Daawo: C.xakiim Axmed Xirsi “Xawte” oo Kamida Qurba Joogta gobolka Sool oo Noqday Ninka u Waxqabadka badan

Laascanod (Kalshaale) CabdiXakiim Axmed Xirsi “Xawte” ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaanka Burcadle oo horay loo odhan jiray Magacyada Dhubuq-Dhubuq iyo Sinu Jiif kagana beegan dhanka waqooyi bari 85 Km magaalada Laascaanood.

CabdiXakiim Axmed Xirsi waxaa uu ka mid yahay dadka qurba Joogta ah dalka dibadiisa ku nool , waa ganacsade balse qurba Joogta kale ayaa waxaa uu kaga duwan yahay isagu waxaa uu ka gaystaa dalkiisa inuu ka caawiyo horumarinta iyo kaalmaynta dadkiisa , Waxaa uu u dhisay sanadkii hore Dugsi sare oo ku yaalla deegaanka Carooley Dugsi sare oo wax ka bartaan boqolaal arday oo u badan dad dan yar ah .

Sidoo kale waxaa uu dugsi hoose dhexe oo qalabaysan uu ka hir geliyey deegaanka Burcadle,isaga oo dhagax dhigay dugsigaasi markii uu sanadkii hore dhisayey dugsigii Carooley .

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO MUNAASIBADA  

Dadka ku dhaqan deegaankani ayaa si wayn u soo dhaweeyey CabdiXakiim Axmed Xirsi iyagoo uga mahad naqaya dugsigan uu ka hirgaliyay degaanka.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (3)

  1. C/Raxmaan says:

    Hadaadan jecleyn xumaanta wax ka dheh wanaaggan .
    ——–
    Mudanahani waa shaqsi waxtar leh . Illaahayna wuu la garabgalay dadaalkiisa . Ficil ku dayasho mudan ayuu sameeyey . Guul .

  2. Garqaad says:

    Mudanahaan oo kale waa in tixgelin gooniya lasiyaa waa nin dadkisii iyo dadkiisa waxow awooday u qabtay
    Hadii xagaan siyaasad lagu soo qori lahaa beejkaani waa buuxsami lahaa
    @ cabdiraxmaan
    Waxaan la qabaa war heedhe intaan iska deyno siyaasada iyo qabiilka aan ku indha beelnay aan kafaloono wanagaan oo kale tolaayey

  3. rooble says:

    ha la tageero mudanahan waa nin alle yaqaan ah anniguna waxaan la qabaa saxiibadaa iga horeeyay wbt




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo: Ciyaaryahan George Weah oo loo Dhaariyay Xilka Madaxweynaha Liberia (Sawirro)
- Jan 23, 2018
Monrovia (Kalshaale) Ciyaaryahankii hore George Weah ayaa maanta loo dhaariyay xilka Madaxweynaha Liberia, kaddib ...
Sawirro: Kheyrre oo Switzerland kaga Qeyb galaya Shir Caalami ah (Daawo)
- Jan 23, 2018
Davos (Kalshaale) Reysul Wasaaraha Xukumada Fedraalka soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Dalka Switzerland ...
Daawo Video:Militariga Turkiga oo la wareegay Tuulooyiin ku yaala Suuriya
- Jan 23, 2018
Afrin (Kalshaale) Ciidamada Turkiga ayaa qabsaday dhowr tuulo oo ku yaalla Wuqooyiga Suuriya, sida ...
Daawo Muuqaal: Ciidamada Kenya oo Bur-buriyey Xaruntii Shirkada Hormuud iyo Siday qaraxa ugu xidheen (Waraysi)
- Jan 22, 2018
Ceelwaaq (Kalshaale) Ciidamada Kenya ay qarax ku burburiyey xarun Isgaadhsiin oo ay Shirkadda Hormuud ...
Daawo: Madax-dhaqameedka Garxajis oo Shaaciyey Xiliga Shirkooda, Iyagoo Dagaalka ku eedeeyay Muuse Biixi
- Jan 22, 2018
Hargeisa (Kalshaale) Madaxa-dhaqameedka Beesha Garxajis ayaa Shaaciyay Wakhtiga ay Sida Rasmiga Ah u qabanayaan Shirwayne ay ...

Featured Video