MUUQAAL: DF-Somalia oo ku baaqay in la keeno Xargo kale oo Fibre Optic ah

Muqdisho (Kalshaale) Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa ku baaqay in dalka la keeno Qad Internet oo Keyd ah, kaddib markii Qadkii Internet-ka Fibre Optic ee la soo marsiinayay Badda hoosteeda uu bishii hore markab jaray, taasoo sababtay Internet la’aan soo wajahday Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Mr Canshuur oo Wariyeyaasha kula hadlayay Xafiiskiisa, wax yar kaddib markii uu dib u soo laabtay Internet-ka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalku yeesho Qad Internet oo keyd ah (Back Up), si looga bad baado, hadii uu mar kale cilad ku timaado Internet-ka ama uu go’o.

“Shirkadaha waxaa ka dooneynaa inay sameeyaan qaab xariga looga ilaalin karo maraakiibta ku soo xiraneysa Dekeda, taasoo u baahan in shirkadaha Internet-ka inay isla qorsheeyaan sidii looga bad baadi lahaa in mar kale uu xarigaas go’o”ayuu yiri Wasiir Canshuur.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WASIIRKA OO KA HADLAY

Waxaa uu sheegay in dalka ay ka jirto fursad ganacsi oo lagu maalgashan karo, isagoo ku baaqay in la keeno Xargo kale, si looga baxo baahida Internetka ee sii kordheysa.

“Ganacsatada waxaa ugu baaqeynaa inay keenaan xargo kale oo Fibre Optic ah, dalka waxaa ka jira fursado lagu maalgashan karo”ayuu yiri Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay gacanta ku heyso qorshe qaran oo ay qeyb ka noqonayaan daneenayaasha Isgaarsiinta, kaasoo uu xusay inuu damaanad qaadi doono helitaanka Isgaarsiin tayo leh oo la isku haleyn karo.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

WARAYSI PROF. CABDI SAMATAR

Riix Sanadguurada Khaatumo
MUUQAAL: Xildhibaan Lama Filaan ku dhigay xaflad la isugu yimid C.raxmaan C.shakuur iyo Xubno Farmaajo Diidan !
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Xildhibaan Abdishakuur Cali Mire oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, oo maanta Khudbad ...
Itoobiya oo Israel ka iibsatay Barnaamij ay ku basaasto Shacabka iyo dalal kale
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Warbixin ay soo saareen cilimi-baarayaal waaxda (Citizen Lab) ee ka tirsan Jaamacada ...
Daawo Video: Prof. Cali Khaliif Galaydh “Waxa aan Rabaa Soomaliland loo dhan yahay iyo Muuse inuu Heshiiskii Fuliyo”
- Dec 12, 2017
Hargeisa  (Kalshaale) Prof. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii maamulka khaatumo oo Hargeisa ku sugnaa Mudooyinkan ...
Daawo: Wasiir Bayle oo War Farxad leh ka sheegay Guulaha uga soo baxay Shirkii Nairobi iyo Siday wax u dhaceen
- Dec 12, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay ...
MUUQAAL+Murugo: Donald Trump oo Soomalida Masaafurinaya iyo Dumar ay Ilmadu ka dhamaatay iyo Waxa dhacay
- Dec 12, 2017
Minnesota (Kalshaale) Qaar ka mid ah qaraabada iyo qoysaska 92 qof oo Soomaali ah ...

Featured Video