Wadooyinka Muqdisho oo isbedel weyn laga dareemay iyo hubkii faraha badnaa oo ka yaraaday magaalada (Warbixin)

Muqdisho (Kalshaale) Is bedel weyn ayaa laga dareemayaa waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo magaalada inteeda badan uu ka yaraaday hubkii iyo ilaaladii fara badnaa ee ay ilaalin jireen mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada.

Go’aankii Golaha Wasiirada soo saareen ee ku aadanaa in amniga Caasimada ayaa intiisa badan dhaqan galay, iyadoo qodobka ugu muhiimsan oo ay shacabka u riyaaqeen uu yahay qodobka ilaalada mas’uuliyiinta dowladda iyo yareynta hubkii lagu ilaalin jiray

Wadadada Maka Al-Mukarama iyo waddooyinka kale ee magaalada ayaa waxaa ka yaraaday baabuurtii ciidanka aheyd ee saarnaa qoryaha dagaalka, taasoo nafis badan ay dareemeen shacabka, isticmaalka wadadana uu noqday mid si degan oo nabadgelyo ku jirto dadka u maraan.

Shacabka ayaa ku dhib qabay baabuurta dagaalka ay wataan ciidamada oo marka ay wadada marayaan geysta dhibaatooyin iyo xadgudubyo, waxaana mararka qaar ay ku taagi jireen qoryaha.

Waxaa yaraaday ilaaladii badneyd ee gaadiidka lagu ilaaliyo mas’uuliyiinta, waxaana gaari kasta ku arkeysa 3 illaa afar askari oo wata qoriga AK47, kuwaasoo si edeb ku jirta wadada u marayaan.

Ciidamadii Milateriga ee magaalada ku sugnaa ayaa dibadda looga saaray, kuwaasoo la geeyay xerooyinkooda, taas ayaana loo aaneynaa inay yareysay dhibkii dadka ku qabeen marida waddooyinka.

Wadooyinka caasimadda Muqdisho ayaa cidla ah mana arkayso gaadiid fara badan oo hub saaran yahay sidoo kale madaxda iyo Wasiirada Dowladda hubkii faraha badnaa ee lagu ilaalin jiray hoos ayuu u dhacay.

Dadka ka faalooda arrimaha amaanka waxay leeyihiin haddii si dhab ah loogu howlgalo hub ka dhigista oo aan la joojin waxaa hubaal ah in wax badan iska bedeli doonaan ammaanka caasimadda Muqdisho.

Go’aanadii ay Xukuumadda soo saartay todobaadyo ka hor ayaa waxaa ugu muhiimsanaa in aan magaalada lagu arki karin askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin, in gaadiid tikniko aan aheyn kuwa ciidamada xasilinta aan magaalada lagu arkin, iyo mas’uuliyiinta oo aan lagu ilaalin karin wax ka badan afar askari iyo qoriga AK47 kaliya.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee loo qaado amniga, maadaama amni darada ay qeyb ka ahaayeen ciidamada, gaar ahaan marka ay wadada marayaan in rasaas maalayacni ay ku ridaan dadka shacabka ee gaadiidka saaran iyo inay wadada ku maraan si xoog ah oo aan akhlaaq ku jirin.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (5)

  1. absame boy says:

    mashallah koow majoogto lkn waa bilow somalida ilaahay baaa ka dhaliyay dad hogaaminta hibo uleh oo markay halis gashaba bad baadiya. hubka ay waxmagaratadu isku gumaadaysay 30ka sano waa laga uruurin nabad hakunoladan dadku Hana xamashan.

  2. Hiilqaran says:

    Waa good news aad baan u soo dhowey nayaa waa tilaabo loo qaaday dhinaca wanaagsan inkastoo loo baaqoo lohorseeday barwaaqo dadbey meeli bugtaa bugtaa waligiinba heydin bugto waxaa idinka badan inta wanaaga u hilineysa wbt

  3. Kamaal Adan says:

    Asc
    Madaxweyne farmaajo wakaas go,aan adagku dhaqaqay madaxdi hore awood wey uyelan weyday iney dhahan hubka khasab galagu dhigo darood maamul illahayba baray kix kix kix kix

  4. Jugle says:

    Absame boy iyo kamaal aadan, kkkkkkk wlhy waa ayaan daro in 27 sano lawaayo hal nin oo dowlad dhisi kara kkkk ruug cadaagii durba waxuu bilaabay hub kadhigis ee markii reerka laga dhigo maati caano leh waa inay dowladu ilaaliso amaankooda kkkkkkkkk

  5. Jugle says:

    Kkkkkkkkkkkkkkkk allow yaan nala moodineey, allow ceebtanada astur kkkkk




NIMCAAN HILAAC WIXII QABSADAY

Riix Sanadguurada Khaatumo

HOOYO QIIRO LA SUUXDAY

Riix Sanadguurada Khaatumo
Daawo: Ciyaaryahan George Weah oo loo Dhaariyay Xilka Madaxweynaha Liberia (Sawirro)
- Jan 23, 2018
Monrovia (Kalshaale) Ciyaaryahankii hore George Weah ayaa maanta loo dhaariyay xilka Madaxweynaha Liberia, kaddib ...
Sawirro: Kheyrre oo Switzerland kaga Qeyb galaya Shir Caalami ah (Daawo)
- Jan 23, 2018
Davos (Kalshaale) Reysul Wasaaraha Xukumada Fedraalka soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Dalka Switzerland ...
Daawo Video:Militariga Turkiga oo la wareegay Tuulooyiin ku yaala Suuriya
- Jan 23, 2018
Afrin (Kalshaale) Ciidamada Turkiga ayaa qabsaday dhowr tuulo oo ku yaalla Wuqooyiga Suuriya, sida ...
Daawo Muuqaal: Ciidamada Kenya oo Bur-buriyey Xaruntii Shirkada Hormuud iyo Siday qaraxa ugu xidheen (Waraysi)
- Jan 22, 2018
Ceelwaaq (Kalshaale) Ciidamada Kenya ay qarax ku burburiyey xarun Isgaadhsiin oo ay Shirkadda Hormuud ...
Daawo: Madax-dhaqameedka Garxajis oo Shaaciyey Xiliga Shirkooda, Iyagoo Dagaalka ku eedeeyay Muuse Biixi
- Jan 22, 2018
Hargeisa (Kalshaale) Madaxa-dhaqameedka Beesha Garxajis ayaa Shaaciyay Wakhtiga ay Sida Rasmiga Ah u qabanayaan Shirwayne ay ...

Featured Video