DHEGAYSO: C.wali Gaas oo ka hadlay Waxa ay isku Hayaan Dawladda Dhexe, iyo Shirkii Kismaayo kusoo dhamaaday

Kismaayo (Kalshaale) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan shirkii Kismaayo kusoo dhamaaday iyo sida uu noqon doono Xiriirka dowladda iyo Maamul Goboleedyada xilli uu wareysi siinayey Idaacadda VOA qeybteeda Afka Soomaaliga.

Cabdiweli Gaas ayaa la waydiiyey dhawr arrin oo ay ugu muhiimsaneyd qodobada laga soo saaray Shirka iyo haddii ay Dastuuka Waafaqsan yihiin, sidoo kalana waxaa wax laga waydiiyey go’aanka kasoo baxay kadib haddii ay dowladda Soomaaliya wada hadal la yeelan doonaan.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay inay iyaga mar kasta ku taagan yihiin Dastuurka isla markaasna ay diyaar u yihiin in lagu dhaqmo, wuxuuna sheegay inaysan is dagaashaneyn dowladda iyo Maamul Goboleedyada balse la iskum fahmi la’yahay arrimo uu ku tilmaamay inay yihiin Masiiri.

HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSIGA C.WALI GAAS BIXIYEY 

Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale sheegay inay dowladda Soomaaliya mar kasta wada hadlaan isla markaasna aysan diidaneyn wada shaqeynta Dowladda.

Mar wax laga waydiiyey dhibaatada ugu jirto inay taageeraan go’aanka dowladda ee dhex dhexaadnimada ah iyo haddii ay wax faa’ido ah ku qabaan taageerada ay u muujiyeen Imaaraadka ayuu Gaas sheegay inaysan dowladda dhexe Arrinta Khaliijka dhex dhexaad ka aheyn balse ay la safatay dalka Qatar sida uu hadalka u dhigay.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (43)

  1. sOmalilander says:

    Cabdi wali gaas wuxu qaadayaa heestii ahayd.

    *I believe I can fly*
    *I believe I can touch the sky*

    Ahahaha.

  2. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin.
    Hogaamiyaha Garoowe, Mr. Gaas, waa munaafaq, waxuuse helay;
    1. Dad kale oo isaga kaliita reer ahaan, iyo dad ahaan, sida hogaamiyaha murankka kataaganyahay hogaamintiisa ee Mr. Xaaf, ninkaan cusub ee usbuuc kahor loo doortay hogaamiyaha Hirshabeele, Mr. Waare, iyo hogaamiyaha Jubbaland, oo Kisaamo hareeraheeda u fadhiyaan argagxiso alshbaab, iyo qabiilo eey is hayaan.
    2. Waxuu kaloo helay, Mr. Gaas, dowladda dhexe dadka hogaamiya Madaxweeyne Farmaajo iyo ra’iisalwasaare Kheeyre, oo ah dad lugta iska toogtay, kadib markii intii eey sidii xukuumadii hore ee uu hogaaminayay Madaxweeyne Hassan Shiiq, eey saaxiibo dhow la’ahaan laheeyd maamulada dhismay sida Galmudug iyo Jubbaland, taas oo ka dhigtay maamulka Puntland ee Garoowe mid go’doon ahaa, oo saameeyn weeyn ku laheeyn siyaasada dowladda dhexe, laakiin, mid taas kaduwan ayeey sameeyeen Madaxweeyne Farmaajo, iyo lataliyayaashiisa oo uu ugu horeeyo Cabdiraxmaan Caynte. Oo waxeey sameeyeen in eey mideeyeen maamulada qabiilada, oo Puntland inta kasoo baxday go’doonkii, eey hadda go’doon siyaasadeed, iyo qaska lagu sameeyay dowladda dhexe.

    Kaaga darrane, dowladda uu hogaamiya madaxweeyne Farmaajo, waxaa dhexda ka fadhiya, oo miiska fadhiya, rag iyo dumar u daacad ah qabiiladooda iyo maamuladooda, kuwaas oo u iljabinaya hogaamiyayaasha maamulada gobollada. Wasiiradaas waxaa ugu horeeya wasiirka arrimaha gudaha Mr. Juxaa. Waxaa kaloo jirra wasiiro maalaayacni ah, oo qabiilo yaryar iyo kuwa qabiiladooda mooryaan dowladda dhexe kasoo horjeeda ah, sida wasiirka arrimaha dibadda Mr. Yuusuf Garaad. Kuwaas oo aan muruq siyaasadeed kusoo kordhihn doonin dowladda dhexe marnaba.

    In uu munaafaq yahay ninka hadeer doonaya in uu inqilaabo Madaxweeyne Farmaajo, waa Mr. Gaas’e, kulahaa saaxiib ayaan nahay Madaxweeynaha, sidoo kale, waxuu dhahay waxaan xukunaa Balcad afkeeda, iyo Afgooya afkeeda. Sidoo kale, waxuu dhahay Mr. Gaas, waxaan masuul kanaha amniga boqolkiisa 80 dalka Somaliya, sidoo kale kulahaa, boqolkiiba 5 kaliya ayaa nalasiiyaa waxa lasoo tuugsaddo, markii uu ka hadlayay “shared responsibility and shared resources” Waa maraq kula daarasho waxa uu waddo Mr. Gaas, laakiin, waa u gaartay.

    Marmar ayaan is iraahdaa waxbaa kajirra, in reer Garoowe eey aaminsanyahiin in eey xaqa u leeyahin in eey ku fadhiistaan kursiga uu ku fadhiyo Mr. Farmaajo/Mareexaan, sababtoo ah, Majeerteeku waxeey lamacaamiltameeyn muslin iyo gaal, oo eey dalaal iyo waxkala doorsasho lagaliyaan muddo dheer, halka, qabiilada Somaliyeed badankood, waa agoonta kacaanka’e, eeysan awoodin in eey si qabiil ah u abaabulnaadaan, si dowladnimo, oo ah jidka kaliya ee banaana’e, loo diidanyahay. Basically, waa baab’in lagu hayo agoonta kacaanka.

    Tusaale, hogaamiyaha muranka kataaganyahay ee Galmudug, Mr. Xaaf, waxuu miisaan u yeelayaa Abdiwali Gaas, isaga oo is leh, dan ayaa kuugu jirta, laakiin, barta uu taaganyahay isaga oo taagan, Mr. Xaaf, dadka uu leeyahayna meesha eey taaganyahiin iyaga oo taagan, ayuu tuuri doonaa Mr. Gaas, marka uu danta uu kaleeyahay ka gaaro Mr. Xaaf. Si, lamid ah, maamulada kale, waa ku qaldanyahiin in maamul iyo dad had iyo jeer doonaya in dowlad Somaliyeed eeysan dhismin, iyagana moodaa, maamulkooda qabiilka maadaama u dhisanyahay, eeysan u baahneeyn dowlad Somaliyeed, in eey garab siiyaan mahbarka.

    Raali ahaada, waan dheereeyay faalada, laakiin, waxaan is dhahay dadka lawadaag meesha eey u socoto inqilaabka laraba in lagu sameeyo dowladda dhexe. Waliba waxyaabo badan ayaan ka tagay.
    God bless Somalia.

  3. Fardojaan says:

    Farmaajo Iyo raysal wasaare Kheyre
    Hadii ay rabaan in xukumadooda culuyska
    saaran uu Ka yaraado’waa in ay si dagdag ah u aqoonsadaan Dawlad goboleedka khaatumo state.
    Markaas ayaa la arki lahaa cabaad badan oo baxaya

  4. khaatumo haanoolaatoo says:

    @cadaado
    warki o kooban meeshan waxa kushiray Daayeero kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  5. amaal says:

    Asc koxda malafsi& maxaan cunaa uhorjogaha uyahay gaas weersho xaqa allah tuso

  6. amaal says:

    Asc cadaado ishaad kariday kķkkk

  7. Wiil Ciideed says:

    Dowlada dhexe yaa shacab ah oo doortay maxay tahay sharciyada ay ku faaneyso ee aysan haysan dowladii Xasan Sheekh hogaaminayay?

    Cajab! war anagaa wax aragnay nin aan gurigiisa dhaafi karin oo raba in uu guryo islaameed maamulo.
    Dadka qaar ayaa codowgiisa koobaad u arka walaalkiisa soomaaliyeed aanana kale garan karin aan isdilno iyo aynu wado xaajoono.

    Soomaali caqli xun.

  8. xaange says:

    Somalilander
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Walaahi waad la heshay wuxuu qaadayaa
    I believe I can fly
    I believe I can touch the sky
    I think about it every night and day
    Spread my wings and fly away

  9. Wiil Ciideed says:

    Amaal muxuu isha ka riday ma beentan uu malmaluuqay ee cuqdadaysan.

    Puntland goorta ay wax cadaado ka haleysan ayaanan garan.
    Ninka dastuur kuu sameeyay ee kuleh war aynu wado tashi wax ku wadno muxuu bi’iyay?

    Soomaali caqli xun.

  10. Dabshid says:

    Dowladdu waa iney magacowdo
    Regional Coordinators maamulo gobolada

    Goobweyn to Buulo-Xaawo
    Labada Shabeele
    Hiiraan
    Galgaduud

    Sool iyo Sanaag waa budo gooni u tuman.

    ** Waxaad shar moodeyso oo Kheyr isu bedalo ayaa jiro- Burburkii Federaal.

    Xassan Shiikh ayaan ka hayaa hadduu federaalku tahey in si sax ah loogu dhaqmo oo uu yahey nin walbow galaankaa iyo Goofkaa hadde armuuba culeys idinka dhacey.

    Hadda nin walba ha u tashado dhulkiis, filekii Xassan Shiikh hoosta galiyey ee Greater Banaadir State, yaa hor istaagi karo.

    ** Dharlaawe Dhardiidey ma aragteen**

  11. xaange says:

    Cadaado
    Wax badan runta ayaad ka sheegtay waxyaabana caqligaagii gocosada iyo daanyeerka u kala gar qaadi jirey buu u egyahay.
    Marka aad leedahay Farmaajo wuu rakaab xun yahay waan kugu raacsanahay inuu wiilal ciyaala suuqiin ah la taliyayaal ka dhigtay balse waxaad hhadana dhagta soo qabsatay Wasiir Jubxa oo ah wasiirka kaliya oo ciyaalka meesha ku xaraysan runta u sheega.
    Mida ah kooxdii Damu Jadiid baa puntland go’doomisey taasi waa hadal wadkii galay.
    Way isku dayeen inay Puntland wax walba oo xumaana u gaysteen balse Puntland waa dowlad dhidibo adag ku taagan shaxda qolo kastoo villada timaada ay dhigtaba mid ka culus u dhigaysa ama kaba sii hor dagaysa kanaan dagey kaan dagahayaa kanina ii laaban bay ku jidhaa. Yacni mar walba Plan A B C D bay haysataa halka qolada Villada joogta ay la ordayaan Plan A oo riya ah ay ku jiraan.

  12. Cadaado says:

    Khaatumo hanoolaato, kkkk, yes, warka oo kooban waa sidaas. Waxa ku shiray Kismaayo, waa daanyeero aanan caqli laheyen. Waa daanyeero guur isku daneeysi ah ka dhaxeeyo. Waa daanyeero lamid ah qabqablayaashii dagaalka.

    Laakiin, madaxweeyne Farmaajo iyo ra’iisalwasaaare Kheeyre, ayaa daanyeeradaas intii eey kala qeeybin lahaayeen, mideeyay.

    Farmaajo iyo Kheeyre waxaa larabay in eey uu fakiraan “big win or go home” oo eey ku khmaaraan in eey ku hormaraan burburinta maamulka hooyada mahbarimada iyo qaska Somaliya ee Garoowe, laakiin, taas badalkeeda, waxeey is dhaheen kuwa jilicsan, ee hadda la dhisayo, oo markii horeba mucaarad weeyn ku aheyen ku hormara, kadib u soo jeesta Garoowe.

    Abdiwali Gaasna, little birdie, shimbir yar ayaa dhagta ugu sheegtay in isaga loo soo socda, waana uu kaga hormaray waranka amaba move ka. Hadeer, mardhow Madaxweeyne Farmaajo “check mate” ayaa kusoo socda. Waxaa lasugi dhaqaaqiisa kusoo xiga, next move. Dhaqaaqna maahan, lataliyahiisa Abdirahmaan Caayte, oo ka qeeyliya VOA.

    Madaxweeyne Farmaajo iyo ra’iisalwasaare Kheeyre, waa in eey sabuurada ku noqdaan, inta aanan boqorka laga dillin.
    God bless Somalia.

  13. Cadaado says:

    Xaangow, ninn weeyn ayaad tahay ee ninyahow cadaaladda ku dadaal. Oo wasirka arrimaha gudaha Mr. Juxaa kaliya ha difaacin xukuumada dowladda dhexe dadka kamidka ah, oo inta kalena ciyaala suuq haku sheegin. War ninyahow, hadii aan horay laguu barrin cadaalada, isku day in aad hadeer barrato.

    Waad arki doontaa waxa aan sheegayo muddo dhow isaga oo u iljabinaya Mr. Juxaa, hogaamiyahiisa dhabta ah ee Mr. Gaas.
    God bless Somalia.

  14. Dabshid says:

    Xaange

    Halkii nin ee ku jirey 10 kun ee shaqaalahaa miyaad amaantey,

    Dhurwaa Raq u jeedo dhareer ma ceshado, reer Barina faan kama xishoodo.

    War almiino wax ka baro @ Land of Punt oo ah ninka ugu roon golaha, inkastoo sida Guddoomiyaha Zeko Sacuudi Mr Gaas uu Kaalmaati qaato kadibna warku isaga dhex yaaco.

    Magaalo joognimo xumo waad dhameysay

  15. Cadaado says:

    Yes, Xaange, waan kugu raacsanahay in maamulkiina qabiilka ee Garoowe uu ka horeeya labba tilabo madaxda dowladda dhexe. Iskaba daa daanyeerada iyo hogaamiyaasha maamulada iyo dadka eey leeyahiin waan maamulnaa.

    Balo, markasta oo dhinava la’idiin dhigi rabba (kama wada dulmin, laakiin yareeyn saameeytiina siyaasada dalka) daanyeero aanan caqli laheeyn ayaa diyaar u ah in eey dagaalamana, oo idinla saftaan.

    Mucaaradka daaha gadaashiisa fadhiyay arrinkii Qalbidhagax waxeey ahaayeen Gaas, iyo reerkiisa, laakiin, dad badan, ayaa baalasha ka rifay, oo dacaayadeeynay dowladda dhexe.
    God bless Somalia.

  16. Dusha says:

    Abdiweli Gaas wuxuu qaadayaa hees dhabka hadal la yiraahdo oo waaqaca jira ka hadlaysa.

    I’m flying high
    Across the sky
    I’m flying high
    Across the sky
    I’m flying high
    I’m flying high

    I’m the person
    In charge of the aircraft
    I’m the pilot
    We’re hit by a flash
    When I tell you to

    Fasten the seat belts
    Say a prayer
    Cause we’re going to crash

    CallinI’llg air traffic control
    Calling air traffic control
    Calling air traffic control

    I’m flying high
    Across the sky
    I’m flying high
    Across the sky
    I’m flying high
    I’m flying high

    Move beyond
    After hot demolition
    Bring the angels

    To take us away
    Soon we travel
    Inside tunnel vision
    In the garden of Eden
    We play

    Calling air traffic control
    Calling air traffic control
    Calling air traffic control

    I’m flying high
    Across the sky
    I’m flying high
    Across the sky
    I’m flying high
    I’m flying high

    Calling air traffic control
    Calling air traffic control
    Calling air traffic control

    I’m flying high
    Across the sky
    I’m flying high
    Across the sky
    I’m flying high
    I’m flying high

  17. Dusha says:

    Abdiweli Gaas wuxuu qaadayaa hees dhabka hadal la yiraahdo oo waaqaca jira ka hadlaysa.

    I’m flying high
    Across the sky
    I’m flying high
    Across the sky
    I’m flying high
    I’m flying high

    I’m the person
    In charge of the aircraft
    I’m the pilot
    We’re hit by a flash
    When I tell you to

    Fasten the seat belts

    Say a prayer

    Woooow! Loveit this song, it makes sense to me. When a veteran pilot is in cabin. I know the trip is in good shape and i know it is being taken care of wisely. I know the veteran pilot knows what he is doing and what it takes to get his destination intime. We know we are in good hands. So lets not be afraid to fly high and high in the sky.

  18. Jugle says:

    M.waynaha guud ee m.waynayaasha somaliyed mr.C/wali gaas si fiican buu u hadlay, waxuuna shirkaasi ahaa mid ay somali ku midowday,
    Anaga oo ah 90% shacbka somaliyed anaga oo degan 90% dhulka somaliyed maanta laga bilaabo waxaa m.wayne noo ah gaas, mana aqbali doono inay maalin kasta rag aan muqdisho dhaafi karin oo ugandis ilaaliyo magacanaga ku cunaan kaalmada aduunka kkkkkkk

  19. Jugle says:

    8 sano ayey ku hayaan: waxaanu booqanay xarunta tababarka muqdisho, xarunta agoonta muqdisho, war dalku ma muqdisho kaliyaa? Xagee bay ku og yihiin xaruntii agoonta buuhoodle iyo xarumihii kale ee dalka? Kkkkkkkkkkk

  20. Jugle says:

    Kalshaale.ca, fadlan waxii hada kadambeeya markaad ka hadlaysaan m.waynaha m.waynayaasha somaliyed mr.gaas SOO GALIYA SAWIRKAN UU KU RAAXAYSANAAYO XEEBTA KISMAYO kkkkkkk

  21. Kalahage says:

    Kalshaale khayr daranaa xagay sawirrada gaas ka soo bixiyaan.

    Maanta laydh buuba raadinayaa.

  22. xaange says:

    Dabshid
    Faan maaha ee waa xaqiiq jidha waxaan qorayo.
    Adigu se sowdigii lahaa shalay kooxda Shabaab markii ay Boosaaso kantaroolka wax ka tuur tuureen waxaa is dagaalaya Reer Bari iyo Reer Mudug ma marka Boosaaso wax laga sheego kaliya ayaad Mudug xasuusataa?
    Adoo isku dir iyo waxa aad jeceshay qoraya kalka kalana mudug inaan intiisa badan anigu daganahay waad iska indha tirtaa oo Puntland oo dhan waa kuu saxare iyo Bari kaliya kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.
    Laangaab baa tahay koley ee iskaga ciil bax barxada Kalshaale

  23. xaange says:

    Cadaado
    Puntland iyo shacabkee waa durur iyo wabi macaan iyo malabka doocaan marna dacar kharaar baan nahay iyo sun iyo deebaaq ninba kuu naga dalbado baan u darynaa

  24. Idoor Liqe says:

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Meeshu waa Goobweyn. Live Baan u dawanayey markuu sidaas sameynayey ,Ahmed Madoobe baaa xataa ku qoslay kkkkkkkkk cabdiweli kiniini caadi Ma aha kkkkkkk

  25. Maxamud says:

    Oo kismaayo hawiye maka qulqulay kismaayo unukaa leheyne daaroodkii kubaashalowhaya

  26. Kalahage says:

    Kismaanyo waxay noqotay meel garowe far dheer oo gaalka laga hago.

    Ma istidhi markan yaa maali jirayeey bay u baahan tahay.

    Madoobena munaafaqadii bay bareen.

  27. Kalahage says:

    Gaas waa iska ciyaal moma war idaygu ha iska baashaalee iska dhaafa.

    War nimankii meesha isugu tagey maxay reer bari yaqaaneen xukun jacaylkooda aayar bay dheheen waxaad tahay madaxweyne yar.

    Isaguna wakaa ku waashay hede..hede.

    Isla markiiba wuxuu bilaabay khiyaano iyo dan gaara ka hadal.

  28. Land of Punt says:

    This picture says thpusand wards waa biyo xireenka Iskushaban 80 Miles from Qardho .
    Gaas means we can fly IF want.
    Watch youtube beeraha Puntland, sisin, Babaay, Moos qudaar iyo waxwalba Puntland is self sufficient, ka waran meelaha webiyada leh!
    Viva Gaas, duul adeer, malaay, xoolo nool iyo beero timir, foox&beeyo maxaa kaa maqan? Dhul great Britain le’eg.
    Viva Dhul Udug, cadowgaaga cagta hoostiisa!!
    😝

  29. Land of Punt says:

    I mean
    This picture says thousand words, Sawirkaanma waa biyo xireenka Iskushaban 80 Miles from Qardho.
    Gaas means we can fly if we want.
    Watch youtube beeraha Puntland, sisin, Babaay, Moos qudaar iyo waxwalba Puntland they will be self sufficient, ka waran meelaha webiyada leh!
    Viva Gaas, duul adeer, malaay, xoolo nool iyo beero, timir, foox&beeyo maxaa kaa maqan? Dhul great Britain le’eg.
    Viva Dhul Udug, cadowgaaga cagta hoostiisa!!

  30. Land of Punt says:

    Gaas waa ka gabaday in cadeeyo danta naga dhaxaysa Masar, Sacuudi iyo Emiratka, runtii waa 3 dal oo Somalia taariiqda dhaqaaleeha ku xirnaa ilaa maantana 80% waxaan dhoofiyo aadaan, 70% waxaan soo degsano soo maraan, Somalida ka shaqaysatana lasoo koobin karin.
    Waxaa intaas dheer dhaqaalaha ku caawiyaan horumarinta, amniga iyo maalgashiga.
    Saxiibada cusub oo Turkiga oo Xamar soo dhaafin iyo Qadar oo dhib mooyee wax wax nagu kordhin in ka hadlo waa ka gaabsaday.
    Gaas kaniini ma cuno, seef la boodna maaha, hadaan asaga ahaan runta sheegi lahaa!
    He is diplomat, he may be well right.
    Maxaan Turki&Qadar geynaa ama ka keena!
    Xamar Saldhig millitary ka furtay, jidna ka dhisnay isn’t enough.
    Fuck Turki😮

  31. Cadaado says:

    Maxamuud,
    Daanyeer Ceeyr ah adiga oo ah ayaad rabtaa in aad Hawiya maka qulqulay Kismaayo aad ku kiciso dad.

    Waryaa, daanyeerka Ceeyrka ee najiska ah intii uu isbaaro dhigan lahaa Kisymaayo, Daarood ayaad sheegeeysaaye xataa Kenyaati iyo Ugandhees haku baashaalan. Daanyeer aanan caqli laheeyn ayaad tahay, adiga iyo dhamaan inta badan adeeradaadii mooryaanta Ceeyrka ahaa.
    God bless Somalia.

  32. Land of Punt says:

    Dabshid
    Sideed u aragtaa in Gaas soo dhaafay Puntland oo Somalia 90% asaga gudoomiye u doorteen.
    Puntland lala yaabanaa, dee hadda walaa xowla soo dhaaf! Oo governerka Hirshabeele soo wicin oo ku oran yaanu Balcad kusoo dhaafin! Kkkkkkkkk
    Armaajo geed lagu xirin asaga iyo turkidiisa.kkkkkkk
    Arinka sidee u aragtaa Gaas Balcad soo fariisatay asagoon xabad ridin sidii Cabdulaahi Yusuf AUN.
    Kkkkkkkkkkkk
    😅

  33. Land of Punt says:

    Cadaado kkkkkkkkkk
    Warbixintaada dheer waan ku qoslay markaan aqriyey,,kkkkkkkkkk
    Dabshidba adaa ka cabaad badan,,kkkkkkk
    Welcome to new reality. This is Somalia today ruled by those who ruled in 1960..kkkkkkk🙃
    Waxaad oran jirtay walaahi inaan la joogin 1960 aad dad badow ah siri jirteen, kkkkkkkkkkk
    This seems to me worst than 1960.. Oo Balcad South Xamar iyo Ceelasha biyaha North Xamar Gaas guddoomiye u dooeyeen..
    Kkkkkkkk
    Have a nice evenning to all..
    Qosol.com😁

  34. Garqaad says:

    Land

    Sow taad dhihi jirtay yaan baraxleey leysoo dhaafin balcad ma waxaad mooday in ay pudland kamid tahay?

    Anigu waxaan aaminsanahay gaas in uu yahay muwaadin somaliyeed meelkastana uu xukumi karo Oo somaliya kamid ah

    Laakiin adigu waxaad aaminsatahay in aan baraxleey lagu soo dhaafin

    Suusacleey baa yaabtay

  35. Land of Punt says:

    Garqaad kkkkkll
    Dee waxaan Balcad ugu darsaday waxay qaateen federal oo Gaas Balcad guddoomiye u dooratay..kkkkkk
    Aniga ima aad baran, aniga xaduudkayga waa inta federal aaminsan ee maaha qabiil?
    Markaan lahaa ” Car Baraxley iisoo dhaaf waxay Baraxley ahayd xuduudka federalka hadda haddii Waare Gaas guddoomiye u yahay dee xuduudka federalka waa Balcad! Kkkkkk
    Car isoo dhaaf Balcad qolodiina federal diidka.
    War aniga qabiil ma aaminsani community ayaa aaminsanahay..tusaale
    Reer Bossaso waa community, Jaareer iyo jileec iyo Oromo.. Ma aaminsani in Darood, Harti ama Majeerteen cid ka xigo.
    I beleive Bossaso community not Majeerteen community.. Warka ma ku galay?
    😒

  36. Cadaado says:

    Land Of Punt,
    war la’aan ayaa ku heeysa. Anniga macabaado, dhaqanna uma lahi jiljileecaas.

    Laakiin, iska qosol, iska raaxeeysa in aad heleeysan dad daanyeero ah oo idiin dagaalama. Marba, hadii daanyeerada Hawiya qaarkood eey idiin dagaalamayaan, Ogaadeenkii shalay uu dhahaya Faroole, Somali ma’ahan ee afka Somaliga ayeey barteen oo uu Ethopia u dhiibi jirray masaakiintooda eey u dagaalamayaan danaha Majaerteen iyo siyaasiga ku sheega Majeerteen, Abdiwali Gaas, Dhulbahantaas aad ugu gurman weeyseen Isaaqa eryanaya ee Laascaanood, eey diyaaar u yahiin in eey idiin dagaalamaan. Daaneerada Sacad sida Xaaf, iyo Cali Aloore, iyo odayaasha aad jaadka kusiisaan Kaalgacyo eey diyaar u yahiin in eey idiin dagaalamaan. Suufiyada daanyeerta ah ee Ceeyr eey diyaar u yahiin in eey idiin dagaalamaan.

    Hadde ninyahow waad barakeeysan tahiin, ee iska raaxeeysa. Ninkaan Mareexaan iyo seedigiisa Murusade, goal kale in aad ka dhalineeysaan waan hubaa, inta eey ku jirraan “igu sawir” iyo been dadka loo sheego. Xataa argagixadda alshabaab ayaa diyaar u ah in eey idii dagaalamaan.
    God bless Somalia.

  37. Garqaad says:

    Hadda ma waxaad leedahay car balcad isoo dhaafa markaas ayaa lagu qaatay

    Horta qolyihii fadaraalku wadanka ayagaa ku xoog badan hadeeyba balcad marayaan

    Saaxiboow waxaan kabaqaa in aad nasaartaan tareen dhereeyo laakin mustaqbalka aan la ogeyn meesha uu tegi doono

    Annaga hadaan nahay qolyaha fadaraalka diidan shirkii kismasyo kadhacay wuxuu noo yahay jaanis aanu dadka ku tusno dhibaatada uu wadanka ku haayo fadaraal fidno

    Maxaa igu qasbaayo fadaraal hadaan dowladi dhexe aan shaqadaada loo deny?

    Dastuurku waa qabyo qoraal waxaa dhameystir looga sugayaa dowladi dhexe hadaan shaqadeeda loo deny yaa dhameystiraya qabyada dastuurka?

    Makuu muuqataa 4 sano oo iska daba wareeg ah?

    Faa.iidadi fadaraal fidno kusoo dhawoow

  38. Land of Punt says:

    Cadaado kkkkkkkkkkk
    Sxb reer Bariga waxay ku maahmaahaan ” Boowe nina camal la’aan meel uma fadhiyo” inta mid tuugsanaya la tusay oo rafaad ka muuqdo, mid ku yiri hadduu xitaa malaay iska daban lahaa ragaafkan kama muuqdeen! Reer Bariga danyarya ayaa kaluumaysta, dadka doonyaha dibedda wax uga keenaan ayaa elite ah!
    Cadaado hadda dadkaas oo dhan wada doqomo maaha ee dantooda ayey ka dhex arkeen siyaasadda Puntland..
    Hadaad xusuus fiican lahaan lahayd howsha Puntland qabatay shirkii Carte ilaa Imgitati, Kursiigii Cabdulaahi Yusuf AUN after Siyaad Barre villa Somalia geeyey inta Mooryaantii kala cayriyey, Garoowe 1&2 iyo dasruutkii shirarkii bulshada rayidka sidii shirkii Haweenka Somaliyeed Garoowe etc. Ayaad fahmi lahayd in Majeerteen lagu raacin xoog ama sir ay wataan ee talo fiican lagu raacay!

    Kacaankii hadduusan Majeerteen colaadsan cuqdad uu qabay awgeed meesha maanta googno ma joogneen.
    Sida Xaange sheegay Dhabayaco waa rag dacar iyo malab kaa astaahisho ku siin.
    Labada midna ma gafaan oo iskuma qaldaan; kii dacarta cunsiin lahayeen iyo kii malabka siin lahayeen.
    Saas u fahan, cadowtinimo maalaayacni ah ma yaqaanaan.
    Kkkkkkkkk waan aqaan cidda, nin wanaag wada kuma qasaaro!
    😃

  39. Land of Punt says:

    Cadaado
    Waadan ogeyn, waa nalaga xiray mahaa nin Majeerteen ka jeclaa ma jirin madaxwenihii Ximan iyo Xeeb Tiicey iyo saxiibkiis Afweyne.
    Waan la kulmay Kopenhagen waagii uu madaxweynaha ahaa!
    Wuxuu yiri Sacadka ayaa qaswada mooyee Puntland jidka Hobyo oo markaas xirnaa in la furo ayey rabaan! Dadku isku socdaan oo kala ganacsadaan Kkkkkkkkk
    Puntland waxba iskama weydeen ayuu yiri🤔
    Weliba aniga su’aashaas ma weydiin nin kale ayaa weydiiyey= Puntland muxuu yahay dhibka idinka dhaxeeya?

  40. Land of Punt says:

    Csdaado
    Mideeda waxa qortay waa qalad: Caawa faan igama aha Puntland in dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia oo civil war xun ka socday qaybta ugu weyn ku leeyohiin in dhamaaday, ka diideen ONLF in Puntland ka dhigtaan meel kula dagaalan maamulka Somalida. Dacaayad lagu furay adiga weli wadaa!
    Jubbland qayb libaax qaateen dhismaheeda.
    Khatumo runta loo sheegay Isaaq ama Laascanood ku duuli mayno ee tashada oo ka hara Cali Khaliif Somaliland u shaqeeyaa! Puntland waa lawada leeyahay macal reer Koofur ee dadkiina dhinac ka raaca! Wax dagaal iyo duulaan la yiraado ma jiro, tashada oo wax isku raaca!
    Weli ma aragtay, Madaxda Dhulooska Puntland jooga oo dagaal iclaaminaya waa maya! Waayo dee waa kaalay gub gurigaaga.
    Maskaxdaada ha shaqayso la iskama hadlee!
    Majeerteen ma super power baa waa beel Somaliyeed talo alle tusay! Dagaal nacay ilaa Kacaankii ku jireen! Wax faaiido ah lagu gaarayn Somali isdilaysa! Nina guuri maayo. Run
    🖐🇸🇴🖐
    Waa seexday nabadgelyo

  41. Mustafe Daacad says:

    Dhamaan waan idin salamy.Madaxweyne xurmadle Gaas waa halyey wuuuna qaadayaa waa buubaaa badaan galaaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Odey xaaf ahaa sawir ah ayuu kismaanyo geeyey intuu axmed madoobe u adeegsady o dhahay waan taagersanhy jambal ayey utuureen odeyga intuu dadkiisa dhex joogi lahaa ola heshin lahaa ayuu gaas miino kusii xiray bum bum kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Mj siyasad laguma gaaro kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  42. Mustafe Daacad says:

    Xormadle Gaas dalkaba isgaa xukua balse waxaksii daran malinkay xamar isgalaan o uu tv soo fadhisto udhaho wakase edeb daro halaylasoo aado markuu hadlay dawladiba wey ruxantay madaxweyne utartiibi plz shirkan kismanyo ninka watayba waxuu aha Gaas labo waji ayuu lahaa midna inuu dawlada kululeeyo midna inuu xaaf miino kuxiro o xogaga tagersan ay nacaan rer xamarku waxey dhahan baraawe kasoo dhul bilaawkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  43. Cadaado says:

    Land of Punt,
    waan kula socdaa, saaxiib. Kolay hogaamiyahii hore ee Ximan iyo Xeeb, Mr. Tiiceey kama aadnaan hoos bixin laheyen, waxna waa la’isla meel dhigi lahaa, laakiin, daanyeertaas uu sheegay ee mooryaanta ah oo aad marna ku shaqeeeysataan, marna soo tuurtaan ayaan idinka diidanahay in aad sidaas u gashaan. Maalina aad dhahdaan boowe, walaala ayaan nahay, maalina aad is dagaashaan. Adinka iyo adinkuba waad qarribantahiin, laakiin, iyaga waa idinka sii liitaan.

    Anniga iyo firkeeygana, ma yeelno munaafaqaddda noocaas ah, usha dhinaca gaabanna ma qabsanno. Taas waligaa ogow.

    Waxa aad wadaana waa dulmi, loo baahanyahay in la’idinka qabto/joojiya. General Siyaad waa uu idinka hortagay, oo idinka qabtay, laakiin, dhicitaankiisa kadib, waxaa isku soo haray daanyeero. Firaaqa ayaana u hesheen in aad ka adeegataan wadanka Somaliya.

    Laakin, madaxweeyne Farmaajo ayeey saarantahay waajibka in uu ka difaaco dalka mahbarka iyo qaswadayaasha cidii eey doonaan ha’ahaadaane. Ilaa hadeer, waad ka wadataan, oo goal ayaad ka dhaliseen.
    God bless Somalia.




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
MUUQAAL: Xildhibaan Lama Filaan ku dhigay xaflad la isugu yimid C.raxmaan C.shakuur iyo Xubno Farmaajo Diidan !
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Xildhibaan Abdishakuur Cali Mire oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, oo maanta Khudbad ...
Itoobiya oo Israel ka iibsatay Barnaamij ay ku basaasto Shacabka iyo dalal kale
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Warbixin ay soo saareen cilimi-baarayaal waaxda (Citizen Lab) ee ka tirsan Jaamacada ...
Daawo Video: Prof. Cali Khaliif Galaydh “Waxa aan Rabaa Soomaliland loo dhan yahay iyo Muuse inuu Heshiiskii Fuliyo”
- Dec 12, 2017
Hargeisa  (Kalshaale) Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka khaatumo oo Hargeisa ku sugnaa Mudooyinkan ...
Daawo: Wasiir Bayle oo War Farxad leh ka sheegay Guulaha uga soo baxay Shirkii Nairobi iyo Siday wax u dhaceen
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay ...
MUUQAAL+Murugo: Donald Trump oo Soomalida Masaafurinaya iyo Dumar ay Ilmadu ka dhamaatay iyo Waxa dhacay
- Dec 12, 2017
Minnesota (Kalshaale) Qaar ka mid ah qaraabada iyo qoysaska 92 qof oo Soomaali ah ...

Featured Video