Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Gudoomiye kuxigeenada Baarlamaanka
Waxaa saacadaha soo aadan lagu wadaa in xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Gudoomiye kuxigeenka koowaad iyo kan labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Doorashada maanta ayaa ka adag tii shalay ka dhacday xarunta golaha shacabka ee lagu doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana doorashada maanta ku tartamaya siyaasiyiin saameyn badan ku dhax leh Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Waxaa adag in la saadaaliyo shaqsiyaadka kusioo bixi kara labada kursi ee maanta loo tartamayo, waxaana kuraastan ku tartamaya in ka badan 15-Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Gudoomoye kuxigeenka Koowaad waxaa u tartamaya Lix Musharax:
1-Xildhibaan Cabdiweli sheikh Ibrahim Muudey
2-Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqadir
3-Xildhibaan Jeylaani Nur Ikar
4-Xildhibaan Khadija Maxamed Diiriye
5-Xildhibaan Khalid Macow Cabdiqadir
6-Xihibaan Saciid Xuseen Ciid
Gudoomiye kuxigeenka labaad waxaa u tartamaya
1-Cabdulkadir Sh. Cali Baqdaadi
2-Mahad Cabdalla Cawad,
3-Burhaan Aden Cumar,
4-Cabdulahi Xusen Cali,
5-Cabdiweli Maxamed Qanyare,
6-Xuseen Cabdi Cilmi,
7-Cabdulahi Godax Barre,
8-Cilmi Maxamed Nuur,
9-Cabdiraxmaan Aden Ibarhim
10-Maryan Axmed Harun.
Doorashada maanta ayaa noqon doonta mid adag oon si fudud lagu kala badin, waxaana laga yabaa in doorashada Gudoomiye kuxigeenada Baarlamaanka ay waqti badan qaataan maadaama musharixiin badan ku tartamayaan.
waxa soobaxaya faarax cqaadir wayo waa ni n utoobiyaan ah reer feerfeer
@ maamulka kalshaale
war iga qaada modeationka
waxa guuleysanaya faarax waayo wa nin af xabashiga yaqaana
waxa guuleysanaya faarax waa nin feerfeer ah
Farax cabdul qaadirna maxaa
Dhibaato haysata waxqarajiyana
Mawaayey Somalia waa looyaba