Dhegayso: Dawladda Somalia “Dalkan waa la wada leeyahay cid kasta oo naga Aragti duwan waan la hadleynaa”

Muqdisho (Kalshaale) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya mudnaanta koowaad siineyso arrimaha dib-u-heshiisiinta.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in wax yaabaha leysku hayo yihiin kuwo kala gadisan laakiin guud ahaan marka la eego u baahan in laga wada hadlo si leyskula meel dhigo.

‘’Colaad ayaa jirta, siyaasad ayaa leysku hayaan, Kheyraadka ayaa sidoo kale ka mid ah wax yaabaha muranka ka jiro, dastuurka iyo awood qeybsiga intaba waxaa ay ka mid yihiin waxyaabaha taagan ee u baahan in laga wada hadlo oo laga heshiiyo’’ ayuu yiri wasiirka.

HALKAN KA DHEGAYSO GO’AANKA DF-SOOMAALIYA 

Waxaa uu sheegay in dowladda ahmiyad gaar ah siin doonto cid kasta oo aragti kale qabta, isaga oo sheegay in dowladnimo tahay mid la wada leeyahay sidaa daraadeed muhiim tahay in la wadda hadlo.

‘’Cid kasta oo naga fikir duwan oo naga maqan ama xabad nagu soo rideysa diyaar ayaan u nahay in lala hadlo waayo dalkan waa la wadda leeyahay cid gaar u leh ma jirto, sidaa daraadeed in la wada hadlo oo waxyaabaha markaa taagan laga heshiiyo waa muhiim’ ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirka arrmaha gudaha.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xili uu jiro madmdow siyaasadeed oo soo kala dhaxgalay dowladda dhexe iyo madaxda qaar ka mid ah maamul gobolleedyada dalka ka jira oo hadda ku shirsan magaalada Kismaayo iyo Ururka Al-shabaab oo dhinaca kale dagaal ku la jira dowladda.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (2)

  1. Kamaal Adan says:

    Wasiir juxa waa wax wanagsan inlala hadlo mamulada balse waxan aad ula yabay markey dhaheen wax walba anaga qabaneyna.
    Dawlada dhexe waxey qaban laheyd o dhan ayey kusoo sareen war murtiyeed kusheegii.
    Hal qosob kaliya ayana igasoo baxay iney ula jeeden kaas o ah inan dawlad dhexe jirin o iyagu dalka dhan xukumaan!!!!!

  2. Hiilqaran says:

    Waarun dalka waa lawada leeyahay lakiin shaqadaa lakala leeyahay oo nimankaa mamul goboledyadu waxaaneey shaqa ku laheen ayeey ku dhexjiraan marka waa ficnaan laheed in runta la isu sheego la isuna garaabo oo mamul goboledyadu iska daayaan fara gelinta eey dowlada dhex ku hayaan oo cid walba shaqadeeda loodaayo wbt




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
MUUQAAL: Xildhibaan Lama Filaan ku dhigay xaflad la isugu yimid C.raxmaan C.shakuur iyo Xubno Farmaajo Diidan !
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Xildhibaan Abdishakuur Cali Mire oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, oo maanta Khudbad ...
Itoobiya oo Israel ka iibsatay Barnaamij ay ku basaasto Shacabka iyo dalal kale
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Warbixin ay soo saareen cilimi-baarayaal waaxda (Citizen Lab) ee ka tirsan Jaamacada ...
Daawo Video: Prof. Cali Khaliif Galaydh “Waxa aan Rabaa Soomaliland loo dhan yahay iyo Muuse inuu Heshiiskii Fuliyo”
- Dec 12, 2017
Hargeisa  (Kalshaale) Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka khaatumo oo Hargeisa ku sugnaa Mudooyinkan ...
Daawo: Wasiir Bayle oo War Farxad leh ka sheegay Guulaha uga soo baxay Shirkii Nairobi iyo Siday wax u dhaceen
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay ...
MUUQAAL+Murugo: Donald Trump oo Soomalida Masaafurinaya iyo Dumar ay Ilmadu ka dhamaatay iyo Waxa dhacay
- Dec 12, 2017
Minnesota (Kalshaale) Qaar ka mid ah qaraabada iyo qoysaska 92 qof oo Soomaali ah ...

Featured Video