sii raaciyey , adeer iska adkeyso k.k.k.k.) . Sidii ayey yeeshay gabadhii aqliga badney . Oo habeenkii oo idil ayey ku haysay : Soo soco k.k.k.k. Illaa uu aakhirkii tabar-beelay geeljirkii , hurdana la dhacay . Aroortii hore waxaa soo garaacay gurigii arooska ADEER MAHLIL’IIL kuna yiri wiilkii : Adeer soo labiso oo soobax , waxaan kuu mehrineynaa gabadhii labaade . Wiilkii oo qaati taagan baa yiri : Adeer naga dhaaf TANAABA ka badan reerkaanagoo idile . K.k.k.k.k.
    ——-
    Hadda Farmaajo iyo kooxdiisa ma Wardhiigley baa ku filnaatay : Aheey , ah . Indhahaa / maskaxdaa laga abaaroobay .( Raali gelin tusaalaheyga xun )

  4. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Walwalka akhyaar badan waa wax lagu diirsado BALSE yaysan naga hoos bixin inay madaxda Maamulladu yihiin RAACIYO qasabna ay ku tahay BARYO la’aan inay ku daba faylaan Dawladda. Waxaa caado noo noqotay inaan sinno Dawladda & Mamulada TAASOO ah qalad WEYN. WBT.

  5. Ahmed Somali. says:

    ASC.
    Mudane Beeldaaje C/Raxmaan, ka warran hadduu Farmaajo faraha la galo shaqada Baarlamaanka ama Maxkamadda sare? (hadday jirto), sow Dawladdune lama mid ma aha?. WBT

  6. Dabshid says:

    C/Raxmaan

    Kkkkk

    Allaha Waaxidkaa ayaan ku dhaartaye, sheekada wiilka geeljirahaa intaan qorey shaley ayaa Trainkii aan saarnaa iga dhumiyey,

    War ma abtibaad ii aheyd.

    Adeer midaan ayaa reeroo dhan ku filan ee geela xerada noogu celi.

    Waa sidaad sheegtey, Villada ayaan ku qanacney ee Kismaayo maxaa kayaal.

  7. C/Raxmaan says:

    Dabshid k.k.k.k. War afkaagaan kala baxay . Soomaali oo idil soow wiil iyo Abtigii ma aha .

    @: Axmed Somali mudane anagu waxaan naqaan madaxweyne wax-walba fuliya , waana sababta aan madaxweynaha ugu bixiyey ” Macangagweyne ” hadduuse ARMAAJO qaybiyey hawshii waa isla iyadiyoo dacayan . Dadkuse kan la doortay ayey la xisaabtamayaan .

    lkn mudane miyeysan wasaaradda arrimaha gudaha aheyn madaxa maamulgoboleedyada . Maxayse kala socotaa shirka Kisnaanyo .

  8. Garqaad says:

    Asc dhamaan
    Dowlada dhexe wexeey go.aansatay in ay afka xirtaan sax iyo qalad wixii wadanka ka dhacaayo

    Hadii reerka dhexdiisa dhibaato ka dhacdo inta badan eeda waxaa lasaraa odaga

    Farmaajo waa odaygii reerka marwalbo eeda kobaaad isagaa leh

    Mudane farmaajo manaan moodi jirin in uu sidaan u jilicsan yahay

    Tolow yow lasugayaa howshaan

    Alla maxaan soo taagnaa xasan sheekh oo marar badan qaadanaayo go.aano qaldan isagoo xal raadinaayo

    Maxaa u diiday mudane farmaajo in uu go.aano qaato wexey u dhaami laheyd aamusnaantan badan oo bilaa mecnada ah

    Waxaa ii muuqato somaliya in aysan weli helin hogaankii saxda ahaa

  9. khaatumo haanoolaatoo says:

    haduu aammus doqoniino dhalay
    hadalna eedkenay tolow
    yaa wax lagu eedboxo
    oo aada garanaaya
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
DAAWO: Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay murugada ay ka qaadeen qaraxii Zoobe iyo fashilka kuwii fuliyey (Video)
- Oct 19, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay Qaraxii musiibada ahaa ...
Daawo: Qatar Charity oo daah furtay mashruuc lagu gargaarayo dadkii ku Waxyeeloobay Qaraxii Zoobe (Video)
- Oct 19, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Hay’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya oo ka mid ah hay’adaha ugu shaqada badan ...
Maraykanka oo loogu baaqay inuu Cunaqabateyn saaro Burma (Faah-faahin)
- Oct 19, 2017
London (Kalshaale) In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Maraykanka ayaa ...
Hey’addaha Amniga Dowladda Somalia oo Saacadaha Soo socda soo bandhigaya Baadhitaanka Qaraxii Soobe
- Oct 19, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay soo bandhigaan ...
MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey banaanbiixi Xamar Kuna dhowaaqay dagaal iyo Arin culus
- Oct 18, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Khudbad dhinacyo badan Taabanaysa ...

Featured Video