MUUQAAL: Donald Trump oo Beeniyey inay Ruushku isaga SIR ka hayaan iyo Wixii kala Qabsaday Warbaahinta ?

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa qabtay markii ugu horeysay tan iyo doorashadii dalkaasi shir jaraa´iid, waxaana warsaxaafadeedkan lagu soo beegay saacado kadib markii qaar kamid ah saxaafada ay shaaciyeen xog ku aadan xiriirka ka dhaxeeya Trump iyo Ruushka.

Donald Trump ayaa caradiisa kula dhacay warbaahinta CNN iyo Buzzfeed oo shaaciyey xog sheegaysa in Ruushka uu sir badan ka hayo Donald Trump taasina keentay inuu u debecsanaado wadankaasi ay cadaawada ka dhaxeyso Maraykanka.

Trump ayaa tan iyo doorashadii dalkaasi ka dhacday diidayey xogta uu ka helayo Sirdoonka Maraykanka oo sheegaysa in Ruushka uu jabsaday computerada xisbiyada dalkaasi isla markaana saameyn ku yeesheen natiijadii doorashadii uu isagu ku guuleystay.

Hase yeeshee Donald Trump ayaa xogta sirdoonka Maraykana iyo waliba xogta ay shaaciyeen Saxaafada ku tilmaamay warar been abuur ah oo aan wax sal iyo raad ah lahayn, wallow uusan Trump wax cadeyn ah uusan soo bandhigin.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Dhinaca kale Donald Trump oo cadaadis xoogleh kala kulmaya sharci yaqaanada ayaa iska difaacay talada loo soo jeediyey oo ah inuu faraha kala baxo shirkadihiisa ganacsiga mar hadii xilka Madaxweynaha loo doortay, isagoona sheegay in Shirkadihiisa ganacsiga uu ku wareejin doono Labadiisa wiil, balse uu shirkadahaasi dib ulla wareegi doono markuu xilka ka dego, arrintaasi oo weli la iska weydiinayo su´aalo badan.

Sharci yaqaanada Maraykanka ayaa sheegaya in Mas´uuliyiinta sare ee dowlada ay sharciyan khasab tahay inay faraha kala baxaan ganacsiga ay ku jireen si aysan isaga horimaan ama xiriir u yeelan ganacsigooda iyo xilka ay hayaan, taasi oo looga gaashaamanayo musuq maasuqa iyo in ay lacag ka sameeyaan xafiiska dowlada.


<

Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (3)

  1. Ahmed Somalinn says:

    ASC.
    Jecliya inay isku dhacaan war baahinta qaarkeed, waaba mid aan rajaynaaye. WBT.

  2. NUURKANEDERLAND says:

    D.TRUMP WAXAA LAGU HAYSTAA WAXA TURKIGA LAGU HAYSTO,OO AH YAA KU DHAHAY SOO DHAWEE RAASHIYA,,,,KKKKKKKK,,WAQTIGII LOO QABTAY ODORASKA WW3 DAGAALKII SEDEXAADNA WAXAABA KA DHIMAN 9-BERI,22-01-2017,,,,WAA SUGAYNAA NINKAY CAANO KA DAATAAN,,

  3. NUURKANEDERLAND says:

    D.TRUMP WA DOQON FAARUQA OO NACAYB KA BUUXO OO FULAYA,,,RAASHIYANA FULAYNIMUU UGA BAQAYAAA,




DAAWO: Aadan Siiro “Saldhiga Berbera Waa Dagaal aan Waddo lahayn ” (Video)
- Jan 20, 2017
"Saldhiga Berbera Waa Dagaal Aan waddo lahayn, Waa Lacag Doon Inanyar Ku kooban" Sh. ...
Muuqaal+Dhegayso: Donald Trump oo Xilka la wareegay & Soodhoweyn loogu sameeyay Aqalka Cad ee Maraykanka
- Jan 20, 2017
Minneapolis (Kalshaale) Donald John Trump oo sideeddii November 2016 loo doortay inuu noqdo madaxweynaha ...
Muuqaal: CDRC Itioobiya oo Sheegtay inaan DAAROOD iyo Abgaal loo dooran M/waynaha Somalia (Warbixin yaab leh)
- Jan 20, 2017
Muqdisho (Kalshaale) Iyadoo Soomaaliya uu ka socdo ololaha doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Hay’ada Wadda ...
Dhegayso: Xildhibaanada Galmudug oo War Cusub Kasoo saaray Doorashada Madaxwaynaha maamulka Galmudug
- Jan 20, 2017
Cadaado (Kalshaale) Qaar ka mid ah xubnaha xildhibaanada ee Baarlamaanka Maamulka ayaa sheegay in ...
Suldaanka Beesha Bariga Burco oo ka hadlay Ninkii u Hanjabay Xirsi “Gabiley Waxay le’egtahay Beertayda” (Daawo)
- Jan 20, 2017
Suldaanka Beesha Bariga Burco ayaa si kulul uga hadlay Hanjabaad dhowaan magaalada Gabiley Loogu ...