Wasiir Ducaale oo ka hadlay isbedelka Amniga ee ka jira magaalada Muqdisho

Muqdisho (Kalshaale) Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa ka hadlay halka uu maraayo dadaalka ay dowlada Federaalka Somalia ugu jirto xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho.

Wasiir Ducaale, ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay xooga saartay sida shacabka Muqdisho ay ugu noolaan lahaayen amni, waxa uuna cadeeyay in amniga uu yahay mid wanaagsan.

Wasiirka waxa uu Tilmaamay in amniga magaalada Muqdisho uu iminka yahay mid leysku haleynkaro, markii laga soo tago falal yaryar oo lagu daba joogo.

Ducaale ayaa sheegay in dowlada Federaalka ay ka adkaaneyso waxa uu ugu yeeray burcad diimeedka iyo nabadiidka kale, oo in muddo ahba dalka dhib badan ku haayay, sida uu yiri.

Ciidamo farabadan ayuu sheegay in la dhigay dhammaan goobaha ay maleeshiyada kasoo qaadi jirtay amni darida waxa, waxa uuna shakiga ka saaray in Alshabaab ay fulin karto falal amni darro.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha, Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab), ayaa sheegay in ammaanka Magaalada Muqdisho maanta la dhihi karo waa mid aad u wanaagsan.

Waxa uu Sayid Carab sheegay in Wasiirka Amniga uu ku celcelshay in Alshabaab si buuxda looga sifeyn doono dalka oo idil.

Sidoo kale, Afhayeenka, ayaa tilmaamay in la wiiqay awooddii mintidiinta Al Shabaab, isla markaana ay xilligan adag tahay inay galaangal u yeeshaan weeraro ay ka fuliyan Magaalada Muqdisho.

Haddalka Ducaale ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyaadka Alshabaab ay ku goodiyeen inay laba jibaarayaan falalka amni darro oo ay ka geystaan magaalada Muqdisho.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (3)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    IGA QORA QARAX WEYN BAA XIGA BERI AMA SAADANBE WAXAAN SIDAAS U DHAHAYAA,WAZIIRADA DAWLADU MARKAY SIDAASOO KALE U HADLAAN HABAARQABAYAASHUNA (WAA ALSHABABE) IYANA QARAX WEYN BAY SOO ABAABULAAN OO SHACABKA KU LAAYAAN,,WAXAADNA MOODAA MARKAAN QIIMEEYO SIDAY WAX U DHACAYAAN INAYBA IS OGYIHIIN DFS & ALSHABABKU.!!!!!!!!..

  2. Jugle says:

    Aabahaa abniga xamar kawas, xamar inta uu hal qabiil haysto ma waxay iga xigtaa kambaala? Pullshit

  3. Jugle says:

    Somali way kala tagi ee qabiil kasta dhulkiisa iyo caasimadihiisa ha utashado kadibna aynu aragno aabihiis wasaha adhigiisa lawaso kkkkkkk imisaanu lahayn war isbaaradu anfaci mayso ee umadda u celiya garyahooda aabahaa iyo ugandiska ku ilaaliyaba was kkkkkk




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo Video: Dab Xoogan oo Sababay Khasaare Balaadhan oo Qabsaday Badhtamaha Ceerigaabo.
- Feb 21, 2018
Ceerigaabo (Kalshaale) Dab Xoogan oo Sababay Khasaare Hantiyeed Balaadhan  ayaa maanta ka kacay Xaafado ...
Daawo Video:Ciidamada Dawlada Somalia iyo Shabaab oo Ku Dagaalamay Deegaanada Jubaland
- Feb 21, 2018
Kismaanyo (Kalshaale) Dagaalo Culus oo u Dhexeeya Ciidamada Dawlada Fadaralka oo Garabsanaya Kuwa Jubbaland ...
Daawo Video: Somaliland oo Khatar ku Sugan Hadii Ethiopia Burburto iyo Sababta
- Feb 21, 2018
Hargaysa (Kalshaale) Qaar ka mid ah Aqoonyahanada Somaliland aya aaminsan in Ethiopia oo Burburta ...
Daawo: Codsigii Iimaan C.raxmaan ee Madaxwayne Farmaajo, Khayre & Gaas
- Feb 21, 2018
Gaalkacyo (Kalshaale) Iimaan C.raxmaan Maxamed waa Gabadh Soomaaliyeed oo ku xanuunaysa magaalada Gaalkacyo ee ...
MUUQAAL: RW. Khayre iyo Madax ka Qayb galay Salaada Jinaasada Axmed Diiriye oo Muqdisho ku geeriyooday
- Feb 21, 2018
Muqdisho (Kalshaale) Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Somalia iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay salaada ...

Featured Video